YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 14

14
1Ninkii naagu dhashaba
Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.
2Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa,
Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.
3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa?
Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?
4Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara?
Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.
5Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya,
Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin.
6Bal ha nastee isaga ka sii jeeso,
Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto.
7Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo,
Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.
8In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo,
Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,
9Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa,
Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.
10Laakiinse ninku wuu dhintaa, wuuna iska baabba'aa,
Oo ninka naftu waa ka dhacdaa, oo bal xaggee buu joogaa isagu?
11Biyuhu badda way ka dhammaadaan,
Oo webiguna waa gudhaa oo waa iska engegaa,
12Sidaas oo kalaa dadku u jiifsada oo mana uu kaco,
Oo jeeray samooyinku wada baabba'aan iyagu sooma toosi doonaan,
Oo hurdadoodana kama kici doonaan.
13Hahe bal maad She'ool igu qarisid,
Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto,
Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!
14Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa?
Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa
Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.
15Waad ii yeedhi lahayd, oo anna waan kuu jawaabi lahaa;
Oo adna waxaa damac kaa geli lahaa shuqulkii gacmahaaga.
16Laakiinse haatan waad tirisaa tallaabooyinkayga,
Balse miyaadan dembigayga isha ku hayn?
17Xadgudubkaygii kolay baa lagu xidhay,
Oo xumaantaydiina meel baad ku dhuujisay.
18Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa,
Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.
19Biyuhu dhagaxyaday lisaan,
Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka,
Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.
20Weligaaba waad ka adkaataa isaga, oo isna wuu iska baxaa,
Oo jaahiisa waad beddeshaa, oo waad iska dirtaa isaga.
21Wiilashiisa waa la sharfaa, laakiinse isagu waxba kama oga;
Oo haddana hoos baa loo ridaa, laakiinse isagu waxba kama garto iyaga.
22Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa,
Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.

Currently Selected:

AYUUB 14: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy