Falimaha 28
28
Bawlos oo jooga Melita
1Markaan nabad ku gaarnay biyaha qarkooda ayaan ogaanay jasiiraddaas iney tahay Melita. 2Kuwii halkaas deganaa aad ayey noogu naxariisteen. Roob ayaa markaas da’ayay oo qabow ayaa jiray sidaa darteed dab ayey noo shideen oo anaga oo dhan ayey na soo dhaweeyeen. 3Bawlos ayaa qoryo soo ururiyay oo dabka saaray, markaas ayaa kuleylkii dartiis mas intuu soo baxay Bawlos gacanta ka qaniinay. 4Kuwii halkaas deganaa ayaa markey arkeen maskii inuu gacanta Bawlos kasoo laalaado, ayey is dheheen, “Ninkan waa gacan ku dhiigle, inkastoo uu badda nabad kaga soo baxay, xaqnimadu uma ogolaanayso inuu noolaado.” 5Laakiin Bawlos intuu maskii gacantiisi ka ruxay ayuu dabkii ku tuuray isaga oo waxba aan gaarsiinin. 6Waxey u maleynayeen inuu bararo ama isla markiiba dhulka ku dhaco oo dhinto. Laakiin markey waqti badan sugeen ayey arkeen inaan waxba ku dhicin isagii, markaas ayey fikradoodi badaleen oo ey dheheen isagu waa illaahey.
7Meelahaas waxaa ku yaalay dhul uu iskalahaa nin la yiraahdo Bobliyos, taliyihii jasiiraddaas. Wuxuu na tusay deeqsinimo martigelin saddex maalmood. 8Bobliyos aabihiis ayaa xanuusanaa, wuxuu la xanuusanaa qandho iyo calool xanuun. Markaas ayaa Bawlos soo booqday oo gacanta saaray oo u duceeyay wuuna bogsiiyay. 9Markey arintaas dhacday ayaa dadkii jasiiradda deganaa oo xanuusanaa oo dhan wada yimaadeen waana la bogsiiyay. 10Aad ayey noo sharfeen, oo markaan safrayneyna wax walboo aan u baahneyn ayey nasiiyeen.
Bawlos oo gaaray Rooma
11Saddex bilood kadib ayaan waxaan ku safarnay doon ka timid Iskanderiya taas oo waqtigii qaboobaha jasiiradda joogtay, qeybta horena uu kaga sameysnaa madaxyada illaahyadii mataanaha ahaa. 12Waxaan imaanay magaaladii Surakus oo waxaan joognay saddex maalmood. 13Halkaasna waan ka tagnay oo waxaan gaarnay Regiyon. Maalintii ku xigtay dabayl ayaa ka timaaday dhinaca koonfurta, maalintii labaadna waxaan gaarnay Botiyolos. 14Halkaasna waxaan kula kulannay walaalaha oo nagu casuumay inaan hal isbuuc la joogno. Kadibna waxaan tagnay Rooma. 15Markaas ayaa walaalaha qaar ee joogay Rooma maqleen inaan imaanay markaas ayey ka yimaadeen suuqa Abbiyus iyo hoteelada waaweyn oo wey na la kulmeen. Bawlosna markii uu iyagii arkay ayuu Illaahey u mahadceliyay oo weliba dhiiranaaday. 16Markaan Rooma gaarneyna Bawlos waa loo fasaxay inuu kalinimo ku noolaado isaga oo askartu ilaalineyso.
Bawlos wuxuu ka wacdiyay Rooma
17Saddex maalmood kadib ayaa Bawlos kulan iskugu wacay hogaamiyayaashii Yuhuudda. Markey isku yimaadeen ayaa Bawlos ku yiri, “Walaalayaalow, aniga oo aan wax xumaan ah ku sameynin dadkeena iyo caadada awoowayaasheen, ayaa waxaa la igu xiray Yeruusaalem oo weliba la ii dhiibay reer Rooma. 18Goortii su’aalo la i weydiiyay kadib reer Rooma waxey doonayeen iney isoo daayaan waayo qalad ey igu dilaan ma galin. 19Laakiin Yuhuuddu markey diideen ayaan waxaan dhahay dacwadeyda Kaysar ha dhageysto. Laakiin illaa hadda aniga dadkayga dacwo uma haysto. 20Waxyaalahan darteed ayaan weydiistay inaan idin arko oo aan idin la hadlo. Rajadii reer binu Israa’iil darteed ayaan silsiladaan ugu xiranahay.”
21Markaas ayey ku yiraahdeen, “Anagu wax warqad ah oo adiga kugu saabsan Yahuudiya kama helin, dadkeenana wax xumaan ah oo ey kaa soo sheegeen ma laha. 22Laakiin waxaan jeclaan lahayn inaad noo sheegtid fikradaada, waayo waan ognahay in meel walba dadku kaa hadlaan.”
23Waxey isku raaceen iney maalin Bawlos la kulmaan, markaas ayaa iyagoo badan gurigiisi yimaadeen. Bawlosna wuxuu kala hadlay oo marqaatifuray waxyaalo ku saabsan Boqortooyada Illaahey subaxdii illaa galabtii. Wuxuu isticmaalay sharciga Muuse iyo buugaagta nebiyada inuu qalbiyadooda ku soo celiyo Ciise. 24Qaar ayaa ku qancay hadaladiisi qaar kalana ma rumeysan. 25Iyagii ayaa dhexdooda ka heshiin waayey markaas ayey kala tageen Bawlos goortii uu hadalkan ugu dambeeya yiri, “Ruuxa Quduuska ah waxyaala run ah ayuu kala hadlay awoowayaasheen siduu nebi Isayos sheegay.
26“Oo waxaad dadkan ku dhahdaa
waad maqli doontaan laakiin weligiin ma fahmi doontaan,
waad fiirin doontaan laakiin waxba ma arki doontaan.
27Waayo dadkan qalbiyadoodu wey qalaafsanaadeen,
wax dhegahooda kuma maqlaan
indhahoodana wey xireen.
Haddii kale indhaha wax wey ku arki lahaayeen,
oo dhegahoodana wax ayey ku maqli lahaayeen,
qalbigoodana wax ayey ku fahmi lahaayeen
oo wey soo laaban lahaayeen, oo aniguna waan cafin lahaa.”
28Markaas ayaa Bawlos yiri, “Sidaa darteed waxaan doonayaa inaad ogaataan badbaadadii Illaahey waxa loo soo diray dadka aan Yuhuudda ahayn, weyna dhageysan doonaan!” [29Goortuu waxyaalahaas dhahay ayaa Yuhuuddii kala tageen iyagoo aad iskugu buuqayo.]#28:29 Qoraallada qaar ma laha aayadda 29.
30Laba sano Bawlos wuxuu deganaa guri uu kireystay oo halkaas ayuu kuwa u yimaada ku soo dhaweynayay. 31Geesinimo iyo xornimo ayuu boqortooyada Illaahey ku wacdinayay oo dadkana barayay waxyaalaha ku saabsan Rabbigeena Ciise Masiix.
Currently Selected:
Falimaha 28: EI
Highlight
Share
Compare
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.