YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 37

37
1Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa,
Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.
2Haddaba dhegaysta qaylada codkiisa
Iyo sanqadha afkiisa ka baxaysa.
3Wuxuu taas u diraa inta samada ka hoosaysa oo dhan,
Oo hillaaciisana wuxuu u diraa dhulka darfihiisa oo dhan.
4Dabadiisna wax baa aad uga sanqadha,
Isagu wuxuu ku onkodaa haybaddiisa codkeeda;
Oo markii codkiisa la maqlona iyaga ma uu joojiyo.
5Ilaah si yaab ah ayuu codkiisa ugu onkodaa,
Oo wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aynan garan karin.
6Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da';
Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar
Iyo roobkiisa weynba.
7Isagu wuxuu shaabadeeyaa nin kasta gacantiisa,
In nin kasta oo uu sameeyeyba ogaado.
8Markaasaa bahalladu hogag galaan,
Oo waxay iska joogaan boholahooda.
9Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka,
Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.
10Barafku wuxuu ku yimaadaa Ilaah neeftiisa,
Oo biyaha ballaadhanuna way barafoobaan.
11Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan,
Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa,
12Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa,
Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro
Dunida la dego dusheeda oo dhan,
13Hadday tahay hagaajin aawadeed, ama dalkiisa aawadiis,
Ama naxariis aawadeed, kolleyba wuxuu ka dhigay inay kuwaasu noqdaan.
14Ayuubow, bal tan dhegayso,
Istaag oo bal ka fiirso shuqullada Ilaah oo yaabka miidhan ah.
15War miyaad taqaan siduu iyaga u amro,
Iyo siduu hillaaca daruurtiisa u iftiimiyo?
16Miyaad taqaan miisaaminta daruuraha,
Amase kan aqoontu kaamilka ku tahay shuqulladiisa yaabka leh?
17Miyaad taqaan wuxuu dharkaagu u kulul yahay,
Markuu Ilaah dhulka ku xasilliyo dabaysha koonfureed?
18Miyaad isaga la kala bixin kartaa cirka
U xoogga badan sidii muraayad la shubay?
19Na bar wixii aan isaga ku odhan lahayn,
Waayo, annagu hadalkayagii waxaannu la odhan kari waynay gudcur aawadiis.
20Isaga ma loo sheegi doonaa inaan hadli doono?
Ninse miyuu jecel yahay in isaga la liqo?
21Oo hadda dadku ma fiirin karo iftiinka cirka ka dhalaalaya,
Laakiinse dabayshu waa soo gudubtaa, oo iyagay safaysaa.
22Woqooyi waxaa ka soo baxa iftiin sida dahab u dhalaalaya,
Ilaahna wuxuu leeyahay haybad cabsi badan.
23Annagu ma heli karno Ilaaha Qaadirka ah, waayo, isagu wuu xoog badan yahay;
Oo isagoo garsoorid iyo caddaalad ka buuxa ninna ma uu dhibi doono.
24Sidaas daraaddeed dadku isagay ka cabsadaan;
Oo isagu ma uu fiiriyo kuwa qalbigooda xigmaddu ka buuxdo.

Currently Selected:

AYUUB 37: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy