YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 144

144
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
1Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah,
Oo gacmahayga dagaalka bara,
Farahaygana dirirta bara,
2Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda,
Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga,
Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo,
Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.
3Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga?
4Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn,
Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.
5Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac,
Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan.
6Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi,
Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi.
7Gacantaada kor ka soo fidi,
Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan,
Iyo gacanta shisheeyayaasha,
8Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
9Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.
10Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa,
Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
11I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
12Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray,
Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka,
13Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah,
Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga,
14Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan,
Markaan la arag weerarid iyo qaxid,
Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,
15Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay,
Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.

Currently Selected:

SABUURRADII 144: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy