1
MARKOS 4:39-40
KITAABKA QUDUUSKA AH
SOMBIBLE
Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday. Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn?
مقایسه
MARKOS 4:39-40 را جستجو کنید
2
MARKOS 4:41
Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?
MARKOS 4:41 را جستجو کنید
3
MARKOS 4:38
Isaguna wuxuu joogay xaggii dambe ee doonnida isagoo barkin ku hurda. Markaasay toosiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, miyaanay waxba kula ahayn inaynu lunno?
MARKOS 4:38 را جستجو کنید
4
MARKOS 4:24
Kolkaasuu ku yidhi, U fiirsada waxaad maqlaysaan; qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doona oo ayaa laydiin kordhin doonaa.
MARKOS 4:24 را جستجو کنید
5
MARKOS 4:26-27
Wuxuuna yidhi, Sidaa weeye boqortooyadii Ilaah, sida nin abuur dhulka ku daadsha. Isagu waa hurdaa, waana kacaa maalin iyo habeenba, oo abuurku waa baxaa oo weynaadaa, laakiin si ay tahay isagu garan maayo.
MARKOS 4:26-27 را جستجو کنید
6
MARKOS 4:23
Haddii nin leeyahay dhego uu wax ku maqlo ha maqlo.
MARKOS 4:23 را جستجو کنید