YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 41

41
1War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun
ku soo bixin kartaa?
Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa?
2Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa?
Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa?
3Isagu ma aad buu kuu baryi doonaa?
Mase hadal macaan buu kugula hadli doonaa?
4Ma axdi buu kula dhigan doonaa,
Si aad addoon uga dhigatid weligiisba?
5Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale?
Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa?
6Kalluumaystayaashu miyey isaga iibin doonaan?
Mase baayacmushtariyaasha bay u qaybin doonaan?
7Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa?
Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa?
8Gacantaada isaga kor saar,
Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid!
9Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh,
Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo?
10Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo,
Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?
11Bal yaa hore wax ii siiyey oo aan haatan u celiyaa?
Waxa samada ka hooseeya oo dhan anigaa leh.
12Anigu ka aamusi maayo waxa ku saabsan addimmadiisa,
Ama itaalkiisa xoogga leh, ama jidhkiisa quruxda badan.
13Haddaba bal yaa dharkiisa kore ka furan kara?
Oo bal yaa gowsihiisa soo geli kara?
14Bal yaa albaabbada wejigiisa furi kara?
Ilkihiisa aad baa looga cabsadaa.
15Qolfihiisa adag waa wuxuu ku kibro,
Oo waxay isugu wada xidhan yihiin sida wax shaabad lagu adkeeyo.
16Midba midda kale way ku dhow dahay,
Oo innaba dabaylu dhexdooda kama dusi karto.
17Middoodba midda kale way haysataa,
Oo way isku wada dheggan yihiin, oo innaba lama kala fujin karo.
18Hindhisooyinkiisa waxaa ka soo widhwidha iftiin,
Oo indhihiisuna waa sidii kaaha waaberiga.
19Afkiisa waxaa ka soo baxa wax ololaya,
Oo waxaa ka soo duula dhimbiilo dab ah.
20Dulalka sankiisa qiiq baa ka soo baxa
Sida dheri karaya iyo cawsduur ololaya.
21Neeftiisu dhuxulay shiddaa,
Oo olol baa afkiisa ka soo baxa.
22Luquntiisu xoog bay leedahay,
Oo cabsina hortiisay ku booddaa.
23Duudduubyada jidhkiisu way isku wada dheggan yihiin,
Wayna ku adag yihiin oo innaba lama dhaqaajin karo.
24Qalbigiisu wuxuu u adag yahay sida dhagax oo kale,
Hubaal wuxuu u adag yahay sida dhagaxa shiidka ee hoose.
25Markuu sara joogsado ayay kuwa xoogga badanu baqaan,
Oo naxdin daraaddeed ayay la waashaan.
26In kastoo lagula kaco seef,
Iyo waran, iyo fallaadh, iyo hoto, kolleyba waxba kama tari karaan.
27Isagu birta wuxuu ku tiriyaa sida caws engegan oo kale,
Naxaastana wuxuu ku tiriyaa sida qori bololay.
28Fallaadhu isaga ma eryi karto,
Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale.
29Budhadhkuna waxay isaga la yihiin sidii xaab oo kale,
Oo hotada ruxmashadeedana wuu ku qoslaa.
30Boggiisa hoose waa sida dheryo burburradooda afaysan,
Oo wuxuu dhoobada ugu kor dhaqaaqaa sida gaadhi hadhuudh lagu tumo.
31Isagu moolkuu u kariyaa sidii dheri oo kale,
Oo baddana wuxuu ka dhigaa sida weel cadar ku jiro oo kale.
32Xaggiisa dambe wuxuu noqdaa jid wax ka iftiimo,
Oo moolkana waxaa loo maleeyaa sidii cirro oo kale.
33Dhulka ma joogo mid sidiisa oo kale,
Oo cabsila'aan la abuuray.
34Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan,
Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.

Currently Selected:

AYUUB 41: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy