YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 141

141
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso,
Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.
2Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay,
Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo.
3Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji,
Oo albaabka bushimahaygana dhawr.
4Qalbigayga ha u duwin wax shar ah,
Yaanu falimo xumaan ah la gelin
Dadka xumaanta ka shaqeeya,
Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.
5Kan xaqa ahu ha i dilo, raxmad bay ii ahaan doontaa,
Oo ha i canaanto, waxay ii noqon doontaa sida saliid madaxa lagu shubto,
Madaxayguna yaanu diidin,
Waayo, xataa intay sharkooda ku sii jiraan ayaan tukashadayda ka geesta ah sii wadaa.
6Xaakinnadoodii waxaa lagu tuuray dhagaxa dhinacyadiisa,
Oo iyagu waxay maqli doonaan erayadayda, waayo, way macaan yihiin.
7Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo
Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa.
8Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan,
Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.
9Iga dhawr dabinka ay ii dhigeen,
Iyo siriqda ay xumaanfalayaashu qooleen.
10Kuwa sharka lahu ha ku dhex dheceen shabagyadooda
Markaan anigu ka baxsado.

Currently Selected:

SABUURRADII 141: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy