Falimaha 18
18
Bawlos oo jooga Korintos
1Bawlos wuxuu ka tagay Ateenay oo wuxuu aaday Korintos. 2Halkaas ayuu kula kulmay Yuhuudi lagu magacaabo Akula, oo kasoo jeeday Bontos. Akula iyo xaaskiisa Bariskilla waxey ka yimaadeen Talyaaniga, maxaa yeelay Kalawdiyos ayaa ku amray Yuhuudda oo dhan iney ka tagaan Rooma. Bawlosna wuxuu u yimaaday inuu iyaga arko, 3waayo waxey sameeyaan teendho sida Bawlos oo kale, sidaa darteed wuu joogay oo la sii shaqeeyay. 4Sabti walba Bawlos wuxuu tagayay sunagogga oo soo wacdinayay Yuhuudda iyo Gariigga, isaga oo isku dayaya inuu ku qanciyo Yuhuudda iyo Gariiga.
5Laakiin goortii Silas iyo Timoteyos ka yimaadeen Makedoniya, Bawlos wuxuu waqtigiisi oo dhan ku qaatay inuu u wacdiyo kuwa Yuhuudda ah Ciise inuu yahay Masiixa. 6Laakiin markii ey ka jeesteen oo ey isaga caayeen ayaa Bawlos busta dharkiisa ka jafay oo ku yiri, “Dhimashadiina idinka ayaa ka masuul ah! Anigu ma la igu eedeyn doono. Maanta laga bilaabo waxaan wacdin doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn.”
7Kadib Bawlos wuxuu tagay guriga Tiitos Yuustos, kaasoo Illaah caabudi jiray oo deganaa guriga ku xiga sunagogga. 8Kirisbos oo ahaa hogaamiyahii sunagogga iyo reerkiisi oo dhan ayaa rumeystay Rabbiga, kuwa kale oo reer Korintos ah oo Bawlos fariintiisi maqlayna wey rumeysteen oo waa la baabtiisay.
9Haddaba Rabbiga ayaa habeennimo riyo kula hadlay Bawlos oo ku dhahay, “Ha ka cabsanina inaad sii wacdisid, hana joojin! 10Waayo waan kula jiraa, qofna wax kuma yeeli doono, maxaa yeelay dad badan ayaan ku leeyahay magaaladan.” 11Bawlosna halkaas ayuu joogay sanad iyo bar isaga oo baraya ereyga Illaah.
12Markii Galliyo taliya u ahaa Akhaya, Yuhuuddii korintos ayaa intey tashadeen ayey Bawlos ku kaceen oo waxey keeneen maxkamadda, 13iyagoo leh, “Ninkan wuxuu dadkeena barayaa si Illaahey loo caabudo oo sharcigeeni ka duwan.”
14Bawlos inta uusan hadlin ka hor ayaa Galliyo yiri, “Haddii idinkan Yuhuudda ah aad ninkan qaladkii uu sameeyay ama wax dembi ah ku haysataan waan idin dhageysan lahaa. 15Laakiin haddaad ku haysataan erey, magacyo iyo sharcigiina anigu tan ma xukumi karo ee idinku dhameysta.” 16Kadibna wuxuu ka saaray maxkamaddii. 17Markaas ayaa dadkii badnaa waxey qabteen Sostenees hogaamiyahii sunagogga oo ey maxkamadda horteeda ku garaaceen. Laakiin waxyaalahan oo dhan dan kama gelin Galliyo.
Bariskilla, Akula iyo Abolloos
18Bawlos waqti yar ayuu sii joogay Korintos kadibna intuu walaalihii macsalaameeyay ayuu halkaas ka tagay oo aaday Suuriya iyadoo ey la socdaan Bariskilla iyo Akula. Laakiin inta uusan tagin ka hor ayuu timaha iska xiiray isaga oo jooga Kenekhreya waayo Illaah ayuu ballan ka qaaday. 19Markaas ayaa saddexdoodi yimaadeen Efesos, halkaas ayuu Bawlos kaga tagay Bariskilla iyo Akula. Isagiina wuxuu aaday sunagogga Yuhuudda oo soo wacdiyay. 20Waxey ku yiraahdeen in yar na la sii joog laakiin Bawlos wuu ka diiday. 21Markii uu tagayay wuxuu ku yiri, “Haddii Illaahey yiraahdo waan idiin soo laaban doonaa.” Kadibna wuu ka tagay Efesos. 22Bawlos wuxuu u safray Kaysariya illaa Yeruusaalem oo kaniisadda soo salaamay kadibna wuxuu tagay Antiyokh.
23Halkaas ayuu muddo yar joogay kadibna wuxuu tagay meela kale oo Galatiya ka tirsan iyo Farugiya isaga oo dhiiragelinaya xertii.
24Haddaba nin Yuhuudi ah oo Abolloos la yiraahdo ayaa yimaaday Efesos. Abolloos wuxuu u dhashay Iskanderiya. Nin wax bartay ayuu ahaa oo qorniinkana aad ayuu u yaqaaney. 25Wadada Rabbiga ayuu garanayay oo kuwa kalana wuxuu barayay waxa ku saabsan Ciise, laakiin wuxuu si fiican u fahmay fariintii Yooxanaa ee ku saabsaneyd baabtiiska. 26Abolloos wuxuu bilaabay inuu si geesinimo leh uga dhex hadlo sunagogga. Goortii Bariskilla iyo Akula isaga maqleen ayey waxey geeyeen gurigooda oo si fiican ayey usii bareen wadada Illaah.
27Markii Abolloos uu go’aansaday inuu u safro illaa Akhaya, walaaluhuna wey dhiirageliyeen oo waxey warqad u qoreen xertii joogtay halkaas si ey u soo dhaweeyaan. Goortuu yimaaday aad ayuu u caawiyay kuwii nimcada ku rumeystay. 28Si geesinimo leh ayuu Yuhuudda ula murmay, oo iyagoo dadka dhex jooga ayuu qorniinka cadeyn kaga tusay Ciise inuu yahay Masiixa.
Currently Selected:
Falimaha 18: EI
Highlight
Share
Compare
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.