YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 124

124
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
1Haddaan Rabbigu inala jirin
Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
2Haddaan Rabbigu inala jirin,
Markii dadku inagu kacay,
3Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen,
Markay aad inoogu cadhoodeen,
4Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen,
Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
5Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
6Waxaa mahad leh Rabbiga
Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
7Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha,
Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.
8Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga
Sameeyey samada iyo dhulkaba.

Currently Selected:

SABUURRADII 124: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy