Falimaha 14
14
Bawlos iyo Barnabas oo Ikoniyon jooga
1Bawlos iyo Barnabas oo jooga Ikoniyon ayaa tagay sunagogga. Halkaas oo ey hadal saameyn leh kula hadleen, dad tira badan oo Yuhuud iyo Gariig ah ayaa iimaanka qaatay. 2Laakiin Yuhuuddii aan iimaanka qaadan ayaa fikir qaldan ku shubeen dadkii aan Yuhuudda ahayn waxeyna ku kiciyeen walaalihii. 3Haddaba Bawlos iyo Barnabas waxey halkaas sii joogeen in muddo ah, iyagoo si dhiiranaan ku jirto uga hadlaya Rabbiga, kaasoo u marqaatifuray fariinta nimcada isaga oo awood u siiyay iney sameeyaan mucjisooyin waaweyn. 4Dadkii magaalada wey kala qeybsameen, qaarkood waxey la safteen Yuhuuddii qaarkii kalana waxey la safteen rasuulladii. 5Ugu dambeyntii qaar ka mid ah Yuhuuddii iyo dadkii aan Yuhuudda ahayn oo ey hogaamiyayaashoodi la socdaan ayaa go’aan ku gaaray iney Bawlos iyo Barnabas dhibaateeyaan oo ey dhagax ku dilaan. 6Laakiin markey rasuulladii ogaadeen wixii la qorshaynayay waxey u carareen magaalooyinkii Lustara iyo Derbe ee ku yaalay dhulkii la oran jiray Luka’oniya iyo wadamadii u dhawaa, 7halkaas oo ey kasii wadeen iney injiilka ka wacdiyaan.
Bawlos iyo Barnabas oo jooga Lustara iyo Derbe
8Lustara waxaa joogi jiray nin illaa maalinti uu dhashay curyaan ahaa oo aanan weligiisi socon. 9Isaga oo dhagaysanaya Bawlos hadalkiisa, ayaa Bawlos si toos ah u fiiriyay wuxuuna arkay inuu iimaansanaa in la bogsiin karo. 10Markaas ayuu u yeeray oo ku yiri, “Cagahaaga ku istaag!” Isla markiiba ninkii ayaa kor u booday oo bilaabay inuu socdo.
11Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos uu sameeyay, ayey kor u qayliyeen iyagoo luuqadii Luka’oniya ku leh “illaahyadii ayaa noo yimid iyagoo qaab binu aadan leh!” 12Barnabas waxey u bixiyeen Yubiter, Bawlosna waxey u bixiyeen Merkuriyos waayo isaga ayaa hadalka hogaaminayay. 13Markaas ayaa wadaadkii Yubiter oo macbadkiisu ku yaalay magaalada meel u dhow keenay dibiyo iyo ubaxyo isku xiran magaalada albaabyadeeda waayo isaga iyo dadkii badnaaba waxey rabeen iney sadaqo u bixiyaan rasuulladii.
14Laakiin markii rasuulladii Barnabas iyo Bawlos maqleen arintaas, waxey jeexjeexeen dharkoodi kuna ordeen dadkii badnaa dhexdooda iyagoo ku qaylinaya. 15“Walaalayaalow, maxaad sidan u sameyneysaan? Anaga xitaa waxaan nahay binu aadan idinka oo kale ah. Waxaan idiin keenay warka wanaagsan, waxaanna idiin sheegeynaa inaad kasoo leexataan waxyaalahan aan qiimaha lahayn oo aadna u timaadaan Illaaha nool, kaasoo sameeyay samooyinka, dhulka, badda iyo wax walboo ku dhex jira. 16Kaasoo waagii hore, dadka u ogolaaday iney jidadkooda ku socdaan. 17Laakiin weli wuxuu mar walba idiin kugu cadeynayay jiritaankiisa inuu waxyaalo wanaagsan idiin sameeyo. Wuu idiin naxariistay isaga oo samada idinkaga soo diray roob iyo xiliyo aad mirro gurataan, wuxuu idin siiyay cuntooyin badan wuxuuna qalbiyadiina ka buuxiyay farxad.” 18Xitaa kadib markey Bawlos iyo Barnabas hadaladaan u sheegeen dadkii dhib ayey ku ahayd iney dadkii ka joojiyaan iney sadaqadii u bixiyaan dartood.
19Laakiin Yuhuud ka timid Antiyokh iyo Ikoniyon ayaa dadkii badnaa kasbadeen. Waxey dhagaxeeyeen Bawlos kuna jiideen magaalada banaankeeda, iyagoo u maleynaya inuu dhintay. 20Laakiin kadib markey xertii isku hareeraysay ayuu kacay magaaladiina ku laabtay. Maalintii xigtayna isaga iyo Barnabas waxey aadeen Derbe.
Bawlos iyo Barnabas oo ku laabtay Antiyokhdii Siiriya ku taalay
21Bawlos iyo Barnabas waxey injiilka ka wacdiyeen Derbe waxeyna xer ka dhigeen dad badan. Kadib waxey ku laabteen Lustara, Ikoniyon iyo Antiyokh, 22iyagoo xoogeynaya xertii kuna dhiirigelinaya iney iimaanka ku adkeystaan. Waxey ku yiraahdeen, “Waa inaan caqabado badan marnaa si aan u galno boqortooyada Illaahey.” 23Bawlos iyo Barnabas ayaa kaniisad walba u dooray odayaal. Kadib wey duceysteen weyna soomeen, iyagoo ku amaaneeyay Rabbigii ey rumeysnaayeen. 24Kadib markey sii mareen Bisidiya, waxey yimaadeen Bamfuliya, 25kadibna markey ereyga ka wacdiyeen Berga waxey sii aadeen Ataliya.
26Oo ey kasii aadeen Antiyokhdii Siiriya ku taalay. Halkaas ayey ahayd meeshay nimcada Illaahey kaga gudoomeen shaqadan ey hadda soo dhameeyeen. 27Markey halkaas gaareen, waxey iskugu yeereen xertii waxeyna u sheegeen wax walboo uu Illaahey iyaga u isticmaalay iyo sidii uu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn. 28Kadib halkaas ayey wax badan xertii la joogeen.
Currently Selected:
Falimaha 14: EI
Highlight
Share
Compare
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.