Falimaha 12
12
Butros oo si mucjiso leh xabsiga uga baxsaday
1Haddaba waqti uu boqor Herodos xabsiga galiyay qaar ka tirsanaa kaniisadda, isaga oo silcinaya. 2Wuxuu amray in madaxa laga jaro Yacquub oo ahaa Yooxanaa walaalkiis. 3Markii uu arkay in arintaas ey Yuhuudda ka farxisay, ayuu go’aansaday inuu soo qabto Butros. Waxeyna ahayd waqtigii Dabaaldaga Kimista aan Khamiirka lahayn. 4Markii uu xiray kadib, wuxuu amray in afar kooxood oo afar askari ka kooban ey ilaaliyaan. Herodos wuxuu rabay inuu Butros dadka hortooda maxkamad ku saaro markey Iidda Kormaridda dhamaato.
5Haddaba Butros xabsiga ayaa lagu hayay, laakiin xertii waxey Illaahey ugu baryayeen si aan kala joogsi lahayn.
6Habeenkii ka horeeyay maalintii uu Herodos maxkamadda soo istaajin lahaa Butros wuxuu hurday laba askari dhexdood laba silsilad ayaana ku xirnaa askartii kalana waxey ilaalinayeen albaabka xabsiga. 7Isla markiiba malag xagga Illaahey ka yimid ayaa ka ag muuqday xabsigiina wuu wada iftiimay. Malagii ayaa Butros dhinac ka taabtay oo kiciyay isaga oo ku yiri, “Dhaqso, kac!” Silsiladihiina wey furmeen.
8Kadib malagii ayaa ku yiri, “Gasho dharkaaga iyo kabahaaga.” Butrosna wixii la amray ayuu sameeyay. Malagii ayaa haddana ku yiri, “Go’aaga huwo oo isoo raac.” 9Butros banaanka ayuu u soo baxay oo malagii ayuu soo raacay, laakiin uma maleyn in waxyaalihii uu malagu sameynayo ey tahay run, wuxuu u maleeyay inuu riyoonayo. 10Waxey dhaafeen kooxdii koowaad iyo kooxdii labaad ee waardiyaha ahaa, markeyna yimaadeen albaabkii birta ahaa ee magaalada loo mari jiray, wuu is furay, weyna ka baxeen. Markey jidka magaalada marayeen isla markiiba malagii wuu ka tagay.
11Markaas ayaa Butros baraarugay oo yiri, “Hadda si aan shaki ku jirin ayaan u ogahay in Rabbigu ii soo diray Malagiisa igana samatabixiyay wixii uu Herodos ila damacsanaa iyo wixii ey dadka Yuhuuddu rajeynayeen iney igu dhacdo.”
12Kadib Butros wuxuu aaday gurigii Maryan oo ahayd Yooxanaa hooyadiis kaasoo sidoo kale la oran jiray Markos, halkaas oo ey xer badan iskugu yimaadeen kuna duceysanayeen. 13Butros albaabka ayuu garaacay, gabar shaqaala ah oo la yiraahdo Roda ayaa soo aaday iney ka furto. 14Markey garatay codkiisi, aad ayey u faraxday dib ayeyna gurigii ugu carartay iyadoon albaabkii furin waxeyna tiri “Butros ayaa albaabka taagan!”
15Xertii ayaa ku tiri, “Waad waalantahay.” Laakiin markey ku adkeysatay inuu Butros yahay, waxey yiraahdeen, “Waa malagiisi.”
16Laakiin Butros albaabkii ayuu sii garaacay, oo markey albaabkii fureen isagiina arkeen aad ayey u yaabeen. 17Butros ayaa gacantiisa ugu baaqay iney aamusaan wuxuuna u sharaxay sidii Rabbigu uga soo saaray xabsiga. Wuxuu kale oo ku yiri, “Arintan u sheega Yacquub iyo walaalaha kale.” Kadibna wuu tagay wuxuuna aaday meel kale.
18Markii subixii la gaaray, askartii waardiyaha ahayd aad ayey u welwelayeen waxeyna la yaabeen waxa Butros ku dhacay. 19Kadib markii uu Herodos raadiyay oo uu heli waayay, wuxuu su’aalo weydiiyay askartii wuxuuna amray in la laayo.
Dhimashadii Herodos
Kadib Herodos wuu ka tagay Yahuudiya wuxuuna aaday Kaysariya halkaas ayuuna joogay. 20Herodos aad ayuu uga xumaaday dadka Turos iyo Siidoon. Markaas ayey u yimaadeen iyagoo mideysan, kadib markey la saaxiibeen Balaastos, kaasoo ahaa mid uu boqorku ku kalsoonaa, waxey weydiisteen nabad, waayo waxey cuntadoodu ku tiirsaneyd waddanka boqorka.
21Maalintii la ballamay ayaa Herodos oo gashan dharkii boqornimada, fariistay carshigiisi wuxuuna jeediyay qudbad. 22Dadkii ayaa qayliyay waxeyna yiraahdeen, “Kani waa cod illaah ee cod binu aadan ma aha.” 23Isla markiiba malag xagga Illaah ka yimid ayaa dhulka ku dhuftay Herodos, maxaa yeelay ma uusan ammaanin Illaahey, Herodos waxaa cunay dixri wuuna dhintay.
24Laakiin ereyga Illaahey wuu sii faafay oo kordhay.
Barnabas iyo Sawlos oo la diray
25Markey Barnabas iyo Sawlos dhameysteen shaqadoodi, waxey ku laabteen Yeruusaalem, iyagoo horay u watay Yooxanaa kaasoo sidoo kale loo yaqaanay Markos.
Currently Selected:
Falimaha 12: EI
Highlight
Share
Compare
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.