YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 4

4
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
1Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal,
Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay,
Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
2Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa?
Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan?
Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)
3Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh,
Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga.
4Cadhooda oo ha dembaabina,
Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)
5Bixiya allabaryadii xaqnimada,
Oo Rabbiga isku halleeya.
6Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya?
Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.
7Waxaad qalbigayga gelisay farxad
Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.
8Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa,
Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.

Currently Selected:

SABUURRADII 4: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy