Falimaha 19
19
Bawlos oo jooga Efesos
1Goortii Abolloos joogay Korintos ayaa Bawlosna wuxuu dhex maray tuulooyin illaa Efesos, halkaas ayuu kula kulmay kuwa xer ah. 2Markaas ayuu iyagii ku yiri, “Miyaadan Ruuxa Quduuska ah helin markaad aaminteen?”
Markaas ayey ku jawaabeen, “Maya, xitaa maanan maqlin wax ku saabsan Ruuxa Quduuska ah.”
3Kadibna Bawlos ayaa weydiiyay, “Baabtiiskee ayaa la idin ku baabtiisay?”
Waxey ku jawaabeen, “Baabtiiskii Yooxanaa.”
4Markaas ayaa Bawlos ku yiri, “Yooxanaa baabtiiskiisi wuxuu ahaa baabtiiska toobadkeenka. Wuxuuna dadka ku yiri aamina kan iga daba imaan doona, kaasoo ah Ciise.” 5Markey arintaas maqleen ayaa lagu baabtiisay magaca Rabbi Ciise. 6Goortii Bawlos iyaga gacantiisa saaray ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo dul degay, isla markiiba waxey ku hadleen afaf kale oo waxeyna bilaabeen iney wax sii sheegaan. 7Iyagoo dhan waxey ahaayeen laba iyo toban nin.
8Saddex bilood ayuu Bawlos sunagogga tagayay oo si geesinimo leh uga wacdinayay waxyaalo ku saabsan boqortooyada Illaah. 9Laakiin qaarkood ayaa madax adkaaday, waxeyna diideen iney rumeystaan oo xitaa waxey xumaan ka sheegeen habka kuwa Ciise raacsan u nool yihiin. Bawlos halkaas ayuu uga tagay oo xertii ayuu sii kaxeystay oo maalin walba wuxuu kula sheekeysan jiray qolka wax lagu barto ee ku yaalo Turannos. 10Arintaas waxey socotay muddo laba sano ah illaa Yuhuuddii iyo Gariigtii ku noolayd Aasiya ey maqleen fariinta Rabbiga.
11Illaaheyna wuxuu Bawlos siiyay xoog uu ku sameeyo mucjisooyin waaweyn, 12sidaa darteed dadkiina waxey qaateen dharkii Bawlos iyo marooyin uu taabtay si ey ugu geeyaan kuwii xanuusanaa, dadkii oo dhan ayaa bogsaday kuwii ruuxyada xun qabayna wey ka baxeen.
13Waxaa dhacday in kuwo Yuhuud ah meelaha tageen iyagoo isku dayeen iney ruuxyada xun ku bixiyaan magaca Sayid Ciise. Waxey ruuxii wasakhda lahaa ku yiraahdeen, “Magaca Ciise ee Bawlos ku wacdinayo ku soo bax!” 14Waxaa arintaas sameynayay toddoba wiil oo uu gudoomiyihii wadaaddada oo ah Yuhuudi ee la dhihi jiray Iskeba ayaa dhalay. 15Laakiin ruuxii xun ayaa ku yiri, “Ciise waan garanayaa, Bawlosna waan garanayaa, laakiin idinku yaa tihiin?” 16Isla markiiba ninkii ruuxyada xun qabay ayaa ku booday oo iyagii ka awood badiyay. Markaas ayey iyagoo la garaacay oo nabaro leh gurigii ka carareen.
17Yuhuudda iyo Gariigtii joogtay Efesos, markey arintaas maqleen aad ayey u cabsadeen oo magaca Sayid Ciise ammaaneen. 18Dad badan oo rumeysteyna banaanka ayey u soo baxeen oo wey qirteen waxa xun ee ey sameyn jireen. 19Qaar sixir sameyn jireyna buugoodi ayey keeneen oo waxey ku gubeen dadka hortooda. Qiimahii buugaagtaas markii la sameeyay waxey noqotay qiyaastii konton kun. 20Sidaa darteed ereygii Rabbigana aad ayuu u faafay wuuna xoogeystay.
21Waxyaalahan oo dhan goortay dhaceen kadib ayaa Bawlos go’aansaday inuu tago Yeruusaalem, isaga oo sii dhex marayo Makedoniya iyo Akhaya. Wuxuuna yiri, “Halkaas markaan gaaro kadib waa inaan tagaa Rooma.” 22Markaas ayuu wuxuu Makedoniya u diray laba kuwii isaga caawinaayay oo ah Timoteyos iyo Erastos, isagiina muddo ayuu ku haray Aasiya.
Rabshadii ka dhacday Efesos
23Isla waqtigaas rabshado waaweyn ayaa ka dhacday Efesos oo ku saabsan jidka Rabbiga. 24Tumaal lagu magacaabi jiray Deemeetriyos, ee u sameyn jiray macbad qalin ah Arteemis, oo u keeni jiray ganacsi fara badan farsamo yaqaanada halkaas. 25Deemeetriyos wuxuu iskugu wacay kuwii ey isku shaqada ka shaqeynayeen, oo ku yiri, “Saaxiibayaalow waad ogtihiin inaan shaqadan lacag fiican ka helno. 26Waana aragtaan oo xitaa waad maqashaan ninkan Bawlos inuu dad badan qanciyay, Efesos kaliya maahee xitaa illaa Aasiya. Oo wuxuu ku hadlayay in illaahyada gacmaha lagu sameeyay eysan illaahyo ahayn. 27Qof walbana wax xun ayuu ka sheegayaa ganacsigeena, xitaa macbadka illaahadda Arteemis khatar ayuu ku jiraa, waayo Aasiya oo dhan ayaa laga caabudi jiray iyo xitaa aduunka laakiin hadda weynaanteeda waa la ilaawi doonaa.”
28Shaqaalihii ayaa markey arintaas maqleen aad uga xanaaqay oo waxey bilaabeen iney qayliyaan iyagoo leh, “Waxaa weyn Arteemista reer Efesos!” 29Magaaladii oo dhan ayaa rabshad ka dhacday. Dadka qaar ayaa waxey qabteen Gayos iyo Aristarkhos kuwii uu Makedoniya Bawlos kala yimid. Markaas ayaa waxey si dhaqso ah u aadeen meeshii uu kulanka magaalada ka dhacayay. 30Bawlos wuxuu doonayay inuu dadkii badnaa hor istaago laakiin xertii ayaa u diiday. 31Xitaa kuwo ka mid ah madaxda Aasiya oo saaxiibadii Bawlos ah ayaa fariin u soo diray oo ka baryay in uusan tagin meesha kulanku ka dhacaayay.
32Dadkii oo dhan ayaa wareersanaa, qaar wax ayey ku qaylinayeen, qaar kalana wax kale ayey ku qaylinayeen. Badidooda ma garaneynin waxey meesha u joogaan. 33Yuhuuddii meesha joogtay ayaa nin Aleksanderos la dhaho hor keenay dadkii badnaa, oo waxey ku dhaheen wuxuu sheegi lahaa. Wuxuu doonayay inuu dadka hortooda isku difaaco. 34Laakiin markey ogaadeen inuu yahay Yuhuudi, iyagii oo dhan ayaa muddo laba saac ah qaylinayay iyagoo leh, “Waxaa weyn Arteemis, reer Efesos!”
35Nin madaxda magaalada ka mid ah ayaa yimaaday oo aamusiyay dadkii, oo yiri, “Reer Efesow, yaan garaneyn magaalada iney tahay tan ilaalisaa macbadka Arteemista weyn iyo sawirkeeda tan ka imaatay samada? 36Sidaa darteed qofna taas ma diidi karo, ee aamusa oo waxyaala doqonnimo ah ha sameynina. 37Nimankan aad halkan keenteen waxba macbadka kama xadin wax xunna kama sheegin illaahaddeena. 38Haddii Deemeetriyos iyo shaqaalahiisa ey wax ku haystaan nimankan waxaa jira maxkamaddo ee hasoo dacweeyaan. 39Haddii wax kale jiraanna oo aad sameyn rabtaanna waa in la keeno sharciga hortiisa. 40Haddaba khatar ayaan kujirnaa rabshadii maanta darteed iyadoo aanan sabab u haynin. Oo waxna ka sheegi karin.” 41Markii uu waxyaalahan yiri kadib ayuu kala diray dadkii.
Currently Selected:
Falimaha 19: EI
Highlight
Share
Compare
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.