Falimaha 16
16
Timoteyos oo ku soo biiray Bawlos iyo Silas
1Bawlos wuxuu u safray Derbe iyo Lustara, halkaasna waxaa joogay nin xer ah oo la yiraahdo Timoteyos. Hooyadiis waxey ahayd Yuhuudiyad masiixiyad ah laakiin aabihiis wuxuu ahaa Gariig. 2Walaalihii joogay Lustara iyo Ikoniyon ayaa hadalo fiican isaga ka sheegay. 3Bawlos wuxuu doonayay inuu safarka usii kaxeysto, markaas ayuu waday oo guday, waayo Yuhuudda meelahaas joogtay oo dhan wey garanayeen Timoteyos aabihiis inuu yahay Gariig. 4Bawlos iyo kuwa kale ayaa tagay magaalooyin, waxey kuwii walaalaha ahaa u sheegeen wixii rasuulladii iyo odayaashii joogay Yeruusaalem go’aansadeen iney raacaan. 5Sidaa darteed kaniisadihii waxey ku koreen iimaanka oo maalin walba wey sii kordhayeen.
Riyadii Bawlos ee Taroo’as
6Bawlos iyo saaxibbadiis waxey dhex mareen dhulka Farugiya iyo Galatiya, laakiin Ruuxa Quduuska ah ma u ogolaan iney Aasiya ka wacdiyaan. 7Markey yimaadeen Musiya, waxey isku dayeen iney galaan Bituniya, laakiin Ruuxii Ciise ayaan u ogolaan. 8Markaas ayaa waxey mareen Musiya illaa Taroo’as. 9Habeenkii goortii la gaaray, Bawlos wuxuu riyo ahaan ku arkay nin reer Makedoniya ah oo baryaya isaga oo leh, “Kaalay Makedoniya oo na caawi.” 10Bawlos goortuu riyadaan arkay kadib ayaan isku diyaarinay inaan tagno magaalada Makedoniya. Haddaba waan hubnaa in Illaahey halkaas noogu wacey inaan warka wanaagsan soo wacdino.
Ludiya oo Illaahey u soo laabatay
11Waxaan ka safarnay Taroo’as illaa Samotraki, maalintii ku xigtayna waxaan tagnay Ne’abolis. 12Halkaasna waan ka safarnay illaa Filiboy, taas oo ahayd magaalo madaxda reer Makedoniya, oo Rooma looga taliyo. Filiboy waxaan joognay dhowr maalmood.
13Maalintii Sabtida ayaan waxaan tagnay meel magaalada ka baxsan oo webi ku yaalo, waxaan u maleynay inaan ka heli doono meel ey dadka ku duceystaan. Markaas ayaan fariisanay oo la hadalnay dumarkii meesha joogay. 14Mid ka mid ah kuwa dhageysanayay waxey ahayd haweeney magaceedu yahay Ludiya, waxey ka timid magaalada Tu’ateyra, oo waxeyna iibin jirtay dhar qaali ah oo midab guduudan. Illaahey ayey caabudi jirtay, isla markiiba Illaahey qalbigeeda ayuu furay si ey u maqasho Bawlos fariintiisa. 15Goortii iyada iyo reerkeeda la baabtiisay ayey gurigeeda nagu casuumtay. Waxey dhahday, “Haddaad tixgelineysid runtii inaan aaminsanahay Rabbiga, kaalaya oo gurigeyga jooga.” Waana ogolaanay casuumaadeeda.
Bawlos iyo Silas oo la xiray
16Maalin anaga oo meesha lagu duceysto u socono ayaa waxaan la kulannay gabar adoon ah, waxey lahayd ruux siiya xoog ey waxa soo socda ku sheegto. Sidaa ayey lacag badan ku heli jireen dadkii iyada lahaa. 17Gabadhii ayaa Bawlos iyo anaga na soo raacday iyadoo qaylinayso oo leh, “Nimankan waa adeegayaasha Illaaha Ugu Sareeyo, waxey idiin sheegayaan sidaad u badbaadi lahaydeen.” 18Maalmo badan ayey waxyaalahaas ku hadleysay. Markaas ayaa Bawlos ku xanaaqay oo intuu u jeestay ayuu ruuxdii ku yiri, “Magaca Ciise Masiix ayaan kugu amray ee kasoo bax!” Isla markiiba ruuxdii ayaa ka baxday.
19Dadkii gabadha lahaa ayaa markey ogaadeen in rajadoodi lacag sameynta ey dhamaatay ayaa waxey qabteen Bawlos iyo Silas oo ku jiideen suuqa si ey madaxda u xukumaan. 20Waxey hor keeneen kuwii madaxda ahaa waxeyna ku yiraahdeen, “Nimankan Yuhuudda ah ayaa magaaladeena dhibay! 21Waxeyna barayaan waxyaalo aan anaga reer Rooma ah na loo ogolayn inaan sameyno.”
22Markaas ayaa dadkii badnaana waxey ku biireen kuwii kale ee dacweynayay Bawlos iyo Silas. Markaas ayaa kuwii madaxda ahaa amar ku bixiyeen in dharka laga siibo labadoodaba oo lagu garaaco ul. 23Goortii si xun loo garaacay kadib ayaa xabsiga lagu tuuray. Kii xabsiga waardiyeynayay ayaa amar lagu siiyay inuu si fiican u ilaaliyo iyaga. 24Markii amarka la siiyay ayuu iyagii xabsiga geeyay oo lugaha kaga xiray silsilad oo silsiladiina ku xiray geed weyn.
25Markii la gaaray habeen barkii Bawlos iyo Silas wey duceysanayeen waxeyna u heesayeen Illaah, maxbuusyadii kalana wey dhageysanayeen. 26Isla markii ayaa waxaa dhacey dhul gariir oo ruxay aasaaskii xabsiga. Hal mar ayaa albaabadii xabsiga oo dhan wada furmeen oo silsiladii qof walba ku xirneydna furantay. 27Kii xabsiga waardiyeynayay goortuu hurdada kasoo toosay wuxuu arkay albaabadii xabsiga oo dhan iney furanyihiin, wuxuu u maleeyay maxbuusyadii iney carareen. Markaas ayuu seeftiisi iska soo bixiyay wuxuuna rabay inuu is dilo. 28Laakiin Bawlos ayaa ku yiri, “Waxba ha isyeelin! Waayo anaga oo dhan halkan ayaan joognaa!”
29Markaas ayuu nimankii xabsiga waardiyeynayay weydiistay toosh oo isla markii galay xabsiga. Isaga oo wada gariirayo ayuu yimaaday oo jilbaha u dhigtay Bawlos iyo Silas. 30Banaanka ayuu u bixiyay oo weydiiyay, “Mudane maxaan sameeyaa si aan u badbaado?”
31Markaas ayey ku jawaabeen, “Aamin Sayid Ciise, waana badbaadi doontaa adiga iyo reerkaaga oo dhan.” 32Kadibna Bawlos iyo Silas waxey isaga iyo reerkiisa kala hadleen ereyga Rabbiga. 33Habeenkii markii la joogay ayaa ninkii iyaga waday oo nabaradoodi ka nadiifiyay. Kadibna isaga iyo qof walboo reerkiisa ka tirsan waa la wada baabtiisay. 34Aad ayey u farxeen markey Illaah rumeysteen, kadibna ninkii ayaa iyagii u kaxeeyay gurigiisi oo cunta u diyaariyay.
35Subaxdii xigtay ayaa saraakiishii magaalada u direen askari ninka xabsiga waardiyeeya si uu ugu yiraahdo, “Sii daa Bawlos iyo Silas.” 36Markaas ayaa ninkii ku yiri Bawlos, “Madaxdii amar ayey ii soo direen inaan idin sii daayo. Haddaba nabad ku taga.”
37Laakiin Bawlos wuxuu ninkii askariga ahaa ku yiri, “Waxaan nahay reer Rooma, madaxdii Roomana dadka hortooda ayey nagu garaaceen, waxey nagu tuureen xabsiga, haddana waxey doonayaan miyaa iney si qarsooni ah nagu soo daayaan? Maya, iyagu ha noo yimaadaan oo hana sagootiyaan.”
38Haddaba askartii ayaa u sheegeen madaxdii Bawlos iyo Silas iney yihiin reer Rooma, markey maqleen wey cabsadeen. 39Markaas ayey yimaadeen oo ey raali geliyeen. Waxey ka bixiyeen xabsiga oo waxey ka codsanayaan haddaba magaalada iney ka tagaan. 40Laakiin Bawlos iyo Silas markey xabsiga kasoo baxeen waxey toos u aadeen guriga Ludiya, halkaas ayey kula kulmeen walaalaha oo aaminsan oo wey dhiirigeliyeen, kadibna wey tageen.
Currently Selected:
Falimaha 16: EI
Highlight
Share
Compare
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.