YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 36

36
Kanu waa sabuur uu Daa'uud oo ahaa addoonkii Rabbiga u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
1Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa,
Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.
2Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin
Oo aan la nebcaanayn.
3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano,
Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.
4Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan,
Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn,
Oo weliba sharka ma naco.
5Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa,
Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
6Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah,
Oo xukummadaaduna waa mool dheer,
Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.
7Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa!
Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.
8Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga,
Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.
9Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa,
Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.
10Raxmaddaada ugu sii wad kuwa ku yaqaan,
Oo xaqnimadaadana kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman,
Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.
12Xumaanfalayaashu halkaasay ku dhaceen,
Iyaga hoos baa loo riday, oo mana ay kari doonaan inay mar dambe soo kacaan.

Currently Selected:

SABUURRADII 36: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy