YouVersion Logo
Search Icon

Falimaha 10

10
Korneeliyos oo u yeeray Butros
1Kaysariya waxaa joogay nin la oran jiray Korneeliyos, kaasoo boqol u taliye u ahaa koox loo yaqaanay askartii Talyaaniga. 2Isaga iyo qoyskiisaba waxey ahaayeen kuwo cibaado badan oo Illaahey ka cabsada. Wuxuu ahaa mid gacan furan oo wax siiya masaakiinta baahan Illaahey ayuuna baryi jiray mar walba. 3Maalin maalmaha ka mid ah markey ahayd saddexdii galabnimo ayuu riyooday. Wuxuuna arkay malag Illaah, oo u yimid kuna yiri, “Korneeliyosow!”
4Korneeliyos ayaa si cabsi ah u fiiriyay oo weydiiyay, “Waa maxay, Sayidow?”
Malagii ayaa ku jawaabay, “Ducadaadi iyo sadaqadii aad masaakiinta siin jirtay ayaa xagga sare timid oo xasuus dhaxalgal ah ayey ka noqotay xagga Illaah. 5Hadda niman u dir Yaafaa si ey u keenaan nin la dhaho Simoon Butros. 6Wuxuu la joogaa Simoon magdeeyaha, gurigiisuna wuxuu ku yaalaa badda agteeda.”
7Markii uu malagii la hadlayay tagay, Korneeliyos wuxuu u yeeray laba ka mid ah adeegayaashiisi iyo mid ka mid ah askartiisi ey Illaahey isla caabudi jireen. 8Wuxuu u sheegay wax walboo dhacay wuxuuna u diray Yaafaa.
Riyadii Butros
9Maalintii ku xigtay mar ey ahayd duhuradii iyagoo safarkii ku sii jira oo magaaladii ku sii socda, Butros ayaa fuulay saqafka kore ee guriga si uu ugu soo duceysto. 10Wuu gaajooday wuxuuna rabay wax uu cuno, intii cuntada la diyaarinayay ayuu riyooday. 11Wuxuuna arkay samada oo furantay waxaana kasoo degay wax sida shiraac u weyn oo afartiisa geesood lagu soo dajiyay dhulka. 12Waxaana dul saarnaa dhamaan xayawaanada afarta lugood leh, xamaaratada iyo shimbirraha hawada. 13Kadibna cod ayaa ku yiri, “Butrosow, kac! Dil oo cun.”
14Butros ayaa ku jawaabay, “Maya, Sayidow! Weligay ma cunin wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn.”
15Codkii ayaa mar kale la hadlay, “Ha dhihin waa xaaraan wax uu Illaahey nadiifiyay.”
16Arintan waxey dhacday saddex jeer, isla markiina shiraacii samada ayaa dib loogu celiyay.
17Butros oo la yaaban micnaha riyada, nimankii uu Korneeliyos soo diray ayaa yimid gurigii Simoon waxeyna soo istaageen albaabka. 18Wey u yeereen, waxeyna weydiiyeen Simoon oo Butros loo yaqaano inuu meeshan daganyahay.
19Butros oo riyadii weli ka fikiraya, ayaa Ruuxa Quduuska ah ku yiri. “Simoon, saddex nin ayaa ku raadinaya. 20Kac oo hoos aad. Ha ka shakinin inaad raacdid, aniga ayaa kuu soo diray.”
21Butros ayaa hoos aaday wuxuuna ku yiri, “Waa aniga qofka aad raadineysaan. Maxaad u timaadeen?”
22Nimankii ayaa ku yiri, “Waxaan ka soconaa Korneeliyos oo ah boqol u taliye. Waana nin xaq ah oo Illaahey ka cabsada, kaasoo ey dadka Yuhuudda oo dhan xushmeeyaan. Malag quduus ah ayaa ku yiri ku dheh gurigeyga imow si uu u dhagaysto waxaad sheegeysid.” 23Kadib Butros ayaa nimankii guriga ku casuumay si ey martidiisa u noqdaan.
Butros oo gurigii Korneeliyos jooga
Maalintii ku xigtayna Butros wuu soo raacay, waxaa kale oo la socday qaar ka mid ah walaalihii Yaafaa daganaa. 24Maalin kadibna wuxuu soo gaaray Kaysariya. Korneeliyos ayaa sugayay iyaga wuxuuna iskugu yeeray qaraabadiisii iyo saaxiibadiisii. 25Butros markii uu guriga soo galay, Korneeliyos ayaa ka hor yimid oo cagahiisa ayuu ku dhacay isaga oo xushmeynaya. 26Laakiin Butros ayaa kiciyay oo ku yiri, “Kor u kac, aniga xitaa qof ayaan ahay.”
27Intuu la hadlayay, Butros gudaha ayuu galay wuxuuna arkay dad badan. 28Wuxuuna ku yiri dadkii “Waad ogtihiin iney sharciga ka hor imaaneyso in Yuhuuddu dhex gasho ama booqato dadka aan Yuhuudda ahayn. Laakiin Illaahey wuxuu i tusay in aanan qofna ugu yeerin xaaraan ama wasakh. 29Oo markii nimanka la ii soo diray, waxaan imid aniga oo aan wax muran ah ka keenin. Ma ogaan karaa sababta aad iigu yeertay?”
30Korneeliyos ayaa ku yiri, “Saddex maalin ka hor xiligan oo kale aniga oo duceysanaya, mar ey ahayd saddexdii galabnimo ayaa nin dhar dhalaalaya xiran horteyda soo istaagay, 31wuxuuna igu yiri, ‘Korneeliyosow Illaahey wuu maqlay ducadaadi wuuna xasuustay sadaqada aad masaakiinta siisid. 32Dad u dir nin la dhaho Simoon Butros oo jooga Yaafaa. Wuxuu marti ku yahay guriga Simoonkii magdeeyaha, kaasoo badda agteeda dagan.’ 33Oo isla markiiba dad ayaan kuu soo diray, waana wanaagsaneyd inaad timaaday. Hadda dhamaanteen meeshan ayaan joognaa Illaahey hortiisa si aan u dhagaysano wax walboo uu Sayidku ku amray inaad noo sheegto.”
34Kadib Butros ayaa bilaabay inuu hadlo, “Hadda ayaan ogaaday iney run tahay in uusan Illaahey eexasho sameynin, 35laakiin uu qowmiyad kasta ka aqbalo midka isaga ka cabsada oo waxa saxda ah sameeya. 36Ma ogtihiin fariinta uu Illaahey u soo diray dadka reer binu Israa’iil, isaga oo ku dhawaaqaya warka wanaagsan ee nabadda ah adeegsanayana Ciise Masiix, kaasoo ah Sayidka dadka oo dhan. 37Ma ogtihiin waxa ka dhacay gobolka Yahuudiya, laga bilaabo Galili kadib baabtiiskii uu Yooxanaa wacdiyay. 38Sida uu Illaah ugu subkay Ciisihii reer Naasared Ruuxa Quduuska ah iyo awood, iyo sida uu meel walba u maray isaga oo wax wanaagsan sameynaya oo bogsiinaya kuwa ku hoos jira awoodda ibliiska, sababtoo ah Illaahey ayaa la jiray.
39“Marqaati ayaan ka ahayn wax walboo uu ka dhex sameeyay waddanka Yuhuudda iyo Yeruusaalem. Wey dileen oo iskutallaabta ayey ku qodbeen, 40laakiin Illaahey ayaa maalintii saddexaad dhimashada ka sarakiciyay oo sababay iney dadku arkaan. 41Dadka oo dhan ma eysan arkin, laakiin waxaa arkay marqaatiyaal uu Illaahey mar hore doortay. Anaga ayaa wax la cunay oo wax la cabnay kadib markii uu dhimashada ka sarakacay. 42Wuxuu na amray inaan dadka u wacdino oo aan u marqaatifurno inuu isagu yahay midka uu Illaahey u doortay inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba. 43Nebiyadii oo dhan wey ka marqaatifureen isaga iyo in qof walboo aamina uu dembidhaaf ku helayo magaciisa.”
44Butros oo weli hadlaya ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay dhamaan intii maqashay fariintan. 45Rumeystayaashii la guday ee Butros la yimid ayaa la yaabay sida Ruuxa Quduuska ah loogu shubay xitaa dadka aan Yuhuudda ahayn. 46Waayo waxey maqleen iyagoo ku hadlaya afka ruuxa oo Illaaheyna ammaanaya.
Kadib Butros ayaa yiri, 47“Xaqiiqdii qofna lagama hor istaagi karo in la baabtiiso. Oo waxey u heleen Ruuxa Quduuska ah sida aan anagu u helnay.” 48Markaas ayuu amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix, kadibna waxey Butros ka codsadeen inuu maalmo yar lasii joogo.

Currently Selected:

Falimaha 10: EI

Highlight

Share

Compare

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in