Rooma 7
7
Ka xorowga sharciga
1Walaalayaalow waad garaneysaan in sharcigu qabto dadka nool oo kaliya. 2Tusaale ahaan, sharcigu wuxuu leeyahay naagtu waxey ku xirantahay ninkeeda intuu nool yahay. Laakiin hadduu dhinto waxey ka xoroobeysaa sharcigii ninkeeda ku xirayay. 3Haddaba intuu ninkeedu nool yahay, haddey nin kale guursato waxey noqoneysaa mid sineysatay. Laakiin hadduu ninkeedu dhinto, sharcigii ninkeeda ku xirayay wey ka xorowday, sinana ma aha haddey nin kale guursato.
4Haddaba walaalayaalow waxaad awoodda sharciga ka dhimateen markaad Ciise jirkiisa la dhimateen. Haddana waxaad la midowdeen Masiixa kaasoo dhimashada ka sarakacay, si aan Illaahey ugu adeegno. 5Markii uu jirkeenu na maamulayay, damacyadii dembiga ee sharcigu ka yimid ayaa naga dhex shaqeynayay, si aan u bixino miraha dhimashada. 6Laakiin hadda waan ka xorownay sharciga, waxaanna nahay sidii kuwo dhintay sharciguna awood korkeena kuma laha. Hadda Illaahey waxaan ugu adeegi karnaa wadadan cusub ee ah inaan adeecno Ruuxdiisa, mana aha wadadii hore ee ahayd inaan adeecno sharci qoran.
Sharciga iyo dembiga
7Haddaba ma waxaan dhaheynaa sharcigu waa shar? Maya lagama yaabo! Haddii uusan sharcigu jiri lahayn, ma aanan ogaadeen dembigu wuxuu yahay. Tusaale ahaan ma aanan ogaadeen waxey tahay rabitaanka wax qof kale leeyahay, hadduusan sharcigu i dhihi lahayn “Dadka kale waxooda ha damcin.” 8Dembiga oo adeegsanaya amarkan ayaa iga buuxiyay damac badan oo aan u qabo waxa dadka kale leeyihiin. Laakiin sharciga la’aantiis, dembigu awood ma laha. 9Inta aanan sharciga maqlin ka hor waan noolaa. Laakiin markaan amarkaas maqlay dembiga wuu noolaaday aniguna waan dhintay. 10Waxaan ogaaday amarkii nolosha ii keeni lahaa inuu ii keenay dhimasho. 11Waayo dembiga oo adeegsanaya fursada uu amarkan siiyay ayaa i khiyaanay iguna hagay dhimasho. 12Sidaas oo ey tahay, sharcigu waa quduus, amaraduna waa quduus, waana xaq weyna wanaagsan yihiin.
13Laakiin sidee ayey ku dhici kartaa? Ma waxaan leeyahay sharcigoo wax wanaagsan ah ayaa dhimasho ii keenay? Maya lagama yaabo! Dembiga ayaa dhimasho ii keenay isaga oo isticmaalaya wax wanaagsan. Haddaba waan arki karnaa sida uu dembigu u xunyahay.
14Waan ognahay in sharcigu ruuxi yahay, laakiin anigu waxaan ahay binu aadan dembiga adoon u ah. 15Xaqiiqdii ma fahmo waxyaalaha aan sameeyo. Waayo waxa aan rabo inaan sameeyo ma sameeyo, laakiin waxa aanan rabin inaan sameeyo ayaan sameeyaa. 16Inkastoo aanan sameynin waxa aan ogahay iney wanaagsan yihiin, waan ogolahay in sharcigu wanaagsan yahay. 17Haddaba aniga ma aha midka sameynaya waxyaalaha sharta leh, laakiin waa dembiga igu dhex nool. 18Waayo waan ogahay in uusan wanaag igu jirin waana dabcigeyga. Waayo waxaan rabaa inaan wax wanaagsan sameeyo, laakiin ma awoodo. 19Intaan wax wanaagsan sameyn lahaa waxaan sameeyaa waxa xun. 20Haddaba haddaan sameeyo waxa aanan rabin, aniga ma aha qofka sameynaya, laakiin dembiga igu dhex nool ayaa sameynaya.
21Sharcigu wuxuu i tusay in sharta igu dhex jirtaa ey iga celineyso inaan sameeyo waxa wanaagsan. 22Waayo sharciga Illaahey qalbigeyga oo dhan ayaan ka jeclahay. 23Laakiin sharci kale ayaa iga dhex shaqeynaya, kaasoo la dagaalamaya caqligeyga adoonna iiga dhigaya dembiga igu dhex nool. 24Alla maxaan qof xun ahay. Yaa iga furanaya jirkan ku xukuman dhimashada? 25Waxaa mahad leh Illaahey, kaasoo igu furtay Sayidkeena Ciise Masiix!
Haddaba caqligeygu wuxuu adoon u yahay sharciga Illaahey, laakiin jirkeyga wuxuu adoon u yahay sharciga dembiga.
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.