YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 3

3
Hadalkii Ayuub
1Markaas dabadeed Ayuub intuu afkiisa furay ayuu habaaray maalintii uu dhashay. 2Oo Ayuub intuu hadal bilaabay ayuu yidhi:
3Dharaartii aan dhashay ha baabba'do
Iyo habeenkii la yidhi, Wiil baa calool galay.
4Maalintaasu gudcur ha ahaato;
Oo Ilaah yuusan iyada xagga sare kaga fiirsan,
Oo nuurkuna yuusan iftiimin.
5Gudcur iyo hooska dhimashadu iyada mulki ha ka dhigteen.
Daruuru ha ku degto,
Oo wixii maalin madoobeeya oo dhammu ha cabsiiyeen.
6Oo habeenkaasna gudcur weynu ha qabsado,
Oo ayaamaha sannadda yuusan ka dhex rayrayn.
Oo yuusan soo dhex gelin bilaha tiradooda.
7Bal eeg, habeenkaasu cidla ha noqdo;
Oo cod faraxsan yaanu ka dhex yeedhin.
8Oo isaga ha habaareen kuwa maalinta habaaraa,
Oo kicin kara bahalka la yidhaahdo Lewiiyaataan.
9Fiidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen,
Iftiin ha doondoono oo yuusan helin;
Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.
10Maxaa yeelay, isagu ma uu awdin irdihii maxalka hooyaday,
Oo indhahaygana dhib kama uu qarin.
11Bal maxaan u dhiman waayay markaan uurka ka soo baxay?
Oo maxaa naftu iiga bixi weyday isla markaan caloosha ka soo baxay?
12Bal jilbuhu maxay ii aqbaleen?
Amase naasuhu inaan nuugo?
13Waayo, hadda xasilloonaan baan ku jiifi lahaa;
Oo waan iska seexan lahaa, oo waan nasan lahaa,
14Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida
Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,
15Iyo amiirradii dahabka lahaan jiray,
Oo guryahooda lacagta ka buuxsaday;
16Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay?
Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?
17Halkaas kuwa sharka ahu cidna kuma sii dhibaan,
Oo kuwa daallanuna halkaasay ku nastaan.
18Maxaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan,
Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa.
19Yar iyo weynba halkaasaa la wada joogaa,
Oo addoonkuna sayidkiisa waa ka xor.
20Bal iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan?
Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,
21Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn,
Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,
22Kuwaasoo aad u reyreeya,
Oo farxa hadday qabriga heli karaan?
23Bal maxaa iftiin loo siiyaa nin jidkiisu qarsoon yahay,
Oo Ilaah deyr ku wareejiyey?
24Waayo, intaanan wax cunin ayaan taahaa,
Oo cabaadkayguna wuxuu u shubmaa sida biyo oo kale.
25Waayo, hadba wixii aan ka cabsado ayaa igu soo dega,
Oo wixii aan ka baqo ayaa ii yimaada.
26Ma aan istareexsani, mana aan xasillooni, mana aan nasto;
Laakiinse hadba dhibaato baa ii timaada.

Currently Selected:

AYUUB 3: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy