YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 88

88
Kanu waa sabuur gabay ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Maxalad Lecannod. Oo waa Maskiil tacliin ah oo Heemaankii reer Cesraax.
1Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow,
Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,
2Baryootankaygu hortaada ha yimaado,
Oo qayladayda dhegta u dhig,
3Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin,
Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool.
4Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yamayska,
Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn,
5Oo meydadka lagu dhex tuuray,
Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal,
Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn,
Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go'ay.
6Waxaad igu ridday yamayska ugu hooseeya,
Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.
7Cadhadaadii baa igu soo degtay,
Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)
8Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay,
Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda.
Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
9Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed,
Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay,
Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.
10Ma yaabab baad tusaysaa meydadka?
Kuwii dhintay miyey soo sara kacayaan oo ku ammaanayaan? (Selaah)
11Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa?
Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?
12Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa?
Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?
13Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday,
Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.
14Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa?
Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?
15Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba,
Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.
16Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay,
Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.
17Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale,
Dhammaantood way i wada hareereeyeen.
18Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay,
Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay.

Currently Selected:

SABUURRADII 88: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy