YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 77

77
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.
1Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa,
Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
2Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka,
Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan,
Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
3Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa,
Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)
4Indhahaygii waad soo jeedisay,
Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.
5Waxaan ka fikiray wakhtigii hore,
Iyo sannadihii waa hore ahaa.
6Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga,
Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga,
Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.
7Sayidku weligiisba ma i xoorayaa?
Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?
8Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba?
Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?
9Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan?
Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)
10Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda,
Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.
11Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa,
Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
12Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan,
Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
13Ilaahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah,
Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?
14Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya,
Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.
15Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay,
Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)
16Ilaahow, biyuhu way ku arkeen,
Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen,
Oo moolalkuna way gariireen.
17Daruuruhuna biyay soo daayeen,
Cirkuna wuxuu diray dhawaaq,
Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.
18Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta,
Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida,
Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.
19Jidkaaguna badduu dhex maray,
Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan,
Oo raadadkaagana lama aqoon.
20Dadkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale,
Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.

Currently Selected:

SABUURRADII 77: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy