YouVersion Logo
Search Icon

Falimaha 15

15
Shirkii Yeruusaalem
1Dad Yahuudiya ka yimaaday ayaa walaalihii barayay iyagoo leh, “Ilaa aad gudniinka sida caadada Muuse sameysaan maahee ma badbaadaysaan.” 2Baritaankaas wuxuu dood ka dhex kiciyay iyagii iyo Bawlos iyo Barnabasna. Markaas ayaa Bawlos, Barnabas iyo kuwa kale oo masiixiyiin ah la doortay si ey u tagaan Yeruusaalem oo ey kala hadlaan waxyaalahan rasuullada iyo odayaasha kaniisadda. 3Nimankii ey kaniisadda dirtay wey baxeen oo waxey mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka hadlayay sida dadka aan Yuhuudda ahayn u soo toobadkeeneen. Warkan aad ayuu uga farxiyay walaalihii oo dhan. 4Nimankii goortey Yeruusaalem yimaadeen, waxaa soo dhaweeyay kaniisaddii, rasuulladii iyo odayaashii kaniisadda. Waxeyna u sheegeen waxyaalihii uu Illaahey ku caawiyay iney sameeyaan.
5Laakiin kuwa Farrisiinta ka mid ah oo masiixiyiin ah ayaa istaageen oo weydiiyeen, “Kuwa aan Yuhuudda ahayn oo iimaanka haysta wey ku qasban yihiin in la gudo oo sharciga Muusana ey ilaaliyaan.”
6Rasuulladii iyo odayaashii kaniisadda ayaa kulmeen si ey uga hadlaan dhibkaan. 7Markey muddo dheer hadleen kadib ayaa Butros kacay oo ku yiri, “Walaalayaalow, waad ogtihiin Illaahey inuu dhexdiina mar hore iga doortay si ey dadka aan Yuhuudda ahayn injiilka afkeyga uga maqlaan oo ey u rumeystaan. 8Illaaheyna wuu garanayaa waxa qalbiyadeena ku jira oo dhan. Wuxuuna i tusay inuu iyaga aqbalay oo siiyay Ruuxa Quduuska ah siduu anagaba noo siiyay. 9Isagu nama kala soocin anaga iyo iyaga, oo qalbiyadooda ayuu nadiifiyay waayo wey rumeysteen. 10Haddaba maxaad Illaahey u jarribi oo aad qoorta ugu gelineysaan xerta waxa aan anaga iyo awoowayaasheenba aan awoodi weynay. 11Waxaan aaminsannahay in badbaadida aan ku helnay nimcada Rabbigeena Ciise, sidoo kale iyagana saas ayey ku heleen.”
12Qof walbana wuu aamusay, iyagoo dhageysanaya Barnabas iyo Bawlos oo ka hadlayeen sida Illaahey iyaga u siiyay xoogga ey ku sameeyeen mucjisooyin badan iyo waxyaala kale oo layaab leh oo ey ka dhex sameeyeen dadka aan Yuhuudda ahayn. 13Markey hadalkii dhameysteen kadib ayaa Yacquub yiri, “Walaalayaalow, i dhageysta. 14Simoon#15:14 Af Gariigga waa Simecoon taas oo kala duwan Simoon oona ah Butros wuxuu noo sheegay sida Illaahey ugu muuqday dadkan aan Yuhuudda ahayn oo uga dhigay dadkiisa. 15Tanina waxey raacsantahay Hadalladii nebiyada, sida ey u qoran tahay,
16“ ‘Waxyaalahan kadib waan soo laaban doonaa
oo waxaan dhisi doonaa teendhadii Daa’uud ee duntay.
Jajabkeedi ayaan dib u dhisi doonaa,
waana soo celin doonaa,
17si ey kuwa kalana Illaahey u doon doonaan,
xitaa dhamaan dadka aan Yuhuudda ahayn,
oo ey u noqdaan kuwii aan doortay,
Aniga Illaaha ah ayaa sidaa dhahay.’
18Tani waxaan ballan qaaday mar hore.
19“Sidaas darteed, go’aankeygu waa in aanan ku adkeynin dadka aan Yuhuudda ahayn ee Illaahey u toobadkeenaya. 20Laakiin waa inaan u qorno oo u sheegno in eysan cunin cunto loo bixiyay sanamyada, sinada, xayawaanada la ceejiyay hilibkooda iyo dhiigga. 21Waayo waqtiga hore ayaa sharciga Muuse laga wacdiyay magaalo walboona laga akhriyay sunagogyada Sabti walba.”
Warqaddii loo diray masiixiyiintii aan Yuhuudda ahayn
22Kadibna rasuulladii, odayaashii iyo kaniisaddii oo dhan ayaa waxey go’aansadeen iney doortaan niman ey Antiyokh ula diraan Bawlos iyo Barnabas. Waxey doorteen Yuudas oo la dhihi jiray Barsabaas iyo Silas, nimankan waxey hogaamiyayaal u ahaayeen walaalaha kale. 23Waxey la direen warqad sidan u qoran,
Anaga oo ah rasuullada iyo odayaasha kaniisadda.
Waan idin salaanay idinkoo ah dadka aan Yuhuudda ahayn ee walaalaha ka tirsan.
Ee jooga Antiyokh, Suuriya iyo Kilikiya.
24Waxaan maqalnay qaar naga mid ah iney hadallo idinku dhibeen. Laakiin anaga ma soo derin dadkaas, waxaa maankiina dhibaateeyay waxyaalihii ey dheheen. 25Sidaa darteed anaga oo dhan waxaan go’aansanay inaan niman doorano oo idiin soo dirno kuwaas oo ah saaxiibadeen Bawlos iyo Barnabas. 26Nimankanna nafsadooda ayey dhibaato u geliyeen magaca Sayid Ciise Masiix dartiis. 27Waxaa kale oo aan soo direynaa Yuudas iyo Silas, si ey afkooda idin kaga sheegaan waxyaalahan aan idiin soo qornay. 28Ruuxa Quduuska ah wuxuu na tusay in aanan idinku dhibin waxyaalo eydan sameyn karin oo aan waajib ahayn. 29Laakiin waa in eydan cunin cunto loo bixiyay sanamyada, dhiigga ama xayawaanada la ceejiyay hilibkooda iyo sinada. Waxan oo dhan haddaad raacdaan si fiican ayaad sameyn doontaan.
Nabadgelyo.
30Afartii nin ayaa tagay Antiyokh, waxeyna iskugu yeereen xertii oo waxey u dhiibeen warqaddii. 31Goortii warqaddii la akhriyay qof walba wuu ku qancay oo wey dhiirigelisay iyagii. 32Yuudas iyo Silas oo nebiyaal ahaa ayaa hadallo badan oo dhiirigelin ah kula hadlay walaalaha. 33Markey halkaas waqti yar joogeen kadib ayey walaalaha nabad ku sagootiyeen si ey ugu laabtaan kuwii soo diray. [34Laakiin Silasna wuxuu go’aansaday inuu halkaas ku haro.]#15:34 Qoraallada qaar ma laha aayadda 34. 35Laakiin Bawlos iyo Barnabas waxey ku hareen Antiyokh, halkaas oo ey iyaga iyo kuwa kale ku barayeen kuna wacdinayeen ereyga Illaah.
Isfahan la’aan ka dhex dhacday Bawlos iyo Barnabas
36Waqti yar kadib ayaa Bawlos ku yiri Barnabas, “Soo bax aan booqanee walaalaha jooga magaalooyinka aan ka wacdinay ereyga Rabbiga oo aan ogaano sida ey yihiin.” 37Barnabas wuxuu rabey iney israacaan Yooxanaa oo la dhihi jiray Markos. 38Laakiin Bawlos ma dooneynin iney israacaan. Waayo iyagoo isla shaqeynaya ayuu Marko ka tagay markey joogeen Bamfuliya oo uu joojiyay inuu la sii shaqeeyo. 39Bawlos iyo Barnabas hadaladaas ayey ka doodeen kadibna qof walba jidkiisi ayuu raacay. Barnabasna intuu Markos kaxeystay ayuu tagay Qubrus, 40laakiin Bawlos intuu Silas kaxeystay ayuu tagay, kadib markey walaalaha ugu duceeyeen iney nimcada Rabbiga iyaga la jirto. 41Waxey tageen Suuriya iyo Kilikiya iyagoo kaniisadaha dhiiragelinayay.

Currently Selected:

Falimaha 15: EI

Highlight

Share

Compare

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in