YouVersion Logo
Search Icon

Falimaha 11

11
Butros oo sharaxay wixii uu sameeyay
1Rasuulladii iyo walaalihii Yahuudiya joogay ayaa maqlay in dadkii aan Yuhuudda ahaynna ey qaateen ereyga Illaah. 2Oo markii uu Butros tagay Yeruusaalem, walaalihii Yuhuudda ahaa ee rabay in masiixiyiinta oo dhan la guday ayaa ku dhaleeceeyay. 3Waxeyna ku yiraahdeen, “Waxaad aaday guriga dad aan gudneyn oo wax ayaad la cuntay.”
4Isaga oo bilowgii kasoo bilaabaya ayuu Butros iyaga u sheegay sheekadii, 5“Waxaan joogay magaalada Yaafaa aniga oo duceysanaya ayaan gam’ay oo waana riyooday. Waxaan arkay wax shiraac oo kale ah oo samada laga soo dajiyay oo afarteeda dhinac lagu soo dajiyay meeshii aan joogay. 6Markaan aad u fiiriyay waxaan arkay xayawaanada dhulka ee afarta lugood leh, duur joogta, xamaaratada iyo shimbirraha hawada. 7Kadib waxaan maqlay cod igu dhahaya, ‘Butrosow, kac! Dil oo cun.’
8“Markaas ayaan ku jawaabay, ‘Maya, Sayidow! Weligay afkeyga ma galin wax xaaraan ah ama aan nadiif ahayn.’
9“Cod ayaa mar kale samada ka hadlay oo igu yiri, ‘Ha dhihin waa xaaraan wax uu Illaahey nadiifiyay.’ 10Arintan waxey dhacday saddex jeer, kadibna shiraacii samada ayaa dib loogu celiyay.
11“Isla markiiba saddex nin oo Kaysariya la iiga soo diray ayaa yimid gurigii aan deganaa. 12Ruuxa Quduuska ah ayaa ii sheegay in aanan ka shakinin inaan raaco. Lix nin oo walaalaha ka tirsan ayaa i raacay, waxaanna galnay gurigii ninka. 13Markaas ayuu noo sheegay in malag gurigiisa yimid kuna yiri, ‘Uga yeer Yaafaa nin la dhaho Simoon Butros. 14Wuxuu idiin sheegi doonaa fariin aad adiga iyo reerkaaga oo dhan ku badbaadi doontaan.’
15“Oo markaan hadalkii bilaabay ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay iyaga sidii uu bilowgii anaga noogu soo degay. 16Kadib waxaan xasuustay hadalkii Sayidka, ‘Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiin idinka waxaa la idin ku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.’ 17Haddaba haddii Illaahey iyaga siiyay hadiyad la mid ah tii uu anaga na siiyay markaan rumeysanay Sayid Ciise Masiix, sidee ayaan uga hor imaan karaa qorshaha Illaah?”
18Markey maqleen Butros oo sidan leh, wey joojiyeen murankii waxeyna bilaabeen iney Illaahey ammaanaan, iyagoo leh, “Haddaba, xitaa dadka aan Yuhuudda ahayn Illaahey wuxuu siiyay toobadkeenka lagu helo nolosha weligeed ah.”
Kaniisaddii Antiyokh ku taalay
19Qaar ka mid ah xerta ayaa ka kala cararay silicii dhacay markii Istefanos la dilay waxeyna u safreen illaa Foynike, Qubrus iyo Antiyokh, waxeyna ereyga la wadaagayeen Yuhuudda kaliya. 20Laakiin qaar ka mid ah xertii kasoo jeeday Qubrus iyo Sayriin ayaa tagay Antiyokh waxeyna ereyga la wadaageen xitaa Yuhuuddii af Gariigga ku hadleysay, iyagoo u sheegaya warka wanaagsan ee ku saabsan Sayid Ciise. 21Illaahey ayaana iyaga la jiray, dad tiro badan ayaa rumeystay oona u toobadkeenay Rabbiga.
22War wixii dhacayay ku saabsan ayaa soo gaaray kaniisaddii ku taalay Yeruusaalem, markaas ayey Barnabas Antiyokh u direen. 23Markii uu soo gaaray oo uu arkay waxa Illaah ku nimceeyay, aad ayuu ugu farxay wuxuuna kuligood ku dhiirigeliyay iney Rabbiga daacad u ahaadaan, qalbigoodana ku hayaan. 24Waayo Barnabas wuxuu ahaa nin wanaagsan oo iimaan fiican leh Ruuxa Quduuska ahna ka buuxo, dad badan ayaana Rabbiga u toobadkeenay.
25Kadib Barnabas wuxuu aaday Tarsos isaga oo raadinaya Sawlos. 26Markii uu heleyna wuxuu keenay Antiyokh. Halkaas ayeyna muddo sanad ah Barnabas iyo Sawlos xerta kula kulmayeen dad badanna wax ku bareen. Antiyokh ayey ahayd meeshii ugu horraysay ee xerta Sayid Ciise loogu yeeray masiixiyiin.
27Waqtigaas nebiyo ka socda Yeruusaalem ayaa yimid Antiyokh. 28Mid iyaga ka mid ah oo la yiraahdo Agabos ayaa isaga oo Ruuxa Quduuska ah kaashanaya sii sheegay iney abaar daran ka dhici doonto aduunka oo dhan. Waxeyna dhacday waqtigii Kalawdiyos. 29Markaas ayaa xertii Antiyokh joogtay go’aansadeen iney caawimaad nin kastaba wixii awoodiisu ahayd u diraan walaalihii joogay Yahuudiya. 30Waxeyna Barnabas iyo Sawlos ka codsadeen iney hadiyadahooda u geeyaan odayaashii joogay Yeruusaalem.

Currently Selected:

Falimaha 11: EI

Highlight

Share

Compare

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in