YouVersion Logo
Search Icon

SAMUU'EEL LABAAD 1

1
Daa'uud Oo Maqlay Dhimashadii Saa'uul
1Dhimashadii Saa'uul dabadeed, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Camaaleq oo uu Daa'uud laba maalmood Siiqlag sii joogay 2ayaa xataa maalintii saddexaad nin ka yimid xeradii Saa'uul isagoo maryo jeexjeexan, madaxana ciidu kaga taal, oo markuu Daa'uud u yimid ayuu dhulka ku dhacay oo sujuuday. 3Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Xaggee baad ka timid? Markaasuu isna wuxuu yidhi, Waxaan ka soo baxsaday xeradii reer binu Israa'iil. 4Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, sidee baa wax u dhaceen? Bal ii sheeg. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Dadkii dagaalkii way ka carareen, oo dadkii badidiisiina way le'deen; oo Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba waa dhinteen. 5Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa, oo u soo warramay, War sidee baad u ogaatay in Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba ay dhinteen? 6Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, wuxuu ku yidhi, Markaan si lamafilaan ah Buur Gilboca u soo gaadhay, waxaan arkay Saa'uul oo ku tiirsan warankiisii, gaadhifardoodkii iyo fardooleydiina aad bay u eryanayeen. 7Oo markuu gadaashiisa dhugtay ayuu i arkay, oo ii yeedhay. Oo anna waxaan ugu jawaabay, Waa i kan. 8Markaasuu igu yidhi, Yaad tahay? Oo anna waxaan ugu jawaabay, Nin reer Camaaleq ah baan ahay. 9Oo isna wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye, bal i soo ag joogso, oo i dil, waayo, wareer baa i haya; waayo, weli naftii waa igu jirtaa. 10Saas aawadeed waan ag joogsaday oo waan dilay, maxaa yeelay, waan hubay markuu dhacay dabadeed inuusan noolaanayn; oo markaasaan ka soo qaaday taajkii madaxa u saarnaa, iyo dugaagaddii gacanta ugu jirtay, waanan kuu keenay, sayidkaygiiyow. 11Markaasaa Daa'uud dharkiisii jeexjeexay; oo raggii isaga la jiray oo dhammuna saasoo kalay wada yeeleen, 12wayna u baroorteen, oo u ooyeen, oo u soomeen ilaa fiidkii Saa'uul, iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii Rabbiga, iyo reer binu Israa'iil aawadood; maxaa yeelay, seef bay ku le'deen. 13Kolkaasaa Daa'uud ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, Xaggee baad ka timid? Isna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay nin qalaad wiilkiis oo reer Camaaleq ah. 14Daa'uudna wuxuu ku yidhi isagii, Sidee baad uga cabsan weyday inaad gacantaada u qaaddo Rabbiga kiisa subkan? 15Dabadeedna Daa'uud wuxuu u yeedhay raggii dhallinyarada ahaa midkood, oo ku yidhi, U dhowow oo dil. Markaasuu dilay, isna wuu dhintay. 16Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Dhiiggaagu madaxaaga ha saarnaado; waayo, afkaagaa kugu marag furay, oo waxaad tidhi, Rabbiga kiisa subkan ayaan dilay.
Daa'uud Oo U Baroortay Saa'uul Iyo Yoonaataan
17Markaasaa Daa'uud baroortan ugu baroortay Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan, 18oo wuxuu ku amray inay carruurta dalka Yahuudah baraan gabayga qaansada; oo bal eeg, kaasu wuxuu ku qoran yahay kitaabka Yaashaar.
19Reer binu Israa'iilow, Ammaantiinnii waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare!
Bal eega kuwa xoogga leh siday u dhaceen!
20Haddaba taas Gad ha ku sheegina,
Oo jidadka Ashqeloonna ha ku caddaynina;
Waaba intaasoo ay naagaha reer Falastiin ku farxaane,
Waaba intaasoo ay buuryoqabyada naagahoodu ku guulaystaane.
21Buuraha Gilbocow,
Dharab iyo roob midna yaan laydinku arkin, beerihii qurbaanyadu ka bixi jireenna yaanay jirin,
Waayo, kuwii xoogga lahaa gaashaankoodii ayaa halkaas lagu tuuray,
Xataa gaashaankii Saa'uul oo ahaa sida mid aan saliid lagu subkin.
22Kuwii la laayay dhiiggoodii, iyo kuwii xoogga lahaa xaydhoodii,
Yoonaataan qaansadiisii dib ugama ay soo noqon,
Oo Saa'uul seeftiisiina madhnaan kuma ay soo noqon.
23Intay noolaayeen Saa'uul iyo Yoonaataan waxay ahaayeen kuwo la jecel yahay, oo macaan,
Markay dhinteenna, lama kala geeyn,
Gorgorrada way ka dheereeyeen,
Libaaxyadana way ka xoog badnaayeen.
24Gabdhaha reer binu Israa'iilow, Saa'uul u ooya,
Kii dhar cas si raaxa leh idiin huwiyey,
Oo dharkiinnana dahab ku sharraxay.
25Kuwii xoogga badnaa siday dagaalka ugu dhex dhaceen!
Yoonaataan waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare.
26Anigu daraaddaa baan u dhibtooday, walaalkay Yoonaataanow;
Adigu aad baad iigu macaanayd,
Oo jacaylkaad ii qabtay wuxuu ahaa mid yaab leh,
Oo xataa caashaqa naagaha dhaafaya.
27Bal eeg kuwii xoogga badnaa siday u dhaceen,
Hubkii dagaalkuna siduu u hallaabay!

Currently Selected:

SAMUU'EEL LABAAD 1: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy