YouVersion Logo
Search Icon

MATAYOS 20

20
Masaalka Ku Saabsan Shaqaalayaasha Beerta Canabka Ah
1Boqortooyada jannada waxay u eg tahay nin oday reer u ah oo aroortii hore baxay inuu shaqaalayaal u kireeyo beertiisa canabka ah. 2Oo goortuu shaqaalayaal maalintii kula heshiiyey dinaar, ayuu beertiisii canabka ahayd u diray iyagii. 3Oo saacaddii saddexaad ayuu baxay, oo wuxuu arkay qaar kale oo suuqa shuqulla'aan la taagtaagan, 4oo wuxuu kuwaas ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga oo wixii xaq ah ayaan idin siin doonaa. Wayna tageen. 5Haddana saacaddii lixaad iyo saacaddii sagaalaad wuu baxay oo sidaas oo kale ayuu sameeyey. 6Saacaddii koob iyo tobnaad intuu baxay wuxuu arkay qaar kale oo taagtaagan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad maalintii oo dhan halkan shuqulla'aan ula taagtaagan tihiin? 7Waxay ku yidhaahdeen Maxaa yeelay, cidna nama kiraysan. Wuxuu ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga.
8Goortii makhribkii la gaadhay, sayidkii beertii canabka ahayd ayaa wakiilkiisii ku yidhi, Shaqaalayaasha u yeedh oo mushahaaradooda sii, oo waxaad ka bilowdaa kuwii ugu dambeeyey ilaa kuwii ugu horreeyey. 9Goortay yimaadeen, kuwii saacaddii koob iyo tobnaad baxay, waxay wada heleen dinaar dinaar. 10Kuwii hore goortay yimaadeen waxay u malaynayeen inay wax ka badan helayaan, iyaguna sidaas oo kale dinaar dinaar bay heleen. 11Oo intay qaadanayeen ayay odaygii reerka ku gunuunaceen, 12oo waxay ku yidhaahdeen, Kuwan dambeeyey waxay shaqeeyeen saacad keliya, oo waad nagala mid dhigtay annagoo sidnay shaqadii cuslayd ee maalinta iyo kulaylkii. 13Laakiin wuu u jawaabay oo midkood ku yidhi, Saaxiibow, xumaan kuguma aan samayn. Sow dinaar igulama heshiin? 14Waxaaga qaado oo tag. Waxaan doonayaa inaan kan ugu dambeeya siiyo intaan ku siiyey oo kale. 15Miyaynan igu hagaagsanayn inaan waxayga ku sameeyo wixii aan doonayo? Ma waxaase ishaadu u xun tahay wanaagsanaantayda aawadeed? 16Sidaasay kuwa dambe u horrayn doonaan, kuwa horena u dambayn doonaan. Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.
Mar Saddexaad Ayaa Ciise Sii Sheegay Dhimashadiisa
(Mar. 10:32-34; Luuk. 18:31-34)
17Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi, 18Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanahana waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho. 19Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn inay ku kajamaan oo karbaashaan oo iskutallaabta ku qodbaan. Maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa.
Waxaa La Weyddiistay Derejada Dunida
(Mar. 10:35-40)
20Markaasaa waxaa u timid wiilashii Sebedi hooyadood iyadoo wadata wiilasheedii, wayna u sujuudday oo wax ka bariday. 21Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan. 22Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. 23Wuxuu ku yidhi, Runtii koobkayga waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu malihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa Aabbahay u diyaargareeyey.
Weynaanta Runta Ah
(Mar. 10:41-45)
24Tobankii goortay taas maqleen ayay labadii walaalaha ahayd u cadhoodeen. 25Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in quruumaha madaxdoodu ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin. 26Laakiin sidaasu dhexdiinna ahaan mayso, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado, 27oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, addoonkiinna waa inuu ahaado, 28sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.
Ciise Wuxuu Bogsiiyey Laba Nin Oo Indhala'
(Mar. 10:46-52; Luuk. 18:35-43)
29Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan. 30Oo laba nin oo indha la' ayaa jidka ag fadhiyey, oo goortay maqleen in Ciise ag marayo ayay qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso. 31Dadkii badnaa ayaa canaantay si ay u aamusaan, laakiin si ka badan ayay u qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso. 32Markaasaa Ciise joogsaday, oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo? 33Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, in indhuhu noo furmaan ayaannu doonaynaa. 34Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.

Currently Selected:

MATAYOS 20: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy