Feestosna wuxuu la joogay siddeed illaa toban maalmood kadibna wuxuu tagay Kaysariya. Maalintii ku xigtay intuu maxkamadda dhex fariistay ayuu amray in Bawlos la hor keeno. Goortii Bawlos maxkamaddii soo galay ayaa Yuhuuddii ka timid Yeruusaalem soo ag istaagtay iyagoo dacwado badan wata, laakiin wax cadayn ah kuma haynin.