YouVersion Logo
Search Icon

ISHACYAAH 33

33
Saxariir Iyo Gargaar
1Adaa iska hoogay, kaaga wax dhaca oo aan adiga wax lagaa dhicin oo wax khiyaaneeya oo aan adiga lagu khiyaanayn. Markaad waxdhicidda joojisid ayaa adiga wax lagaa dhici doonaa, oo markaad waxkhiyaanaynta joojisid ayaa adiga lagu khiyaanayn doonaa. 2Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo. 3Buuqa gurdanka ayaa dadyowgii ka carareen, oo sarajoogsigaaga ayay quruumihii la kala firdheen. 4Oo boolidiinna waxaa loo soo urursan doonaa sida diirtu wax u urursato oo kale, oo waxaa loogu boodi doonaa sida ayaxu ugu boodboodo oo kale. 5Rabbigu wuu sarreeyaa, waayo, meel saruu joogaa, oo wuxuu Siyoon ka buuxiyey caddaalad iyo xaqnimo. 6Oo wakhtigaaguna wuxuu ahaan doonaa ammaan, iyo badbaado, iyo xigmad, iyo aqoon miidhan, oo cabsida Rabbiguna waxay tahay khasnaddiisa.
7Bal eega, kuwoodii xoogga badnaa dibadday ka qaylinayaan, oo ergooyinkii nabadduna si qadhaadh bay u ooyayaan. 8Jidadkii waaweynaa way baabba'san yihiin, oo dadkii mari jirayna way ka joogsadeen. Isagu axdigii wuu jebiyey, oo magaalooyinkiina wuu quudhsaday, oo ninna dan kama galo. 9Dalku waa barooranayaa, waana taag gabayaa, Lubnaan way ceebowday, oo way engegtay, Shaaroon waa sida lamadegaan oo kale, oo Baashaan iyo Karmelna caleentii bay daadinayaan. 10Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadda waan kacayaa, hadda kor baan isu qaadayaa, oo hadda waan sara marayaa. 11Waxaad uuraysan doontaan buunshe, oo waxaad dhali doontaan xaab, oo neeftiinnuna waa dab idin baabbi'in doona. 12Oo dadkuna wuxuu noqon doonaa sida nuurad la shiday, iyo sida qodxan la jaray oo dab lagu gubay.
13Kuwiinna fogow, waxaan sameeyey maqla, oo kuwiinna dhowow, xooggayga aqoonsada. 14Dembilayaasha Siyoon dhex jooga way cabsanayaan, oo cibaadalaawayaashuna cabsi bay la gariirayaan, bal keennee baa dabkan wax gubaya dhex joogi doona? Oo keennee baa gubasho weligeed ah dhex joogi doona? 15Kii si xaqnimo ah u socda, oo si qumman u hadla, oo faa'iidada dulmiga quudhsada, kii laaluush qaadashadiis ka gacmo jafjafta, oo maqlidda dhiigdaadinta dhegihiisa ka furaysta, oo indhihiisana isku qabsada si uusan wax shar ah u arag, 16kaasu wuxuu fadhiyi doonaa meel sare, oo gabbaadkiisuna wuxuu noqon doonaa dhufays dhagaxyo ah, oo cuntadiisa baa la siin doonaa, oo biyihiisuna waxay ahaan doonaan kuwa la hubo. 17Indhahaagu waxay arki doonaan Boqorka oo quruxdiisa huwan, oo waxay arki doonaan dhul ilaa meel fog kala baxsan. 18Qalbigaagu wuxuu ka fikiri doonaa cabsida. Meeh karraanigii wax tirin jiray? Oo meeh kii baadda miisaami jiray? Oo meeh kii munaaradaha tirin jiray? 19Mar dambe ma aad arki doontid dadka cadhada kulul, ee uusan hadalkoodu kuu dhicin, oo leh af qalaad oo aadan innaba garan karin. 20Bal eeg Siyoon oo ah magaaladii iidaheenna. Indhahaagu waxay arki doonaan Yeruusaalem oo ah rug xasilloon, iyo teendho aan la qaadi doonin, oo aan dhidbeheedana weligood la rujin doonin, oo aan xadhkeheeduna go'i doonin. 21Laakiinse Rabbiga haybadda badanu wuxuu halkaas inoogu noqon doonaa meel webiyo ballaadhan iyo durdurro leh, oo ayan huuriyo seeb lahu mari doonin, oo aan doonniyaha waaweynuna dhaafi doonin. 22Waayo, Rabbigu waa xaakinkeenna, oo Rabbigu waa taliyaheenna, oo Rabbigu waa boqorkeenna wuuna ina badbaadin doonaa. 23Xadhkihii way dabceen, oo salka daqalkiina lama xoojin karin, shiraaqiina lama kala fidin karin, markaasaa waxaa la qaybsaday booli badan, oo curyaankuna wixii la dhacay buu qaatay. 24Oo kan halkaas deggan ma odhan doono, Waan bukaa, oo dadka dhexdeeda degganna xumaantooda waa laga cafiyi doonaa.

Currently Selected:

ISHACYAAH 33: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy