YouVersion Logo
Search Icon

YOONIS 1

1
Yoonis Oo Ka Cararaya Rabbiga
1Haddaba waxaa Yoonis ina Amitay u yimid Eraygii Rabbiga oo sidan ku leh, 2Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo iyada ku qayli, waayo, sharkoodii wuxuu yimid hortayda. 3Laakiinse Yoonis wuxuu u kacay inuu Rabbiga hortiisa ka cararo oo xagga Tarshiish u baxsado. Markaasuu Yaafaa u dhaadhacay oo wuxuu halkaas ka helay doonni Tarshiish tegaysa. Sidaas daraaddeed lacagtii nooliguu bixiyey, kolkaasuu gudaha galay, waayo, wuxuu doonayay inuu iyaga Tarshiish u raaco oo uu ka cararo Rabbiga hortiisa.
4Laakiinse Rabbigu wuxuu baddii ku soo daayay dabayl weyn, kolkaasaa waxaa baddii ka dhex kacay duufaan xoog leh, doonnidiina waxay ku dhowaatay inay burburto. 5Markaasay raggii baxriyiinta ahaa aad u baqeen, oo mid waluba wuxuu u qayshaday ilaahiisii. Alaabtii doonnida ku jirtayna badday ku dhex tuureen, si ay doonnidu iyaga ugu fududaato. Laakiinse wuxuu Yoonis mar hore u dhaadhacay doonnida meesha ugu hoosaysa, oo halkaasuu seexday, wuxuuna ku jiray hurdo weyn. 6Haddaba waxaa isagii u yimid naakhudihii doonnida, oo ku yidhi, Hurdahayow, maxaad u jeeddaa? Kac oo Ilaahaaga u qayli, waaba intaasoo uu inaga fikiraa inaannan halligmine.
7Oo wuxuu midba midkii kale ku yidhi, Kaalaya aynu saami ridannee si aan u ogaanno kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Sidaas daraaddeed saami bay riteen, oo saamigiina wuxuu ku dhacay Yoonis. 8Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye noo sheeg kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Waa maxay shuqulkaagu? Oo xaggee baad ka timid? Waddankaagu waa kee? Dadkaaguna waa ayo? 9Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan ahay Cibraani, oo waxaan ka cabsadaa Rabbiga ah Ilaaha samada, oo ah Kan abuuray badda iyo berrigaba. 10Markaasay nimankii aad iyo aad u cabsadeen, oo ku yidhaahdeen, Waa maxay waxa aad samaysay? Waayo, waxay ogaadeen inuu Rabbiga hortiisa ka soo cararay, maxaa yeelay, isagaa u sheegay.
11Markaasay ku yidhaahdeen, Si baddu noogu degto aawadeed haddaba bal maxaannu kugu samaynaa? Waayo, badda duufaankeedii aad iyo aad buu u sii weynaaday. 12Oo isna wuxuu ku yidhi, Kor ii qaada oo badda igu dhex tuura, sidaasay baddu idiinku degi doontaaye, waayo, waxaan ogahay in duufaankan weynu daraadday idiinku soo kacay. 13Habase yeeshee nimankii aad bay seeb doonnidii ugu wadeen oo ugu dadaaleen inay xeebtii ku soo noqdaan, laakiinse way kari waayeen, maxaa yeelay, badda duufaankeedii oo ka gees ahaa aad iyo aad buu u sii weynaaday. 14Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbiyow, waannu ku baryaynaa, oo waannu ku baryaynaaye, yaannan u halligmin nolosha ninkan aawadeed, oo annaga ha na saarin dhiig aan xaq qabin, waayo, Rabbiyow, waxaad samaysay sidii aad ku faraxday. 15Sidaas daraaddeed Yoonis bay kor u qaadeen oo waxay ku dhex tuureen baddii, kolkaasay baddii joojisay cadhadeedii. 16Markaasay nimankii aad iyo aad Rabbiga uga cabsadeen, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabari, nidarrona way galeen.
17Oo Rabbigu wuxuu Yoonis u diyaariyey kalluun weyn oo isaga liqa; Yoonisna wuxuu kalluunka calooshiisii ku dhex jiray saddex habeen iyo saddex maalmood.

Currently Selected:

YOONIS 1: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy