AYUUB 25
25
Bildad
1Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2Dowladnimo iyo cabsiba isagaa leh,
Oo meelihiisa sarena nabad buu ka dhigaa.
3Ciidammadiisu ma tiray leeyihiin?
Oo yuu yahay kan aan iftiinkiisu ku soo bixin?
4Balse sidee baa nin u kari karaa inuu Ilaah hortiisa xaq ku ahaado?
Mid naagu dhashayse sidee buu u karaa inuu nadiif ahaado?
5Bal eeg, xataa dayuxu hortiisa nuur kuma leh,
Oo xiddiguhuna hortiisa daahir kuma aha.
6Intee buu ka sii liitaa nin dirxi ahu!
Iyo binu-aadmiga dirxiga ahu!
Currently Selected:
AYUUB 25: SOM08
Highlight
Share
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah © Society for International Ministries, 2008
Learn More About Kitaabka Quduuska Ah