YouVersion Logo
Search Icon

Falimaha 23

23
1Bawlos nimankii shirka ku jiray ayuu toos u fiiriyay oo ku yiri, “Walaalayaalow, damiir wanaagsan ayaan illaa maanta Illaahey ugu adeegayay.” 2Markaas ayaa wadaadkii sare ee Ananiyas ahaa amray kuwii Bawlos agtaagnaa iney afka ku dhuftaan. 3Kadibna Bawlos ayaa ku yiri, “Illaah ayaa kugu dhufan doono, idinkan labawejiilayaasha ah. Intaad halkaas fariisataan ayaad sharciga Muuse igu xukumeysaan, laakiin idinkana sharciga aad jabiseen markaad niman amarteen iney i dharbaaxaan!”
4Nimankii Bawlos agtaagnaa ayaa ku yiri, “Siddeed ugu dhacday inaad caaysid Illaahey wadaadkiisa sare!”
5Bawlosna wuxuu ku jawaabay, “Walaalayaalow, ma ogayn inuu yahay wadaadkii sare waayo waxaa qoran, ‘Waa in aadan wax xun ka sheegin taliyiha dadkaaga.’ ”
6Bawlos Markii uu arkay qaarkood iney yihiin Sadukiin kuwa kalana ey yihiin Farrisiin ayuu shirkii ka yiri, “Walaalayaalow, anigu waxaan ahay Farrisi, oo ah farrisiinta wiilkooda. Oo waxaa la igu xukumayaa rajada sarakicidda dhimashada.” 7Markii uu waxyaalahan dhahay ayaa Farrisiintii iyo Sadukiintii muran bilaabeen, oo shirkiina wuu kala qeybsamay. 8(Sadukiintii waxey leeyihiin sarakiciddu ma jirto, xitaa ma aaminsana malaa’igta ama ruuxda, laakiin Farrisiintu wey aaminsanyihiin waxyaalahan oo dhan.)
9Markaas ayaa waxaa dhacay buuq weyn, qaar ka mid ah macalimiinta sharciga Muuse oo Farrisiin ahaa ayaa intey kaceen ayey aad u murmeen. Waxey dheheen, “Waxba ku maan arkin ninkan, ma laga yaabaa in ruuxa ama malaa’igtu la hadashay?” 10Murankii wuu weynaaday oo taliyihii wuxuu ka cabsaday Bawlos in qeyb qeyb loo kala gooyo. Markaas ayuu askartii amray iney Bawlos xoog halkaas lagaga saaro oo illaa xerada la geeyo.
11Habeenkii ku xigay ayaa Rabbigu u muuqday Bawlos oo ku yiri, “Ha welwelin! Sidaad iigu marqaatifurtay Yeruusaalem, waa inaad igu marqaatifurtaa xitaa Rooma.”
Bawlos oo la dili rabay
12Maalintii ku xigtay ayaa Yuhuudda qaar intey isku yimaadeen ayey ballan ku wada galeen in eysan waxba cunin ama eysan cabin illaa ey ka dilaan Bawlos. 13Afartan qof ayaa isla sameeyay qorshahan. 14Kadibna waxey u tageen gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii oo waxey ku yiraahdeen, “Waxaan ka ballan qaadnay Illaah in aanan waxba cunin illaa aan ka dilno Bawlos. 15Haddaba adiga iyo qof walboo shirka joogay bal u taga taliyaha oo u sheega inuu Bawlos hortiina la keeno, oo iska dhiga inaad si fiican u baartaan dacwadiisa. Anaguna diyaar ayaan u nahay inaan dilno inta uusan weli halkaas gaarin.”
16Laakiin wiil Bawlos walaashiis dhashay ayaa maqlay qorshahoodi, markaas ayuu xeradii ciidanka aaday oo u sheegay Bawlos.
17Kadibna Bawlos mid askartii ka mid ah intuu u wacay ayuu ku yiri, “Wiilkan u gee taliyaha, wax ayuu rabaa inuu u sheego.” 18Askarigiina wuu kaxeeyay wiilkii oo u geeyay taliyihii.
Boqol u taliyihii ayaa yiri, “Bawloskii maxbuuska ahaa ayaa isoo diray oo igu yiri wiilkan u gee taliyaha waayo waxbuu rabaa inuu kuu sheego.”
19Taliyihii ayaa wiilkii intuu gacanta qabtay ayuu gees ula baxay oo weydiiyay, “Waa maxay waxaad ii sheegi rabtid?”
20Markaas ayuu wiilkii ku yiri, “Yuhuudda qaar ayaa waxey ku heshiiyeen iney kugu dhahaan berri Bawlos shirka horkeen oo ey iska dhigaan iney u baahanyihiin warka saxda ah ee ku saabsan isaga. 21Fadlan ha sameynin waxey ku dhahaan, waayo afartan qof ka badan ayaa sugaya iney isaga weeraraan. Waxey ballanqaadeen iney waxba cunin ama cabin illaa ey ka dilaan isaga. Diyaar ayey yihiin adiga ayey go’aan kaa sugayaan.”
22Ninkii taliyaha ahaa ayaa wiilka ku yiri, “Qofna ha u sheegin inaad waxyaalahan ii sheegtay.” Kadibna wiilkii ayuu diray.
Bawlos waxaa loo diray Taliye Feelikos
23Kadibna taliyihii wuxuu wacay laba askartiisa ah oo wuxuu ku yiri, “Diyaariya laba boqol oo askar ah, toddobaatan nin oo fardooley ah iyo laba boqol oo niman waranka qaada ah si ey u aadaan Kaysariya caawa saddex saac. 24Bawlosna waxaad u diyaarisaan faras si uu nabad ugu gaaro illaa Taliye Feelikos.”
25Taliyihii wuxuu qoray warqad dhahaysa,
26Kalawdiyos Lusiyas,
Taliyaha sharafta leh, Feelikos.
Waan ku salaamayaa.
27Ninkan Yuhuudda ayaa qabatay oo dili gaartay. Laakiin aniga iyo ciidankaygu waan soo badbaadinay, waayo waxaan ogaaday inuu yahay shacabka Rooma. 28Waxaan rabay inaan ogaado waxey ku haystaan, sidaa darteed waxaan hor keenay shirkoodi. 29Waxaan gartay waxey ku haystaan, waa su’aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin muusan sameynin waxyaalo u qalma in la dilo ama xabsi la geliyo. 30Markaan maqlay waxey ninka ku sameyn rabeen ayaan isla markii kuu soo diray. Kuwii isaga dacweynayay waxaan ku dhahay dacwadoodi ha kuu keenaan.
31Sidaa darteed askartiina amarkii ayey qaateen oo Bawlos ayey habeenkii kaxeeyeen illaa Antibatris. 32Maalintii ku xigtay ayey askartii laabteen oo waxey ku dhaafeen askartii fardooleyda ahayd iney sii kaxeeyaan intii yarayd ee safarka ka harsaneyd. 33Goortii ey yimaadeen Kaysariya, warqaddii ayey u dhiibeen Taliyihii oo Bawlosna isaga ayey ku wareejiyeen. 34Taliyihii intuu warqaddii akhriyay ayuu ku yiri Bawlos, gobolkeed ka timid. Markii uu gartay inuu ka socdo Kilikiya, 35ayuu ku yiri, “Dacwadaada waxaan dhageysan doonaa goortii kuwii ku dacweynayay halkan yimaadaan.” Kadibna amar ayuu ku bixiyay in Bawlos lagu waardiyeeyo qasrigii Herodos.

Currently Selected:

Falimaha 23: EI

Highlight

Share

Compare

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in