Falimaha 24
24
Bawlos oo la hor keenay Feelikos
1Shan maalmood kadib ayaa Ananiyas wadaadkii sare wuxuu tagay Kaysariya isaga oo ey la socdaan odayaashii iyo nin garyaqaan ah oo la dhaho Tertullos, waxey u yimaadeen taliye Feelikos oo dacwadoodi ey Bawlos ka qabeen hor keeneen. 2Markaas ayaa Bawlos la wacay, oo Tertullos dacwadiisi u bilaabay isaga oo leh, “Waqti fiican oo nabad ah ayaan ku helnay dowladaada, fiiro dheeridaada darteed qarankeena isbadal weyn ayaa ka dhacay. 3Anagana meel walba iyo si walba ayaan mudane Feelikosow waxaad sameysay kuugu mahadcelinaynaa. 4Aniga oo aan waqti badan qaadanaynin ayaan waxaan kaa codsanayaa inaad si naxariis leh wax yar na dhageysatid.
5“Waxaan ogaanay ninkan inuu nin dhib wada yahay, rabshad ayuu ka kiciyay Yuhuudda dhexdeeda iyo aduunka oo dhan. Wuxuuna hogaamiyaa kooxdii Naasared 6oo wuxuu isku dayay inuu najaaseeyo macbadka, sidaa darteed anaguna waan qabanay. 7[Waxaana ku xukumi lahayn sharciga. Laakiin taliye Lusiyas intuu imaaday ayuu naga qaaday. Kadibna wuxuu bixiyay amar leh, kuwa isaga dacweynaya waa iney kuu imaadaan.]#24:7 Qoraallada qaar ma laha aayadda 7. 8Ninkan haddaad su’aashid adiga ayaaba ogaan doona runta ku saabsan waxa aan ku dacweynayno oo dhan.”
9Yuhuuddii kalana wey ka hadleen oo wey ku raaceen waxyaalahan iney run yihiin.
10Markaas ayaa taliyihii wacay Bawlos inuu hadlo, oo Bawlosna wuxuu yiri, “Waan ogahay sanado badan inaad qarankan xaakim u ahayd, sidaa darteed waan ku faraxsanahay inaan hortaada isku difaaco. 11Waad garan kartaa waayo, toban iyo laba berri ka hor ayaan Yeruusaalem u tagay inaan cibaadaysto darteed. 12Kuwan Yuhuudda ah oo i dacweynaya ma i arkin aniga oo macbadka dhexdiisa dadka kula doodaya, ama aniga oo rabshad dadka ka dhex kicinaya sunagogga dhaxdiisa ama meel kale. 13Xitaa ma kuu cadayn karaan dacwada ey igu haystaan. 14Sidoo kale, waxaan qiranayaa inaan caabudo Illaaha awoowayaasheen aniga oo raacsan jidka Ciise, kan ey dhahaan waa been. Waan aaminsanahay wax walboo sharciga Muuse ku jira xitaa kaasoo buugga nebiyada ku qoran. 15Waxaan rajo ka qabaa Illaahey sida iyagoo kale, oo waxaa jira sarakicidda kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahayn. 16Sidaa darteed waxaan mar walba ku dadaalaa in damiirkeygu nadiif ku ahaado Illaahey iyo dadka hortooda.
17“Muddo dheer ayaan ka maqnaa Yeruusaalem, oo waxaan u soo laabtay inaan dadkayga masaakiinta ah hadiyad u keeno iyo inaan allabari sameeyo. 18Aniga oo waxyaalahan sameynaya ayey iigu yimaadeen macbadka markaan dhameeyay dabaaldegga nadiifinta. Dad badanna ma ila joogin, rabshadna ma kicinin. 19Laakiin waxaa jirtay Yuhuud ka socotay gobolka Aasiya wey joogeen waqtigaas haddaan wax sameeyay wey iga dacwoonlahaayeen. 20Ama xitaa weydii kuwan halkan jooga. Wey kuu sheegi karaan in eysan wax dembi ah igu arkin markey i hor istaajiyeen shirkooda. 21Markaan maxkamadda ka dhex qayliyay maahee aniga oo leh, ‘Ma waxaad maanta igu xukumeysaan aniga inaan aaminsanahay kuwa dhintay in la sarakicin doono.’ ”
22Feelikos oo si fiican u garanayay jidka Rabbiga, ayaa intuu dacwadii soo xiray ayuu yiri, “Taliye Lusiyas markii uu yimaado ayaan go’aan gaari doonaa dacwadaadi.” 23Markaas ayuu boqol u taliyihii ku amray in askar Bawlos ilaaliso isaga oo aan xirneyn oo xitaa saaxibbadiis aan loo diidin iney u adeegaan.
24Dhowr maalmood kadib ayaa Feelikos la yimaaday xaaskiisa Darusilla oo ahayd Yuhuud. Bawlos ayuu u wacay oo wuu dhageystay isaga oo ka hadlaya in iimaan lagu qabo Ciise Masiix. 25Laakiin Bawlos goortuu ka hadlayay wax ku saabsan xaqnimada, is ilaalinta iyo maalinta xukunka ee soo socoto, ayaa Feelikos cabsaday oo ku yiri, “Haddaba iska bax. Waan kuu waci doonaa waqti markaan helo.” 26Markaas wuxuu rajeynayay in Bawlos lacag siiyo, sidaa darteed marar badan ayuu u waci jiray si uu ula hadlo.
27Laba sano kadib ayaa Borkiyos Feestos noqday Taliye oo booskii Feelikos galay. Laakiin Feelikos wuxuu rabay inuu asxaan u sameeyo Yuhuudda sidaa darteed ayuu Bawlos xabsiga ugu dhaafay.
Currently Selected:
Falimaha 24: EI
Highlight
Share
Compare
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.