Falimaha 26
26
1Markaas ayaa Agribba ku yiri Bawlos, “Waad u fasaxantahay inaad nafsadaada u hadashid.”
Haddaba Bawlos intuu gacan haatiyay ayuu yiri, 2“Boqor Agribbow, waxaan isku arkaa qof nasiib leh maanta inaan hortaada istaago oo aan iskaga difaaco waxyaalihii ey Yuhuudda igu soo dacweeyeen oo dhan. 3Adigoo weliba wax badan ka garanaya waxyaalaha ku saabsan dhaqanka Yuhuudda iyo kala duwanaanshadooda. Sidaa darteed waxaan kaa baryayaa inaad ii dulqaadatid oo aad i maqashid.
4“Dadka Yuhuudda oo dhan wey ogyihiin sidaan u noolaa illaa yaraanteydi, wey garanayaan noloshii aan ku noolaa waddankeyga iyo xitaa Yeruusaalem. 5Muddo dheer ayey i yaqaanaan weyna ka marqaatifuri karaan, haddii ey doonayaan, inaan ka mid ahaa dariiqada ugu adag ee diinteena, oo aan u noolaa sida Farrisi. 6Haddaba waxaa la igu xukumayaa rajada aan ka qabo Illaahey ballantiisa oo uu ka ballan qaaday awoowayaasheen taas oo maanta la igu haysto. 7Ballantan waa ballantii ey laba iyo tobankii qabiil rajeynayeen in la oofiyo iyagoo Illaahey u adeegaya habeen iyo maalin. Boqor Agribbow, rajadan darteed ayey Yuhuuddu igu dacweyneysaa. 8Muxuu midkiina isu leeyahay ineysan suurtagal ahayn inuu Illaahey sarakiciyo meydka?
9“Aniga xitaa waxyaala badan ayaan sameeyay si aan uga hor imaado magaca Ciisihii reer Naasared. 10Saas ayaan ku sameeyay Yeruusaalem. Aniga oo amar ka qaatay gudoomiyayaashii wadaaddada waxaanna dadka Illaahey gelin jiray xabsi, oo xitaa waan ku raacsanaa in la dilo. 11Marar badan ayaan intaan sunagogyada ku wareegsado ayaan ciqaabi jiray, oo waxaan ku qasbi jiray iney Ciise wax xun ka sheegaan. Aad ayaan ugu xanaaqi jiray iyaga, oo illaa magaalooyin kale intaan u raaco ayaan silcin jiray.
12“Maalin aniga oo Dimishaq u socda oo wata amarkii iyo dardaarankii gudoomiyayaashii wadaaddada. 13Boqor Agribbow duhuradii markii la joogay, waxaan arkay iftiin ka yimid samada, qoraxda wuu ka iftiin badnaa, wuuna nagu ifay aniga iyo kuwii ila socdayba. 14Markaas ayaan dhulka ku wada dhacnay, oo waxaan maqlay cod af cibraaniga igu dhahayo, ‘Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcineysaa? Waxaad la dagaaleysaa Illaahey laakiin adiga ayaa is dhibaateynaya.’
15“Kadib ayaan weydiiyay, ‘Yaa tahay, Sayidow?’
“Rabbigu wuxuu ku jawaabay, ‘Waxaan ahay Ciise kan aad silcineysid. 16Haddaba kac, waxaan kuugu muuqday waa inaad noqotid adeegaheyga oo aad iigu marqaatifurto waxaad aragtay iyo waxaan ku tusi doono taas oo aan kuu doortay. 17Dadkaaga ayaan kaa badbaadin doona iyo dadka aan Yuhuudda ahaynba iyaga ayaan kuu dirayaa 18si aad indhaha ugu furto oo ey uga jeestaan mugdiga oo ey u jeestaan iftiinka, iyo iney kasoo jeestaan xoogga Shaydaanka oo ey Illaahey ugu jeestaan, si ey u helaan cafiska dembiga oo markey i rumeysataan waxey ka mid ahaan doonaan kuwa xaqa ah.’
19“Sidaa darteed Boqor Agribbow, waan raacay riyadaan ka timid samada. 20Marka hore waxaan u wacdiyay kuwa jooga Dimishaq, kadibna kuwa jooga Yeruusaalem iyo Yahuudiya oo dhan, iyo dadka aan Yuhuudda ahayn, iney toobadkeenaan oo Illaahey u noqdaan iyo in waxyaalaha ey sameeyaan laga garto iney toobadkeeneen. 21Sababtaas ayaa Yuhuudda qaar macbadka iigu qabteen oo ey isku dayeen iney i dilaan. 22Laakiin aniga oo caawimaad Illaahey ka helay ayaa illaa maantadan taagan inaan u marqaatifuro kuwa taajirka ah iyo masaakiintaba. Waxa kaliya ee aan u sheegay waa waxyaalihii ey nebiyada iyo sharcigii Muuse sheegeen oo dhici doona. 23Masiixa wuu silci doonaa oo wuxuu noqon doonaa kii ugu horeeyay ee dhimashada kasoo sarakacay, si uu dadkiisa iyo dadka aan Yuhuudda ahayn iftiin ugu keeno.”
24Bawlos inta uusan hadalkii dhameysanin ayaa Feestos kasoo dhex galay oo ku yiri, “Waad waalantahay Bawlos, aqoonta badan ayaa ku waalaysaa.”
25Markaas ayaa Bawlos uga jawaabay, “Ma waalni, Mudane Feestos, waxaan sheegayo waa run waana caqli gal. 26Boqorku wuu garanayaa waxyaalahan oo cabsi la’aan ayaan isaga ula hadlayaa. Waan ku qanacsanahay in waxyaalahan oo dhan si qarsoon uma dhicin. 27Boqor Agribbow, miyaad aaminsantahay nebiyada? Waan ogahay inaad aaminsantahay.”
28Markaas ayaa Agribba Bawlos ku yiri, “Ma waxaad u maleynaysaa inaad waqtigan yar gudihiisa iigu qancin kartid inaan noqdo masiixi?”
29Bawlos ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Waqti gaaban ama waqti dheer hanoqotee, waxaan maanta Illaahey ka baryayaa in qof walboo i dhageysanayo noqdo waxaan ahay, waxaan silsiladaan ka ahayn.”
30Markaas ayaa boqorkii, Taliye Feestos, Bernikee iyo qof walboo la jiray wada kaceen. 31Laakiin inteysan tagin ka hor ayey waxey isdhaheen, “Ninkan ma sameynin qalad ah oo lagu dilo ama wax xabsi lagu geliyo.”
32Agribbana wuxuu Feestos ku yiri, “Ninkan mar hore ayaa la soo dayn lahaa haddii uusan dhihi lahayn Kaysar ayaan u dacwoonayaa.”
Currently Selected:
Falimaha 26: EI
Highlight
Share
Compare
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.