Falimaha 20
20
Bawlos wuxuu tagay Makedoniya iyo Gariigga
1Markey Rabshadii dhamaatay, Bawlos wuxuu iskugu wacay xertii, kadib markii uu dhiirigeliyay ayuu macsalaameeyay oo aaday Makedoniya. 2Intuu meeshaas joogay, wuxuu dhiirigeliyay walaalaha dhamaan magaalooyinka uu dhex maray. Kadibna wuxuu yimaaday Gariigga, 3halkaas wuxuu joogay saddex bilood. Goortuu Suuriya tagi rabay ayuu wuxuu ogaaday in kuwo Yuhuud ah ey shirqool ku sameyn rabaan, markaas ayuu go’aansaday inuu ku laabto jidkii Makedoniya. 4Waxaa la socday Soobater ina Burhus oo reer Beroya ah, iyo Aristarkhos, Sekundo oo reer Tesaloniika ah, iyo Gayos oo reer Derbe ah, Timoteyos, Tukhikos iyo Torofimos oo reer Aasiya ah. 5Wey naga hor tageen oo Taroo’as ayey nagu sii sugeen. 6Laakiin waxaan ka shiraacnay Filiboy kadib Dabaaldagii kibista aan khamiirka lahayn, shan maalmood kadibna kuwii kale ee Taroo’as joogay ayaan ku biirnay, halkaas ayaan joognay toddobo maalmood.
Booqashadii ugu dambaysay
7Maalintii ugu horeysay ee usbuuc waan isku nimid si aan cashada Rabbiga u wadaagno. Bawlos dadkii ayuu la hadlay, waayo safar ayuu ahaa maalintii ku xigtay sidaa darteed illaa habeen barkii ayuu hadlayay. 8Qolka ku yaalay qeybta sare ee guriga aan ku kulmeynay wuxuu lahaa feynuusyo badan. 9Waxaa daaqada ku fadhiyay wiil dhaliyara ah oo la yiraahdo Yutukhos, hurda ayaa la sii tagaysay goortii Bawlos sii hadlayay. Markey hurdadii la tagtay ayuu wiilkii kasoo dhacay dabaqii saddexaad oo isaga oo mayd ah ayaa dhulka laga qaaday. 10Markaas ayaa Bawlos intuu hoos aaday ayuu wiilkii habsiiyay. Wuxuuna dhahay, “Ha ka welwelina, waayo wuu nool yahay!” 11Kadibna jaranjaradii ayuu sii fuulay, oo kibistii jabiyay oo cunay. Wuxuuna hadlayay illaa subixii, kadibna wuu tagay. 12Dadkiina iyagoo aad u farxay ayey wiilkii isaga oo nool guriga geeyeen.
Taroo’as illaa Mileetos
13Waxaan sii tagnay illaa markabka oo aan u safarnay Asos, halkaas ayaan Bawlos kasii qaadnay waayo isagu jidkaas ayuu isticmaalayay. Qorshahan oo dhan isaga ayaa sameeyay. 14Markaan Asos iskula kulannay ayaan sii qaadnay oo illaa Mituleenee u safarnay. 15Halkaas markaan ka safarnay ayaa maalintii ku xigtay waxaan gaarnay meel ku dhow khiyos. Maalin kadibna waxaan usii gudubnay Samos, maalintii ku xigtana waxaan imaanay Mileetos. 16Haddaba Bawlos wuxuu go’aansaday inuu u safro Efesos waayo ma dooneynin inuu waqti ku sii dhameeyo waddanka Aasiya, waayo wuxuu u degdegsanaa inuu Yeruusaalem tago maalintii bentekoste hadday u suurtowdo.
17Bawlos wuxuu Mileetos fariin uga diray odayaashii kaniisadda ee joogay Efesos si ey ula kulmaan. 18Markey imaadeen wuxuu ku yiri, “Maalintii ugu horeysay ee aan imaaday Aasiya waad ogtihiin sida aan waqtigii aan idin la joogay u isticmaalay. 19Yuhuudda qaar ayaa i shirqooleen oo dhibaato iyo silac badan ii keenay. Laakiin Rabbigaan si daacad ah ugu adeegayay. 20Waad ogtihiin markaan wacdinayo inaan wax faa’iido idiin ah aanan idin ka qarinaynin, laakiin si caddaan ah ayaan wax idiin ku barayay guri illaa guri. 21Yuhuudda iyo Gariigtaba waan u sheegay iney u toobadkeenaan Illaahey oo iimaankooda saartaan Rabbigeena Ciise Masiix.
22“Haddaba aniga oo Ruuxu i hogaaminayo ayaan u socdaa Yeruusaalem, aniga oo aan garaneynin waxa igu dhici doona. 23Magaalo walboo aan tago Ruuxa Quduuska ah wuu ii sheegaa in xabsiga la i gelin doono oo aan dhibaato la kulmi doono. 24Laakiin nolosheydu macno ilama laha, waxa kaliya ee aan rabo waa inaan dhameystiro shaqadii Rabbigeena Ciise i siiyay inaan sameeyo, taas oo ah inaan wacdiyo warka wanaagsan ee nimcada Illaah.
25“Haddaba waxaan ogahay in qof idin ka mid ah oo aan ku wacdin jiray waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Illaah uusan mar dambe i arki doonin. 26Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay maanta in aanan dembi ku laheyn dhiigiina mid ka mid ah. 27Waayo waan idiin sheegay wax walboo uu Illaahey rabay inaad ogaataan. 28Is ilaaliya dadka kalana ilaaliya, waayo Ruuxa Quduuska ah ayaa idin ka dhigay ilaaliye. Noqda arijirka kaniisadda Illaahey, taas oo uu dhiigiisa ku soo iibsaday. 29Waan ogahay kadib markaan tago in yeey cabsi leh idin kasoo dhex bixi doonto oo eysan dhaafi doonin idaha. 30Haddaba waxaa imaan doona waqti kuwo idin ka mid ah ey been sheegaan si ey walaalahu iyaga u aaminaan. 31Is ilaaliya! Xasuusta muddo saddex sano ah ayaan idin waaninaayay habeen iyo maalin aniga oo ilmaynaya.
32“Haddana waxaan idinku amaano gelinayaa Illaahey iyo ereygiisa nimcada leh, kaasoo idin dhisa idinka oo dhanna idin siiya barakada ey helaan kuwa xaqa ah. 33Weligey ma damcin qof qalinkiis ama dahabkiis ama dharkiis. 34Waad ogtihiin inaan gacmaheyga ku shaqeysto waxaan u baahannahay aniga iyo kuwii ila joogayba. 35Si walba waan idiin tusay inaad sidaas oo kale u shaqeysataan oo caawisaan kuwa danyarta ah, idinkoo xasuusta ereyadii Rabbi Ciise dhahay, ‘In wax lagu siiyo waxaa ka barakeysan inaad bixisid.’ ”
36Bawlos markii uu hadalka dhameystay ayey jilibka dhulka wada dhigteen oo wey duceysteen. 37Iyagii oo dhan ayaa wada ooynayay iyagoo hab siinayay oo shuminayay. 38Waxey aad uga murugoodeen waa hadalkii uu dhahay oo ahaa, “Mar dambe ima arki doontaan.” Kadibna wey sagootiyeen illaa markabka.
Currently Selected:
Falimaha 20: EI
Highlight
Share
Compare
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.