YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 7

7
1War sow hawl diyaar uma aha binu-aadmiga dhulka jooga?
Sowse maalmihiisu ma aha sida kuwa shaqaale oo kale?
2Sida addoon hoos u xiisooda,
Iyo sida shaqaale mushahaaradiisa filanaya,
3Sidaasoo kale waxaa lay siiyaa bilo aan waxtar lahayn,
Oo waxaa lay siiyaa habeenno daal badan.
4Haddaba markaan jiifsado waxaan idhaahdaa,
Bal goormaan kici doonaa? Laakiinse habeenku waa dheer yahay
Oo tan iyo waaberiga waan rogrogmadaa.
5Jidhkaygii waxaa ku dedan dirxiyo iyo qolfo ciid ah,
Haddaba dubkaygu waa isqabsadaa dabadeedna wuu sii dillaacaa.
6Cimrigaygu waa ka dheereeyaa dungudbiyaha dharsameeyaha,
Oo rajola'aan baan ku noolahay.
7Bal xusuusta in noloshaydu tahay dabayl uun,
Ishayduna mar dambe samaan ma arki doonto.
8Kii i fiiriya ishiisu mar dambe ima arki doonto,
Indhahaagu way i fiirin doonaan, laakiinse anigu ma jiri doono.
9Sida daruurtu ay u libidho oo ay u baabba'do,
Sidaasoo kale ayaa kii She'ool hoos u galaa uusan mar dambe kor uga soo noqonayn.
10Isagu mar dambe gurigiisii kuma soo noqon doono,
Oo meeshiisiina mar dambe ma ay aqoon doonto.
11Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo;
Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga,
Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.
12War anigu ma bad baan ahay, mase nibiriga badda,
Bal maxaad ii daawanaysaa?
13Markaan idhaahdo, Sariirtaydaa ii raxayn doonta,
Oo gogoshaydaa cabatinkayga iga sahali doonta,
14Ayaad riyooyin igu bajisaa,
Oo waxaad igu cabsiisaa muuqashooyin.
15Sidaas daraaddeed naftaydu waxay lafahayga ka doorataa
Ceejin iyo geeri.
16Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado;
War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale.
17Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa,
Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?
18Bal maxaad subax kasta u soo booqanaysaa,
Oo aad daqiiqad kasta u tijaabinaysaa?
19Bal ilaa goormaadan iga sii jeesanayn,
Oo aadan iska kay daynayn intaan candhuuftayda liqayo?
20Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow?
Bal maxaad iiga dhigatay calaamad,
Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?
21Oo bal maxaad xadgudubkayga iiga saamaxi weyday? Oo dembigaygana maxaad iiga fogayn weyday?
Waayo, haatan ciiddaan ku dhex jiifsan doonaa,
Aad baadna ii doondooni doontaa, laakiinse siima aan jiri doono.

Currently Selected:

AYUUB 7: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy