“Oo waxaad dadkan ku dhahdaa
waad maqli doontaan laakiin weligiin ma fahmi doontaan,
waad fiirin doontaan laakiin waxba ma arki doontaan.
Waayo dadkan qalbiyadoodu wey qalaafsanaadeen,
wax dhegahooda kuma maqlaan
indhahoodana wey xireen.
Haddii kale indhaha wax wey ku arki lahaayeen,
oo dhegahoodana wax ayey ku maqli lahaayeen,
qalbigoodana wax ayey ku fahmi lahaayeen
oo wey soo laaban lahaayeen, oo aniguna waan cafin lahaa.”