1
MAAHMAAHYADII 11:25
Kitaabka Quduuska Ah
SOM08
Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa, Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.
Compare
Explore MAAHMAAHYADII 11:25
2
MAAHMAAHYADII 11:24
Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada; Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba.
Explore MAAHMAAHYADII 11:24
3
MAAHMAAHYADII 11:2
Markuu kibir yimaado, waxaa timaada ceeb; Laakiinse xigmaddu waxay la jirtaa kuwa is-hoosaysiiya.
Explore MAAHMAAHYADII 11:2
4
MAAHMAAHYADII 11:14
Markaanay talo jirin, dadku waa dhacaa, Laakiinse taliyayaasha badnaantoodu waxay leedahay nabadgelyo.
Explore MAAHMAAHYADII 11:14
5
MAAHMAAHYADII 11:30
Kan xaqa ah midhihiisu waa geed nololeed, Oo kii nafo soo hanuuniyaana caqli buu leeyahay.
Explore MAAHMAAHYADII 11:30
6
MAAHMAAHYADII 11:13
Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Laakiinse kii ruuxiisu aamin yahay xaalkuu qariyaa.
Explore MAAHMAAHYADII 11:13
7
MAAHMAAHYADII 11:17
Ninkii naxariis badanu naftiisuu wanaag u sameeyaa, Laakiinse kii aan naxariis lahaynu jidhkiisuu dhibaa.
Explore MAAHMAAHYADII 11:17
8
MAAHMAAHYADII 11:28
Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.
Explore MAAHMAAHYADII 11:28
9
MAAHMAAHYADII 11:4
Maalinta cadhada maal faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
Explore MAAHMAAHYADII 11:4
10
MAAHMAAHYADII 11:3
Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.
Explore MAAHMAAHYADII 11:3
11
MAAHMAAHYADII 11:22
Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.
Explore MAAHMAAHYADII 11:22
12
MAAHMAAHYADII 11:1
Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa, Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa.
Explore MAAHMAAHYADII 11:1
Home
Bible
Plans
Videos