Riyada iyo muujinta habeennimo,
Markii hurdo weynu dadka ku soo degto,
Oo sariirta lagu gam'o,
Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa,
Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,
Si uu dadka uga soo celiyo qasdigooda xun,
Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo,
Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yamayska,
Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta.