Falimaha 27
27
Bawlos oo la geeyay Rooma
1Haddaba markii la go’aansaday inaan tagno Talyaaniga ayaa Bawlos iyo kuwa kale oo maxaabiis ah loo dhiibay nin boqol u taliya ah oo la yiraahdo Yulyos, wuxuuna ka mid ahaa ciidankii boqorka. 2Waxaan doon ka qaadanay Adramuteyo waxeyna u socotay xeebaha Aasiya, waxaa na la socday Aristarkhos oo reer Makedoniya ahaa oo ka yimid Tesaloniika.
3Maalintii ku xigtay ayaan gaarnay Siidoon. Yulyosna aad ayuu ugu naxariistay Bawlos. Waayo wuxuu u fasaxay inuu tago oo soo arko saaxiibadiis si ey wuxuu u baahanyahay u soo siiyaan. 4Goortaan Siidoon ka tagnay dabeesha ayaa na celineysay sidaa darteed waxaan marnay Qubrus. 5Kadibna waxaan u safarnay koonfurta Kilikiya iyo Bamfuliya illaa aan ka gaarnay Mura oo ku taalay Lukiya. 6Halkaas ayuu boqol u taliyihii ka helay doon Masar laga leeyahay oo ka timid Iskanderiya oo u socota Talyaaniga markaas ayuu nasaaray. 7Tartiib ayaan u safarnay oo dhowr maalmood iyo waqti adag ayey nagu qaadatay inaan gaarno Kinidos. Laakiin dabaysha ayaa na celineysay sidaa darteed dhinacaas kuma safri karin, oo waxaan u safarnay Kereetee taas oo kasoo hor jeeda Salmoonee. 8Aayar sidii aan ugu safraynay ayaan waxaan gaarnay meel la yiraahdo Dekado Wanaagsan oo u dhow magaalada Lasaya.
9Haddaba waqti badan ayaan safarkaan ku dhuminay, oo safarkana khatar ayuu noqday waayo maalintii dembidhaafka ee soonka waa la soo dhaafay. Sidaa darteed Bawlos wuu canaantay iyagii, 10“Niman yahow, haddaan hadda safarno doonteena iyo alaabteena wey halaabayaan, xitaa nolosheena waan lumin doonaa.” 11Laakiin boqol u taliyihii intuu waxa Bawlos dhahay maqli lahaa ayuu wuxuu raacay taladii ninka doonta wado iyo kii doonta lahaa. 12Dekadu ma ahayn mid waqtiga qabowga u wanaagsan, markaas ayaa dadka badankood waxey isku raaceen inaan sii safarno illaa Foynikis oo aan waqtiga qabowga halkaas joogno. Taasi waxey ahayd dekada Kereetee oo ujeedo dhinaca koonfur galbeed iyo waqooyi galbeed.
Duufaantii
13Markii dabayshii koonfurta aayar u bilaabatay ayey u maleeyeen iney waqti fiican tahay, doontii ayey qaateen oo wey safreen, waxeyna agmareen Kereetee. 14Laakiin waxaa imaaday dabayl xoog leh oo la dhaho, waqooyi bari, waxey ka timid Kereetee. 15Doontii ayaa waxey u joogsatay duufaantii darteed, mana karin inaan dabaysha dhinacay ka imaaneyso ku wadno, sidaa darteed waan isdhiibnay oo dabayshii duufaanta ayaa kaxeynaysay doontii. 16Markaan usii gudubnay jasiirad yar oo la dhaho Kalawda, waan ku dhibaatoonay awoodi waaynay inaan xirno doontii yarayd si eysan u halaabin. 17Doontii intey qaadeen ayey doonta kale ku xireen. Waayo waxey ka cabsadeen in bacaadka Surtis ku dhacdo. Markaas ayaa shiraacii doonta kor ugu xirnaa dajiyeen kadibna doontii wey iskadhaafeen si dabayshu u kaxeyso. 18Duufaantii wey kasii dartay, oo maalintii ku xigtay alaabtii qaarkood ayey badda ku tuureen. 19Maalintii saddexaadna waxey tuureen waxyaalihii doonta. 20Dhowr maalmood ayaan arkin qoraxda ama xiddigaha, dabayl xoog leh ayaa dhaceysay. Markaas ayaan ka quusanay rajadii badbaadinta oo aan rajeyneyney.
21Oo markii muddo dheer qof walba cunto la’aan joogay ayaa Bawlos intuu iyaga hor istaagay ayuu ku yiri, “Niman yahow, waxaa idiin fiicnayd inaad i maqashaan oo aadan Kereetee kasoo tagin, dhibaatadan iyo khasaaradan oo dhan ma mari lahayn. 22Haddaba waxaan idin leeyahay dhiiranaada, waayo ma jiro qof idin ka mid ah oo naftiisa lumin doona, doontaan kaliya ayaa halaabi doonta. 23Waayo xaley waxaa isoo ag istaagay malagii Illaaha i leh oo aan weliba caabudo, 24oo wuxuu igu yiri, ‘Ha cabsan Bawlos, waayo waa inaad xukunkii Kaysar hor istaagtaa, bal fiiri Illaahey deeqsinimadiisi ayuu kugu siiyay noloshii dadkan kula safraya oo dhan.’ 25Sidaa darteed dhiiranaada, waayo waxaan aaminsanahay Illaahey inuu waxyaalihii uu dhahay ey dhici doonaan. 26Laakiin waa inaan meel jasiirad ah ku daganaa.”
Doontii jabtay
27Waa maalintii afar iyo tobanaad oo aan weli ku soconay Badda Adriya, markii habeen barkii la gaaray ayaa badmaaxyadii u maleeyeen iney dhulka ku soo dhawaadeen. 28Markaas ayey cabbireen biyihii oo waxey ogaadeen iney afartan mitir tahay. Wax yar markey socdeen ayey haddana qiyaas qaadeen oo waxey heleen soddon mitir. 29Waxey ka cabsadeen iney dhagaxyo ku dhacaan markaas ayey afar baroosin xagga dambe ee doonta ka dejiyeen waxeyna baryeen iney maalin u noqoto. 30Badmaaxyadii ayaa waxey isku dayeen iney doontii ka degtaan, sidaa darteed waxey biyaha ku dejiyeen doontii yarayd, iyagoo iska dhigaya iney baroosinkii doonta xageeda hore ka dejinayaan. 31Laakiin Bawlos ayaa ku yiri boqol u taliyihii iyo askartii, “Haddii badmaaxyadaan la joogaan markab idinkuna ma badbaadaysaan.” 32Markaas ayaa askartii xarigii doonta yar ku xirnaa gooyeen oo ey ku dhaafeen iney badda ku dhacdo.
33Laakiin intaan subixii la gaarin ayuu Bawlos ka baryay iyagii iney cunto cunaan oo wuxuu ku yiri, “Toban iyo afar maalmood welwel ayaa idin hayay waxna ma eydan cunin. 34Haddaba waxaan idin ka baryayaa inaad wax cuntaan. Waayo waad u baahantihiin inaad ku noolaataan, qofna ma dhiman doono ee welwelka iska dhaafa oo wax cuna.” 35Waxyaalahan markii uu yiri kadib ayaa Bawlos intuu kibis qaaday ayuu Illaahey u mahadceliyay, kadibna intuu kala gooyay ayuu cunay. 36Markaas ayaa kuligood dhiiranaadeen oo ey cunto cuneen. 37Dhamaan dadka doonta saaran waxaan ahayn 276. 38Markii qof walba cunay in ku filan ayey badarkii ayey badda ku tuureen si doonta khafiif u noqoto.
39Maalintii markii la gaaray ayaa iyagoo kala garaneynin dhulka ayey waxey arkeen meel xeeb ah, markaas ayey go’aansadeen iney meel dhul ah doonta dhigaan hadday awoodaan. 40Sidaa darteed waxey fureen xarigii baroosinka si ey biyaha uga dhex tagaan, iyagoo weliba xargaha badeelka doonta ku xiran ey ka fureen. Kadibna shiraacii ayey dabaysha usii daayeen, si ey dabaysha u geeyso illaa xeebta. 41Laakiin doontii dhulka ey ku dhacday, oo qeybteedii hore ayaa ku xayirantay dhoobo dhexdeeda. Xaggeda dambana wuu burburay hirarkii dartood.
42Markaas ayaa askartii waxey ku tashadeen iney maxaabiista dilaan si aan midkoodna u dabaalan oo uga baxsanin. 43Laakiin boqol u taliyihii ayaa rabay inuu Bawlos badbaadiyo sidaa darteed taladoodi wuu ka joojiyay. Wuxuu amray kuwii dabaasha yaqaanay iney biyaha galaan oo ey dhulka gaaraan. 44Kuwa kalana waa iney meesha ku tagaan jajabkii doonta oo sidaas ayuuna qof walba dhulka nabad ku tagay.
Currently Selected:
Falimaha 27: EI
Highlight
Share
Compare
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.