YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 32

32
Eliihuu
1Markaasay saddexdaas nin iska daayeen inay Ayuub u jawaabaan, maxaa yeelay, isagu xaq buu isla ahaa. 2Markaas waxaa cadhooday Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus oo qoladiisu ahayd reer Raam, oo aad buu Ayuub ugu xanaaqay, maxaa yeelay, isagu xaq buu isu qaatay intuu Ilaah xaq u qaadan lahaa. 3Oo weliba wuxuu aad ugu cadhooday saddexdiisii saaxiib, maxaa yeelay, iyagu jawaab ma ay helin, ee weliba Ayuub way xukumeen. 4Haddaba Eliihuu inuu Ayuub la hadlo ayuu sugayay, maxaa yeelay, iyagu isaga way ka waaweynaayeen. 5Oo Eliihuu markuu arkay inaan jawaab afka saddexdaas nin lagu arag ayuu aad u cadhooday.
6Oo Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi,
Anigu waxaan ahay nin dhallinyar, idinkuse odayaal baad tihiin,
Sidaas daraaddeed ayaan dib isugu celiyey, oo aan ugu dhici waayay inaan ra'yigayga idiin caddeeyo.
7Waxaan is-idhi, Waxaa roon kuwa da'da waaweynu inay hadlaan,
Kuwa cimriga dheeruna inay xigmad na baraan.
8Laakiinse binu-aadmiga ruux baa ku jira,
Oo Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa ayaa iyaga waxgarasho siisa.
9Kuwa cimriga weynu ma aha kuwa xigmadda leh,
Odayaashuna ma aha kuwa garsooridda garta.
10Sidaas daraaddeed waxaan idin leeyahay, Bal i dhegaysta;
Aniguna ra'yigayga waan idiin caddaynayaa.
11Bal eega, erayadiinnii waan sugayay,
Oo xigmaddiinniina waan dhegaysanayay,
Intaad baadhbaadhayseen wixii aad odhan lahaydeen.
12Sida runta ah aad baan idiin dhegaysanayay,
Oo bal eega, laydinkuma arag mid Ayuub rumaysiiyey,
Amase mid erayadiisii uga jawaabay.
13Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay;
Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.
14Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin,
Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.
15Iyagii way yaabsan yihiin, oo mar dambena ma ay jawaabaan;
Oo wax ay ku yidhaahdaanna ma leh.
16Haddaba anigu miyaan u sii sugaa, hadalka ay waayeen daraaddiis,
Iyo istaagiddooda daraaddeed, oo ay mar dambe jawaabi waayeen?
17Haddaba aniguna qaybtayda waan ka jawaabayaa,
Oo ra'yigaygana waan caddaynayaa.
18Waayo, waxaa iga buuxa erayo;
Oo ruuxa gudahayga ku jira ayaa i qasba.
19Bal eega, calooshaydu waa sidii khamri sibraar ku jirta oo aan lahayn meelay ka neefsato,
Xataa sidii sibraarro ku dhow inay qarxaan.
20Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado;
Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.
21Waan idin baryayaaye, yaanan ninna u eexan,
Oo weliba ninna u bixin maayo magacyo faanid ah.
22Waayo, anigu ma aan aqaan si loo bixiyo magacyo faanid ah,
Haddii kalese Kii i sameeyey ayaa haddiiba i qaadi lahaa.

Currently Selected:

AYUUB 32: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy