YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 10

10
1Naftaydu noloshadayday la daallan tahay,
Oo joojinla'aan waan ku sii caban doonaa,
Oo qadhaadhka naftayda waan ku hadli doonaa.
2Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine.
Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.
3Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid
Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada,
Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?
4Ma waxaad leedahay indho binu-aadmi,
Mase sida dadkaad wax u aragtaa?
5Wakhtigaagu ma sida wakhtiga dadkoo kalaa?
Cimrigaaguse ma sida cimriga dadkoo kalaa?
6Oo bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa,
Oo aad dembigayga u baadhaysaa,
7In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn,
Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?
8Gacmahaaga ayaa i qabanqaabiyey oo i dhisay dhammaantay,
Laakiin haddana intaad igu soo jeesato ayaad i duminaysaa.
9Bal xusuuso waan ku baryayaaye inaad ii dhoobtay sidii wax dhoobo laga sameeyey,
Haddaba ma boodhkaad dib iigu celinaysaa?
10War sow sidii caano iima aadan daadin,
Oo sidii gadhoodh oo kale sow iigama aadan dhigin?
11Waxaad i huwisay harag iyo hilib,
Oo waxaad dhammaantay igu dhistay lafo iyo seedo.
12Waxaad i siisay nolol iyo raallinimo,
Oo booqashadaadiina waxay xannaanaysay ruuxayga.
13Laakiin waxyaalahaas qalbigaaga waad ku qarisay;
Oo waan ogahay in taasu ay kugu jirto.
14Haddaan dembaabo waad iska kay fiirsataa,
Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.
15Haddaan sharrow ahay, anaa iska hoogay,
Oo haddaan xaq ahayna, innaba madaxayga kor u qaadi maayo
Anigoo ceeb ka buuxa
Oo dhibaatadayda fiirinaya.
16Oo haddii madaxaygu kor isu qaadona, waxaad ii ugaadhsataa sida libaax oo kale,
Oo haddana wax laga yaabo ayaad igu samaysaa.
17Waxaad ii keensataa markhaatiyaal cusub,
Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa,
Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.
18Bal maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday?
Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!
19Waxaa igu habboonaan lahayd inaan ahaado sidii wax aan jirin,
Oo waxaa ii roonaan lahayd in qabriga la ii qaado isla markii aan uurka hooyaday ka soo baxay.
20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa
Oo i dhaaf, aan in yar nastee,
21Intaanan tegin meesha aanan ka soo noqonayn,
Oo ah dalka gudcur iyo hooska dhimashada,
22Kaasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah,
Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn,
Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.

Currently Selected:

AYUUB 10: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy