YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 21

21
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
1Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga,
Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.
2Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay,
Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin. (Selaah)
3Waayo, waxaad isaga hor dhigtaa barakooyinka wanaagga,
Oo madaxiisana waxaad saartaa taaj dahab saafi ah.
4Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga,
Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.
5Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada,
Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.
6Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan,
Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.
7Waayo, boqorku wuxuu isku halleeyaa Rabbiga,
Oo Ilaaha ugu sarreeya raxmaddiisa aawadeed isaga innaba lama dhaqaajin doono.
8Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan,
Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.
9Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah.
Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa,
Oo dab baa gubi doona.
10Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa,
Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.
11Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan,
Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin.
12Waayo, waxaad iyaga ka dhigi doontaa inay dib u jeestaan,
Oo xadhigga qaansadaadana waxaad ku diyaarin doontaa wejigooda hortiisa.
13Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree,
Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.

Currently Selected:

SABUURRADII 21: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy