Falimaha 21
21
Bawlos oo u socda Yeruusaalem
1Goortaan iyagii macsalaamayney kadib ayaan toos u safarnay illaa Koos. Maalintii ku xigtayna waxaan gaarnay Rodos, halkaasna waan ka tagnay illaa Batara. 2Waxaan helnay markab u socdo Foynike, waana la sii safarnay. 3Waxaa noo muuqday Qubrus, markaas ayaa dhinaca koonfurta ka marnay illaa Suuriya. Waxaan ku degnay Turos, meeshaas oo markabka alaab ku dejinayay. 4Halkaas ayaan waxaan ku aragnay walaalaha oo waxaan la joognay muddo hal isbuuc ah. Iyagoo Ruuxa Quduuska ah hogaaminayo ayey waxey Bawlos ku dheheen ha tagin Yeruusaalem. 5Maalmihii meesha aan joognay markey dhamaadeen ayaan baxnay oo safarkeeni sii waddanay, markaas ayaa nimankii, xaasaskooda iyo ilmahooda oo dhan na soo raaceen illaa badda qarkeeda, halkaas ayaan anaga oo dhan wada dhiganay jilbaha oo aan ku duceysanay. 6Markaan is macsalaamaynay kadib ayaan markabkii qaadanay oo iyagana waxey u laabteen guryahoodi.
7Waxaan ka safarnay Turos illaa Botolemays, walaalihii halkaas joogay ayaan salaanay oo hal maalin la joognay. 8Maalintii ku xigtayna halkaas ayaan ka tagnay, oo waxaan soo gaarnay Kaysariya meeshaasna waxaan joognay gurigii Filibos kii wacdin jiray, wuxuu ka mid ahaa toddobadii nin ee rasuullada caawin jiray. 9Wuxuu lahaa afar gabdhood oo weli la guursanin, kuwaas oo wax sii sheegi jiray.
10Oo goortii aan dhowr maalmood halkaas joognay, waxaa Yahuudiya ka yimid nebi la yiraahdo Agabos. 11Wuu noo imaaday oo Bawlos suunkiisi intuu qaaday oo gacmahiisi iyo lugahiisi iska xiray ayuu dhahay, “Ruuxa Quduuska ah wuxuu dhahay, ‘Sidan oo kale ayaa kuwa Yuhuudda madaxda u ah ee jooga Yeruusaalem u xiri doonaan qofka suunkaan leh oo waxey u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn.’ ”
12Goortaan arintaas maqalnay, anaga iyo kuwa kale waxaan ka barinay Bawlos in uusan tagin Yeruusaalem. 13Markaas ayaa Bawlos ku jawaabay oo yiri, “Maxaad u ooyneysaan oo qalbiga iiga jabinaysaan? Xiritaan kaliya maahee waxaan diyaar u ahay inaan Yeruusaalem ku dhinto magaca Rabbi Ciise daraadiis.” 14Markaan niyadiisi badali weynay ayaan ka quusanay oo waxaan dhahnay, “Doonistii Rabbiga ha ahaato.”
15Kadibna waxaan isku diyaarinay inaan tagno Yeruusaalem. 16Oo walaalaha qaar oo Kaysariya joogayna wey na soo raaceen, oo waxey na keeneen illaa guriga Manasoon, halkii aan joogi lahayn. Ninkan wuxuu ahaa reer Qubrus oo xertii hore ka mid ahaa.
Bawlos oo imaaday Yeruusaalem
17Markaan imaanay Yeruusaalem walaalaha si fiican ayey noosoo dhaweeyeen. 18Maalintii ku xigtay Bawlos wuu na raacay wuxuu doonayay inuu soo arko Yacquub, oo kuwii kaniisadda hogaaminayayna kuligood wey na la joogeen. 19Bawlos markii uu iyagii salaamay kadib ayuu warbixin faahfaahsan ka siiyay wuxuu Illaahey isaga adeegiisa ugu isticmaalay waxyaalihii uu ka dhex sameeyay dadka aan Yuhuudda ahayn.
20Markey arintaas maqleen Illaahey ayey wada ammaaneen. Oo waxey Bawlos ku dheheen, “Haddaba ma u jeedaa walaal, kumanaan qof oo Yuhuud ah ayaa Rabbiga aaminay, iyagoo weliba xamaasad u qaba sharciga. 21Laakiin waxaa iyaga loo sheegay inaad dadka Yuhuudda ah ee dhex degan dadka aan Yuhuudda ahayn bartid iney sharciga Muuse ka jeestaan, adiga oo ku dhahaya caruurtiina ha gudina oo caadadana ha xajinina. 22Oo haddaba maxaan sameeyna? Waayo wey maqli doonaan inaad timaaday, 23sidaa darteed waxaan ku dhahno samee. Waxaa na la jooga afar nin kuwaas oo dhaar galay. 24Ee haddaba nimankan raac oo kubiir dabaaldegga nadiifinta kana bixi kharashka si madaxa looga xiiro. Kadibna qof walba wuu ogaan doonaa iney waxyaalaha kugu saabsan oo ey maqleen ey been tahay, weyna ogaan doonaan inaad sharciga Muuse adeeceysid. 25Laakiin dadkii aan Yuhuudda ahayn oo aaminsan, waxaan u qornay warqad oo waxaan ku dhahnay go’aankeenu waxaa waaye in eysan cunin cunto loo bixiyay sanamyada, dhiigga, ama xayawaanada la ceejiyay hilibkooda iyo sinada.”
26Maalintii ku xigtay ayaa Bawlos nimankii waday oo ey is soo nadiifiyeen. Kadibna wuxuu galay macbadka oo dadkii u sheegay waqtiga uu dabaaldegga dhamaan doono iyo waqtiga uu qof walba allabariga bixin doono.
Bawlos oo la xiray
27Muddo toddoba maalmood oo dabaaldeggii nadiifinta markey dhamaaneysay, kuwa Yuhuudda oo reer Aasiya ayaa Bawlos ku arkeen macbadka. Intey dad badan iskugu yeereen ayey Bawlos qabteen, 28iyagoo ku qaylinaya, “Dadkii Israa’iilow, kaalaya na caawiya! Waa kan ninkii meel walba aadayay oo dadkeena, sharciga Muuse iyo macbadka wax xun ka sheegayay. Wuxuu ceebeeyay macbadka quduuska ah waayo wuxuu meesha keenay Gariig.” 29Qaarkood waxey u maleeyeen Bawlos inuu Torofimos oo reer Efesos ah macbadka keenay, waayo mar hore ayey magaalada ku arkeen iyagoo isla jooga.
30Magaaladii oo dhan ayaa wada kacday, dadkii oo dhan ayaa isku imaaday iyagoo kala meel ka socdaan, oo intey Bawlos qabteen ayey jiideen oo ey ka saareen macbadka, isla markiina albaabka macbadka waa la xiray. 31Dadkii iney Bawlos dilaan wax yar ayaa ka dhineed, markaas ayaa warkii wuxuu gaaray ninka ciidanka Rooma hogaamiya in Yeruusaalem oo dhan kacsantahay. 32Isla markii ayuu intuu askar qaatay u yimaaday iyagii. Dadkiina markey arkeen inuu askar soo watay ayey joojiyeen iney Bawlos dilaan.
33Kii hogaamiyaha ciidanka ahaa ayaa wuxuu amray in Bawlos la qabto oo laba silsilad lagu xiro. Kadibna wuxuu weydiiyay, yaa tahay oo maxaad sameysay. 34Qaar dadkii ku dhex jiray ayaa ku qaylinayeen, qaar kalana wax kale ayey ku qaylinayeen. Markii uu ogaan waayay waxa dhacay ayuu amray Bawlos in la geeyo xerada ciidanka. 35Markey jaranjaradii gaareen ayaa rabshadii dadka badatay markaas ayaa askartii isaga qaaday. 36Dadkii iyaga raacayay ayaa qaylinayay iyagoo leh, “Isaga ha la dilo!”
Bawlos wuu is difaacay
37Markii Bawlos la geynayay xeradii ayuu weydiiyay ninkii hogaamiyaha ahaa, “Wax ma ku dhihi karaa?”
Markaas ayuu ninkii ku jawaabay “Miyaad ku hadashaa Gariigga?” 38“Ma tihid miyaa kii Masriga ahaa ee waqti hore kiciyay rabshada ee afar kun oo argagaxisada cidlada u kaxeeyay?”
39Markaas ayaa Bawlos ugu jawaabay, “Waxaan ahay Yuhuudi reer Tarsos taas oo Kilikiya ku taalo, ahna magaalo muhiim ah. Fadlan ii ogolaada inaan la hadlo dadka.”
40Goortii fasax la siiyay ayaa Bawlos intuu jaranjarada istaagay dadka gacanta u taagay. Markey wada aamuseen ayuu iyagii kula hadlay af Cibraani.
Currently Selected:
Falimaha 21: EI
Highlight
Share
Compare
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.