YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 54

54
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii ay reer Sif Saa'uul u yimaadeen oo ay ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu dhuumasho noo dhex joogin? Waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
1Ilaahow, magacaaga igu badbaadi,
Oo xooggaaga iigu garsoor.
2Ilaahow, baryadayda maqal,
Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
3Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay,
Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan,
Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)
4Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga,
Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.
5Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda,
Iyaga runtaada ku baabbi'i.
6Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah,
Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.
7Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan,
Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.

Currently Selected:

SABUURRADII 54: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy