1
MATAYOS 7:7
KITAABKA QUDUUSKA AH
SOMBIBLE
Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa
مقایسه
MATAYOS 7:7 را جستجو کنید
2
MATAYOS 7:8
waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa.
MATAYOS 7:8 را جستجو کنید
3
MATAYOS 7:24
Haddaba qof kasta oo ereyadaydan maqla oo yeela, waxaa loo ekaysiinayaa nin caqli leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagaxa.
MATAYOS 7:24 را جستجو کنید
4
MATAYOS 7:12
Haddaba wax kasta oo aad doonaysaan in laydinku sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya; waayo, kanu waa sharcigii iyo nebiyadii.
MATAYOS 7:12 را جستجو کنید
5
MATAYOS 7:14
Waayo, iriddu waa cidhiidhsan tahay, jidkuna waa yar yahay kan xagga nolosha u kaca, kuwa helaana waa yar yihiin.
MATAYOS 7:14 را جستجو کنید
6
MATAYOS 7:13
Iridda cidhiidhsan ka gala, waayo, iriddu waa weyn tahay, jidkuna waa ballaadhan yahay kan xagga baabbi'idda u kaca, oo kuwa ka galaa waa badan yihiin.
MATAYOS 7:13 را جستجو کنید
7
MATAYOS 7:11
Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?
MATAYOS 7:11 را جستجو کنید
8
MATAYOS 7:1-2
Ninna ha xukumina inaan laydin xukumin. Waayo, xukunkii aad ku xukuntaan ayaa laydinku xukumi doonaa, oo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa.
MATAYOS 7:1-2 را جستجو کنید
9
MATAYOS 7:26
Qof kasta oo ereyadaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay.
MATAYOS 7:26 را جستجو کنید
10
MATAYOS 7:3-4
Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa? Sidee baad walaalkaa ugu odhan doontaa, I daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree; oo dogob baa ishaada ku jiree?
MATAYOS 7:3-4 را جستجو کنید
11
MATAYOS 7:15-16
Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa. Midhahooda ayaad ku garan doontaan. Canab ma laga guraa geed qodxan leh? Berdena ma laga guraa yamaarugga?
MATAYOS 7:15-16 را جستجو کنید
12
MATAYOS 7:17
Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa.
MATAYOS 7:17 را جستجو کنید
13
MATAYOS 7:18
Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo.
MATAYOS 7:18 را جستجو کنید
14
MATAYOS 7:19
Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa.
MATAYOS 7:19 را جستجو کنید