YouVersion Logo
Search Icon

Falimaha 9

9
Qirashadii Sawlos
1Sawlos wuxuu sii waday inuu xertii Sayid Ciise dil ugu hanjabo oo wuxuu u tagay wadaadkii sare, 2oo wuxuu weydiistay warqad uu la tago sunagogga Dimishaq ku yaal, si haddii uu halkaas ku arko qof Ciise raacsan rag iyo dumarba uu Yeruusaalem xoog ugu soo celiyo iyagoo silsilado ku xirxiran. 3Markii uu Dimishaq ku dhawaa ayaa isla markiiba waxaa samada ka shidmay iftiin oo agtiisa ku iftiimay. 4Wuxuu ku dhacay dhulka wuxuuna maqlay cod ku dhahaya, “Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcineysaa?”
5Sawlos ayaa weydiiyay, “Yaa tahay, Sayidow?”
Wuxuu ku jawaabay “Waxaan ahay Ciise, kan aad silcineysid. 6Haddaba kac oo magaalada aad, waa laguu sheegi doonaa waxaad sameyn doontid.”
7Nimankii Sawlos la safrayay ayaa hadalkii ku dhegay. Wey maqleen codka, laakiiin qofna ma eysan arkin. 8Sawlos ayaa dhulka ka kacay, laakiin markii uu indhihiisi furay waxba ma uusan arki karin. Markaas ayey gacanta qabteen illaa Dimishaq. 9Saddex maalin ayuu indhola’aa, waxna ma cunin mana cabin.
10Dimishaq waxaa joogay nin xerta ka tirsan oo la yiraahdo Ananiyas. Sayidka ayaa kula hadlay riyo oo ku yiri, “Ananiyasow!”
Markaas ayuu ku jawaabay, “Hee Sayidow.”
11Sayidka ayaa ku yiri, “Aad guriga Yuudas oo ku yaala wadada toosan waxaadna weydiisaa nin reer Tarsos ah oo la yiraahdo Sawlos, oo duceysanaya. 12Wuxuuna riyo ku arkay nin la yiraahdo Ananiyas oo u yimaaday gacantiisana saaray si uu ugu soo celiyo aragiisa.”
13Ananiyas ayaa ku jawaabay, “Sayidow, waxaan maqlay warbixin badan oo ku saabsan ninkan iyo dhibaatada uu ku hayo dadkaaga quduuska ah ee Yeruusaalem dagan. 14Wuxuuna halkan la yimid awood fasax uu ka haysto gudoomiyayaasha wadaaddada si uu u xiro dhamaan inta magacaaga ku dhawaaqda.”
15Laakiin Sayidka ayaa Ananiyas ku yiri, “U tag! Ninkan waxaan u doortay si uu magacayga ugu sheego dadka aan Yuhuudda ahayn, boqoradooda iyo dadka Israa’iil. 16Waxaan tusi doonaa intuu u dhibaatoon doono magacayga dartiisa.”
17Ananiyas ayaa gurigii tagay oo galay. Markii uu gacantiisa saarayay Sawlos, wuxuu ku yiri, “Walaal Sawlosow, Sayid Ciise kii isku kaa muujiyay intaad wadada ku soo jirtay ayaa isoo diray waxaa laga yaabaa inaad dib wax u aragto oo Ruuxa Quduuska ahna lagaa buuxiyo.” 18Isla markiiba wax qolof oo kale ah ayaa kasoo dhacay Sawlos indhihiisa, dib ayuuna wax u arkay. Wuu istaagay waana la baabtiisay. 19Kadib markii uu wax cunay wuxuu dib u helay awoodiisi.
Sawlos oo ka wacdiyay Dimishaq iyo Yeruusaalem
Sawlos ayaa maalmo badan la joogay xertii joogtay Dimishaq. 20Markaas ayuu bilaabay inuu kaga wacdiyo sunagogyada inuu Ciise yahay Wiilka Illaah. 21Dhamaan kuwii maqlay wey yaabeen oo waxey weydiiyeen, “Kani miyuusan ahayn kii Yeruusaalem ku baabi’in jiray kuwa magacan ku dhawaaqa? Oo miyuusan halkan u imaan inuu iyaga maxaabiis uga dhigo gudoomiyayaasha wadaaddada?” 22Balse Sawlos wuu sii xoogsatay oo wuxuu wareeriyay Yuhuuddii ku noolayd Dimishaq isaga oo cadaynaya Ciise inuu yahay Masiixa.
23Maalmo badan markey kasoo wareegatay, waxey Yuhuuddii u dhigeen shirqool ey ku dilaan. 24Laakiin Sawlos wuu ku fahmay qorshahoodi. Maalin iyo habeen waxey aad u ilaaliyeen albaabada magaalada si ey u dilaan. 25Laakiin xertiisi ayaa intey dambiil weyn ku rideen habeen ka dajiyeen darbiga magaalada.
26Markii uu yimid Yeruusaalem, wuxuu isku dayay inuu ku soo biiro xerta, laakiin dhamaantood wey ka cabsadeen, maxaa yeelay ma eysan aaminsaneyn inuu yahay xer dhab ah. 27Kadib Barnabas ayaa kaxeeyay oo u geeyay rasuulladii. Wuxuuna u sheegay sida uu Sawlos markii uu safarka ku jiray uu Sayidka u arkay iyo siduu Sayidka ula hadlay, iyo siduu Dimishaq uga wacdiyay magaca Ciise si cabsi la’aan ah. 28Kadib Sawlos ayaa la joogay iyaga oo si xor ah ayuu ugu dhex socday Yeruusaalem, isaga oo qof walba u sheegaya magaca Sayidka. 29Wuxuu la hadlay oo uuna la dooday Yuhuuddii Gariigga ahayd, laakiin waxey isku dayeen iney dilaan. 30Markey walaalihii ogaadeen arintan, waxey keeneen Kaysariya oo waxey u direen Tarsos.
31Kadib kaniisadihii Yahuudiya, Galili iyo Samaariya ayaa nabad noqotay oo wey xoogeysteen. Iyagoo ku nool cabsida Sayidka iyo dhiirigelinta Ruuxa Quduuska ah, weyna bateen.
Butros oo bogsiiyay Ayne’as
32Butros oo waddanka ku dhex safraya, ayaa soo booqday dadkii Sayidka ee ku noolaa Ludda. 33Halkaas wuxuu ku arkay nin la yiraahdo Ayne’as, oo naafo ahaa oo siddeed sano sariir ku jiray. 34Butros ayaa ku yiri “Ayne’asow, Ciise Masiix ayaa ku bogsiiyay, kac oo qaado derintaada.” Isla markiiba Ayne’as wuu kacay. 35Dhamaan kuwii ku noolaa Ludda iyo Sharoon wey arkeen oo Sayidka ayey u toobadkeeneen.
36Haddaba waxaa Yaafaa joogi jirtay mid ka mid ah xerta oo la yiraahdo Tabita, afka Gariigana magaceedu waa Dorkas, mar walba waxey sameyn jirtay wax fiican waxeyna caawin jirtay masaakiinta. 37Xiligaas wey xanuusatay weyna dhimatay, meydkeediina waa la dhaqay oo waxaa la geeyay qol ku yaalay qeybta sare ee guriga. 38Ludda waxey u dhawayd Yaafaa, oo markey xertii maqleen in Butros uu joogo Ludda, waxey u direen laba nin waxeyna nimankii ku dhaheen, “Fadlan hal mar imow!”
39Butros ayaa raacay, markii uu yimidna waxaa loo kaxeeyay qol ku yaalay qeybta sare ee guriga. Dumarkii carmalada ahaa oo dhan ayaa hareeraha ka taagnaa, iyagoo ooynaya oo tusaya xargihii iyo dharkii ey Dorkas sameysay intey noolayd.
40Butros ayaa dhamaantood banaanka u saaray kadibna intuu jilba jabsaday ayuu duceeyay. Intuu meydkii kor yimid, ayuu yiri, “Tabitay, kac.” Indhaha ayeyna furtay, markey Butros aragteyna wey fariisatay. 41Intuu gacanta qabtay ayuu istaajiyay. Kadib ayuu walaalihii iskugu yeeray, gaar ahaan Dumarkii carmalada ahaa, iyaga ayuuna ku wareejiyay iyadoo nool. 42Arintan waxaa laga ogaaday Yaafaa oo dhan, dad badanna waxey rumeysteen Sayidka. 43Oo Butros wuxuu muddo sii joogay Yaafaa, wuxuuna la joogay nin magdeeye ah oo la dhihi jiray Simoon.

Currently Selected:

Falimaha 9: EI

Highlight

Share

Compare

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in