YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 21

21
Ayuub
1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2Maqla oo warkayga aad u dhegaysta,
Oo tanuna ha noqoto wixii aad igu qalbiqabowjisaan.
3Bal mar ii oggolaada aan hadlee,
Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.
4Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa?
Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?
5Bal i eega, oo yaaba,
Oo afkiinna gacanta saara.
6Oo xataa markaan soo xusuusto waan welwelaa,
Oo jidhkaygana waa hoog iyo ba'.
7Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan?
Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan?
8Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa,
Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin.
9Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen,
Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna.
10Dibidoodu way dhalaan, oo marnaba madhalays ma noqdaan,
Sacyahooduna way dhalaan, dhicis mana keenaan.
11Dhallaankooda dibadday u baxshaan sidii adhi oo kale,
Oo carruurtooduna way cayaaraan.
12Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad,
Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.
13Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo,
Oo dabadeedna daqiiqad ayay She'ool ku dhaadhacaan.
14Laakiin waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag,
Waayo, dooni mayno aqoonta jidadkaaga.
15Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno?
Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?
16Bal eeg, barwaaqadoodii gacantooda kuma jirto,
Kuwa sharka ahna taladoodu way iga fog tahay.
17Immisa jeer baa laambadda kuwa sharka ah la demiyaa?
Oo immisa jeer baa belaayo ku kor degtaa?
Oo immisa jeer baa Ilaah isagoo cadhaysan xanuun u qaybiyaa?
18Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya,
Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo?
19Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa.
Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaalgudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed.
20Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa,
Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa.
21Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo,
Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo?
22Bal ma Ilaah baa wax la baraa?
Maxaa yeelay, isagaa xukuma xataa kuwa sare.
23Mid baa dhinta isagoo xooggiisu ku dhan yahay,
Oo istareexsan oo xasilloon,
24Oo aad u buuran,
Oo dhuuxa lafihiisuna qoyan yahay.
25Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh,
Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin.
26Habase yeeshee isku si bay ciidda u dhex jiifsadaan,
Oo dirxi baa korkooda daboola.
27Bal eega, anigu waan ogahay fikirradiinna,
Iyo xeesha aad qaldan igu hindisaysaan.
28Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku?
Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray?
29Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara?
Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda?
30Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada?
Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?
31Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona?
Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey?
32Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha,
Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.
33Waxaa isaga u macaanaan doonta ciidda dooxada,
Oo dadka oo dhammuna isagay soo daba kici doonaan,
Sida kuwii aan tirada lahayn oo isagii ka horreeyeyba ay u dhinteen.
34Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan,
Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?

Currently Selected:

AYUUB 21: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy