YouVersion Logo
Search Icon

Falimaha 17

17
Bawlos oo jooga Tesaloniika
1Goortii Bawlos iyo saaxiibadiis safreen illaa Amfibolis iyo Abolloniya waxey sii aadeen Tesaloniika, halkaasna waxaa ku yaalay sunagogga Yuhuudda. 2Sida caadadiisu ahayd Bawlos wuxuu tagay sunagoggii, oo muddo saddex Sabti ah ayuu dadka wax ka barayay qorniinka, 3wuxuu u sharaxayay oo u cadeynayay iney ahayd in Masiixu silco oo kuwii dhintay kasoo sarakaco. Wuxuu ku yiri, “Ciisahan aan idiin wacdinayo waa Masiixa,” 4Qaar Yahuudda ka mid ah ayaa la qanciyay oo raacay Bawlos iyo Silas, sida ey sameeyeen kuwa badan oo Gariig ah ee Illaahey ka cabsanaya iyo xoogaa dumar caan ah.
5Laakiin Yuhuudda kale wey ka maseyreen, markaas ayaa niman xun xun oo meelaha suuqa ah joogay bilaabeen iney magaaladii dhib ka kiciyaan. Sidaa darteed waxey toos u aadeen gurigii Yasoon waayo waxey doonayeen in Bawlos iyo Silas la garaaco. 6Laakiin markey gurigii ka waayeen ayey Yasoon iyo kuwa kale oo walaalaha ah kaxeeyeen. Waxey hor geeyeen taliyayaasha magaalada, iyagoo leh, “Nimankan aduunka oo dhan dhibay ayaa halkan yimaaday, 7Yasoonna wuxuu ku soo dhawaystay gurigiisi. Iyagoo dhan ayaa jabiyeen amaradii Kaysar iyagoo leh, boqor kale ayaa jira oo Ciise la dhaho.” 8Iyagii oo dhan ayaa ka xumaaday markey arintaas maqleen. 9Markaas ayaa Yasoon iyo kuwii kale lacag laga qaaday kadibna la sii daayay.
Dadkii Beroya wey soo dhaweeyeen fariinta
10Isla habeenkaas walaalihii ayaa Bawlos iyo Silas u diray Beroya, markey meesha gaareen waxey tageen sunagoggii Yuhuudda. 11Haddaba Yuhuudda Beroya wey ka fiicnaayeen kuwii Tesaloniika, si farxad leh ayey fariintii Bawlos ku qaateen. Oo maalin walbana wey akhrisanayeen qorniinka oo wey hubsanayeen wixii uu Bawlos baray iney run tahay. 12Badidoodi ayaa Rabbiga aaminay, waxaa kale oo ka mid ahaa dumar Gariig ah oo sharaf leh iyo nimanba.
13Laakiin Yuhuudda Tesaloniika joogtay markey ogaadeen Bawlos inuu Beroya ka wacdinayo ereyga Illaah, ayey waxey yimaadeen halkaas iney dhib meesha ka kiciyaan oo dadka kasoo horjeediyaan Bawlos. 14Isla markiiba walaalihii ayaa Bawlos u diray magaalo badda ku taalay, laakiin Silas iyo Timoteyosna waxey ku hareen Beroya. 15Nimanka qaar ayaa sagootiyeen Bawlos illaa Ateenay, kadibna wey soo laabteen iyagoo fariin u wadaan Silas iyo Timoteyos, oo leh dhaqso iga daba imaada.
Bawlos oo jooga Ateenay
16Bawlos goortuu ku sugayay Silas iyo Temotayos Ateenay, ayuu arkay magaaladii oo dhan oo ey sanamyo ka buuxaan aad ayuu uga xumaaday. 17Wuxuu aaday sunagogga si uu ula hadlo Yuhuudda iyo kuwa kale ee iyaga la caabudayay. Maalin walbana wuxuu la hadlayay qof walboo uu meelaha suuqa ah kula kulmo 18Qaar faylosuufiinta, Ebikuriyihii iyo Istoo’ikiin ah ayaa bilaabay iney isaga la doodaan. Qaarkood waxey ku yiraahdeen, “Muxuu sheegayaa qofkan isku maleeya inuu wax walba garanayo?” Dad kalana waxey yiraahdeen, “Bawlos wuxuu u codeynayaa illaahyo kale.” Waayo waxey arkeen Bawlos inuu wacdinayay warka wanaagsan ee ku saabsan Ciise iyo sarakicidiisa. 19Markaas ayey Bawlos qabteen oo hor keeneen Are’obagos, waxeyna ku yiraahdeen, “Bal noo sheeg baritaankaan cusub wuxuu ka hadlayo. 20Waxaan maqalnay waxyaalo cajiib ah inaad ka hadleysay, waxaan dooneynaa inaan ogaano macnaheeda.” 21Waayo dadka Ateenay iyo kuwa kale oo meesha degan waxey waqtigoodi ku isticmaaleen iney waxa cusub maqlaan iyo iney ka hadlaan oo kaliya.
22Markaas ayaa Bawlos intuu kulankii Are’obagos soo hor istaagay ayuu dhahay, “Dadkii Ateenayow, waan u jeedaa inaad tihiin dad diinta aad u haysta. 23Markaan dhex marayay magaaladiina oo aan fiiriyay waxaad caabudaan, waxaan arkay meel allabari ah oo ey ku qoran tahay,
Illaah aan la garaneyn.
Waxaad caabudaan Illaah eydan garaneyn. Marka waxaan doonayaa inaan idiin sheego waxyaala ku saabsan isaga.
24“Illaaha sameeyay aduunka iyo waxa ku jira oo dhan. Waa Rabbiga dhulka iyo samada, mana ku noola macbadka uu binu aadanku ku dhisay gacantiisa. 25Qof caawimaad ma uga baahno. Balse wuxuu qof walba siiyaa nolol, neef iyo wax walboo kale. 26Hal qof ayuu Illaahey ka sameeyay aduunka oo dhan iyo waxa ku nool, wuxuuna go’aansaday goortii iyo meesha uu aduunku ahaan doono. 27Illaah wuxuu arintaas u sameeyay waa inaan isaga doon doonaa oo aan la xiriirnaa, in kastoo uusan naga fogeyn. 28‘Isaga ayaan ku dhex nool nahay, kuna soconaa oo aan ku noqonay waxaan nahay.’ Sida ey gabayaashiinu dheheen, ‘Waxaan nahay caruurtiisa.’
29“Sidaa darteed haddaan nahay caruurtii Illaah, waa in aanan ku fikirin rabaaniga inuu yahay sida sanamyada laga sameeyay dahabka ama qalinka ama dhagaxyada. Isagu ma aha sida qaabka waxyaalaha ey binu aadanku ka fikireen iney sameeyaan. 30Maalmihii hore Illaah waxan oo dhan wuu cafinayay waayo dadka ma garaneyn waxey sameynayeen, laakiin hadda wuxuu amray dadka oo dhan iney isaga u toobadkeenaan. 31Maxaa yeelay wuxuu sameeyay maalin uu aduunka oo dhan si xaq ah ugu xukumo. Wuxuuna doortay Ciise inuu u xukumo, Illaaheyna wuxuu arintaas noogu cadeeyay goortuu Ciise ka sarakiciyay dhimashada.”
32Goortey maqleen Bawlos oo ka hadlaya wax ku saabsan sarakicidda dhimashada, qaar ayaa qoslay. Qaarna waxey dheheen, “Waxaan dooneynaa inaan mar kale ku maqalno adiga oo ka hadlaya mawduucaan.” 33Haddaba Bawlos wuu ka tagay kulankii. 34Dadka qaar ayaa aaminay Rabbiga oo Bawlos raacay, waxaana ka mid ahaa Diyonisiyos oo ka tirsanaa Are’obagos, iyo naag la yiraahdo Damaris iyo kuwa kale ayaa Illaah u soo laabtay.

Currently Selected:

Falimaha 17: EI

Highlight

Share

Compare

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in