Falimaha 13
13
1Haddaba kaniisaddii ku taalay Antiyokh waxaa joogay nebiyo iyo macalimiin. Kuwaas oo kala ahaa Barnabas, Simecoon oo lagu magacaabi jiray Niger, Lukiyos oo reer Sayriin ah, Mana’een oo la koray taliye Herodos iyo Sawlos. 2Maalin iyagoo Illaahey baryaya soomayana ayaa Ruuxa Quduuska ah ku yiri, “Gooni iigu sooca Barnabas iyo Sawlos si ey u qabtaan shaqadii aan u doortay.” 3Haddaba markey soomeen oo duceysteen kadib, waxey gacmahooda saareen oo u duceeyeen Barnabas iyo Sawlos weyna direen.
Barnabas iyo Sawlos oo Qubrus jooga
4Markii uu labadoodiba Ruuxa Quduuska ah diray, waxey tageen Selukiya halkaas oo ey kasii aadeen jasiiraddii Qubrus. 5Markey Salamis gaareen, waxey ereyga Illaahey kaga wacdiyeen sunagogyadii Yuhuudda. Yooxanaa ayaa inuu caawiyo ula socday.
6Waxey ku safreen jasiiradda oo dhan illaa ey yimaadeen Bafos, halkaas oo ey kula kulmeen nin sixiroole Yuhuudi ah nebi been ahna ahaa oo la yiraahdo Bar-Ciise, 7kaasoo saaxiib la ahaa Sergiyos Bawlos, oo ahaa nin caqli badan taliyana ka ah jasiiradda. Sergiyos Bawlos wuxuu rabay inuu maqlo fariinta Illaahey, wuxuuna dalbaday in loo keeno Barnabas iyo Sawlos. 8Laakiin Bar-Ciise oo magaciisa kale uu ahaa Elumas, ayaa isku dayay inuu ka hor istaago taliyaha inuu iimaanka helo. 9Laakiin Sawlos, oo sidoo kale la oran jiray Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ah ka buuxay ayaa si toos ah u fiiriyay Elumas oo ku yiri, 10“Waxaad tahay wiilka ibliiska iyo cadowga wax walboo wanaagsan! Kan ey ka buuxdo khiyaano iyo xumaato oo dhan. Goormaad iska daynaysaa ka hor imaanshaha wadada Illaahey ee runta ah? 11Hadda fiiri Illaahey wuxuu kugu ciqaabi doonaa inuu in muddo ah indhaha ku tiro, xitaa ma arki doontid iftiinka qoraxda.”
Isla markiiba ceeryaamo madow ayaa dabooshay ninkii indhihiisa, agagaarkiisa ayuu taataabtay isaga oo raadinaya qof gacanta qabta. 12Markii uu taliyihii arkay wixii dhacay, aad ayuu ula cajabay waxbaridda Rabbiga, wuuna rumeystay.
Bawlos iyo Barnabas oo jooga Antiyokhdii ku taalay Bisidiya
13Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka tagay Bafos oo waxey tageen Berga oo ku taalay Bamfuliya, halkaas oo uu Yooxanaa kaga tagay si uu ugu laabto Yeruusaalem. 14Markey Berga ka tageen waxey aadeen Antiyokhdii Bisidiya ku taalay. Kadib markii Sabtidii la gaaray waxey galeen sunagogga oo fariisteen. 15Kadib markii la akhriyay kitaabadii sharciga iyo nebiyada, ayaa gudoomiyihii sunagogga fariin u diray Bawlos iyo Barnabas, isaga oo leh, “Walaalayaalow, haddaad haysan hadal dadka dhiirigelinaya, fadlan na la wadaaga.”
16Bawlos ayaa istaagay oo gacan haatiyay wuxuuna yiri, “Reer binu Israa’iil iyo inta kale ee Illaahey caabudow i dhagaysta! 17Illaaha reer binu Israa’iil ayaa doortay awoowayaasheen, dadkeenana wuu saraysiiyay markey joogeen Masar. Kadibna Illaahey awooddiisa weyn ayuu kaga soo saaray waddanka, 18oo ku dhawaad afartan sano ayuu ku daryeelayay dhulkii cidlada ahaa. 19Wuxuuna burburiyay toddoba qowmiyadood oo jooga Kancaan dhulkoodiina siiyay awoowayaasheen. 20Waxan oo dhan waxey dhaceen muddo 450 sano ku dhow.
“Intaas kadib, Illaahey wuxuu siiyay xaakimo illaa waqtigii nebi Samuu’eel. 21Kadib dadkii ayaa Illaahey weydiistay boqor, wuxuuna siiyay Saa’uul ina Qiish, kaasoo ahaa reer Benyaamiin, wuxuuna xukumay afartan sano. 22Markii Saa’uul laga qaaday xilka, wuxuu boqorkooda ka dhigay Daa’uud. Oo Illaahey ayaa ka marqaatifuray isaga, ‘Waxaan ogaaday Daa’uud wiilkii Yesay inuu qalbigaygu doortay, wuxuu sameyn doonaa wax walboo aan rabo inuu sameeyo.’
23“Ninkan farcankiisa wuxuu Illaahey Israa’iil uga soo saaray Badbaadiye Ciise, sidii uu ballan qaaday. 24Ka hor imaashihii Ciise, Yooxanaa wuxuu ku wacdiyay toobadkeen iyo in la baabtiiso dadka reer binu Israa’iil oo dhan. 25Yooxanaa oo shaqadiisii sii gaba gabeynaya ayaa yiri, ‘Yaad u maleynaysaan inaan ahay? Ma ihi midka aad raadineysaan. Laakiin waxaa jira mid gadaasheyda imaan doona kaasoo aniga aanan u qalmin inaan kabaha ka furo.’
26“Ilmihii Ibraahimow iyo kuwa Illaahey ka cabsada oo aan Yuhuudda ahaynow, waa anaga kuwa fariintan badbaadada loo soo diray. 27Dadkii Yeruusaalem iyo taliyayaashoodii ma eysan aqoonsan Ciise, waxeyna isaga u xukumayeen iyagoo aan fahmin iney ka dhabeeyeen ereyadii nebiyada ey Sabti walba akhrinayeen. 28Inkastoo eysan ku helin sabab sax ah oo lagu dilo, haddana waxey Bilaatos weydiisteen in la dilo. 29Oo markey sameeyeen wax walboo qoran oo isaga ku saabsan, waxey kasoo dajiyeen iskutallaabtii waxeyna galiyeen qabriga. 30Laakiin Illaah ayaa kasoo sarakiciyay dhimashada, 31maalmo badanna waxaa arkayay kuwii isaga ula safray Galili illaa Yeruusaalem. Iyaga ayaa hadda marqaatifur u ah isaga oo dadka u sheegaya.
32“Waxaan idiin sheegeynaa warka wanaagsan. Wixii uu Illaahey ka ballan qaaday awoowayaasheen 33inuu anaga oo ah caruurtooda, inoogu oofiyay, sarakicintii Ciise. Sida ku qoran Sabuurradda labaad.
“ ‘Waxaa tahay wiilkeyga,
maanta waxaan noqday Aabahaa.’
34Illaah ayaa ka sarakiciyay dhimashada oo weligiis laguma dari doono kuwa qurma. Siduu Illaahey yiri,
“ ‘Waxaan ku siin doonaa xaqnimadii iyo barakadii aan ka ballan qaaday Daa’uud.’
35Marka waxaa meel kale lagu qoray.
“ ‘Ma ogolaan doontid midkaaga xaqa ah inuu qurmo.’
36“Hadda markii uu Daa’uud qabtay shaqadii uu Illaahey ugu talagalay jiilkiisi, wuu seexday waxaana lala duugay awoowayaashiis waana la aasay wuuna qurmay meydkiisi. 37Laakiin midka uu Illaah dhimashada kasoo sarakiciyay ma qurmin.
38“Si kastaba ha ahaatee, walaalayaalow, waxaan rabaa inaad ogaataan in Ciise dartiis aad ku hesheen dembidhaafkii la idiin sheegay. 39Isaga dartiisna qof walboo aamina wuxuu xor ka yahay dembiga, xaqnimo waxaad ku heli weyseen sharcigii Muuse ee aad ku nooleydeen. 40Iska ilaaliya wixii ey nebiyaashii idin kaga digeen yaysan idin ku dhicin.
41“ ‘Fiiriya, kuwiinan Illaahey ku jeesjeesayow,
yaaba oo luma,
waayo maalmihiina waxaan sameyn doonaa
waxaad aamini weysaan,
xitaa haddii uu qof idiin sheego.’ ”
42Markey Bawlos iyo Barnabas kasii baxayeen sunagogga, dadkii ayaa waxey ku casuumeen iney arintan kasii hadlaan Sabtida dambe. 43Oo markey kulanka sunagogga sii baxayeen, qaar badan oo Yuhuudda iyo kuwa cibaadaysta ee Yuhuudda raacsanaa ayaa soo raacay Bawlos iyo Barnabas wey la hadleen waxeyna ku adkeeyeen iney nimcada Illaah sii wadaan.
44Sabtidii ku xigtay magaalada inteedii badnayd ayaa isku imaatay si ey u dhagaystaan ereyga Sayidka. 45Markey Yuhuuddii arkeen dadkii badnaa, aad ayey u maseyreen. Waxey bilaabeen iney qilaafaan wuxuu Bawlos dhahayay weyna caayeen.
46Kadib Bawlos iyo Barnabas ayaa si adag ugu jawaabay, “Waxey ahayd qasab inaan idinka idiin sheegno ereyga Illaah markii hore. Maadaama aad diideen oo isku maleynayseen in eydan u qalmin nolosha weligeed ah, markaas ayaan dadka aan Yuhuudda ahayn u jeesanay. 47Sidan ayuu Sayidkeena na amray.
“ ‘Waxaan idin kaga dhigay iftiin dadka aan Yuhuudda ahayn,
si aad badbaado ugu keentaan dhulka oo dhan.’ ”
48Markey dadkii aan Yuhuudda ahayn arintaas maqleen, wey farxeen weyna sharfeen ereyga Sayidka, kuwii nolosha weligeed ah loo qorayna wey aamineen.
49Oo ereyga Illaah wuxuu ku faafay gobolkaas oo dhan. 50Laakiin gudoomiyayaashii Yuhuudda waxey soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda ka ahaa magaalada. Weyna silciyeen Bawlos iyo Barnabas weyna ka ceyriyeen gobolkoodii. 51Markaas ayey boorka iska jafeen iyagoo u digaya waxeyna yimaadeen Ikoniyon. 52Xertiina waxaa ka buuxsantay farxad iyo Ruuxa Quduuska ah.
Currently Selected:
Falimaha 13: EI
Highlight
Share
Compare
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.