YouVersion Logo
Search Icon

1 KORINTOS 7

7
Arrimaha Ku Saabsan Guurka Iyo Guurla'aanta Iyo Furidda
1Waxyaalahaad ii soo qorteen xaggooda, Waxaa nin u wanaagsan inuusan qof dumar ah taaban. 2Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato. 3Ninku afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman ha siiso. 4Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa. 5Ha isdiidina, wakhti aad ku heshiisaan inaad soon iyo tukasho u goosataan mooyaane, oo aad haddana isu timaadaan, si aan Shayddaanku idiin duufin iscelinla'aantiinna aawadeed. 6Laakiin taas fasax ahaan ayaan u leeyahay ee amrise maayo. 7De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.
8Laakiin anigu waxaan kuwa aan guursan iyo carmallada laga dhintay ku leeyahay, Waa u roon tahay iyaga inay sidayda oo kale sii ahaadaan, 9laakiin hadday iscelin kari waayaan, ha guursadeen; waayo, waxaa dhaanta inay guursadaan intay guban lahaayeen. 10Laakiin kuwa guursaday waxaan ku amrayaa, kan amrayaa aniga ma aha laakiin waa Rabbiga, Afadu yaanay ninkeeda ka tegin. 11Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la'aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin.
12Kuwa kale anigu waxaan ku leeyahay ee ma aha Rabbiga, Hadduu mid walaal ah qabo afo aan rumaysanayn, oo ayna raalli ka tahay inay la joogto, yaanu ka tegin. 13Oo afadii nin aan rumaysanayni qabo oo isna raalli ka yahay inuu la joogo, yaanay ninkeeda ka tegin. 14Waayo, ninka aan rumaysanayni wuxuu quduus ku noqdaa xagga naagta, oo naagta aan rumaysanaynina waxay quduus ku noqotaa xagga ninka rumaysan, haddii kale carruurtiinna wasakh bay ahaan lahaayeen, laakiin haatan waa quduus. 15Laakiin haddii kan aan rumaysanayni tago, ha iska tago. Waxaas oo kale walaalka ama walaashu uma xidhxidhna. Ilaah wuxuu inoogu yeedhay nabad. 16Waayo, sidee baad ku garanaysaa, naag yahay, inaad ninkaaga badbaadin doonto iyo in kale? Ama sidee baad ku garanaysaa, nin yahow, inaad naagtaada badbaadin doonto iyo in kale?
17Hase ahaatee, mid kastaa ha u socdo sidii Rabbigu ugu qaybshay iyo sidii Ilaah mid kasta ugu yeedhay. Oo sidaasaan kiniisadaha oo dhan ku amraa. 18Nin gudan ma loo yeedhay? Gudniinla'aan yaanu noqon. Nin aan gudnayn ma loo yeedhay? Yaan la gudin. 19Gudniintu waxba ma aha; gudniinla'aantuna waxba ma aha, laakiin waxaa waajib ah in la xajiyo qaynuunnada Ilaah. 20Nin kastaa sidii loogu yeedhay, ha sii ahaado. 21Ma laguu yeedhay adigoo addoon ah? Dan ha u gelin. Laakiin haddaad karayso inaad xorowdid, waa inaad aqbashid. 22Waayo, kii xagga Rabbiga loogu yeedhay isagoo addoon ah, wuxuu yahay ninka xorta ah ee Rabbiga, sidaas oo kalena kii isagoo xor ah loo yeedhay, wuxuu yahay addoonka Masiix. 23Qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday; addoommada dadka ha noqonina. 24Walaalayaalow, nin kastaa sidii loogu yeedhay ha sii ahaado, isagoo Ilaah la jira.
25Amar bikradaha ku saabsan kama haysto xagga Rabbiga, laakiin waxaan kula talinayaa sida mid Rabbiga naxariis ka helay inuu aamin ahaado. 26Sidaa daraaddeed waxay ila tahay dhibta haatan joogta aawadeed inay u roon tahay nin inuu sii ahaado siduu yahay. 27Miyaad naag ku xidhan tahay? Ha doonin inaad ka furnaato. Miyaad naag ka furan tahay? Ha doonin naag. 28Laakiin haddaad guursatid ma aad dembaabin, bikraduna hadday guursato ma ay dembaabin, laakiin kuwaas oo kale xagga jidhka dhib bay ka heli doonaan, laakiin dhibtaasaan idinka celin lahaa. 29Laakiin waxaan leeyahay, walaalayaalow, wakhtiga waa la soo gaabiyey, hadda kaddib kuwa naagaha qabaa ha ahaadeen sidii iyagoo aan qabin; 30oo kuwa ooyaana sidii iyagoo aan ooyin, kuwa farxaana sidii iyagoo aan farxin, kuwa wax iibsadaana sidii iyagoo aan waxba lahayn; 31kuwa dunidan ku isticmaalaana, sidii iyagoo aan aad ugu isticmaalin, waayo, xaalka dunidan waa idlaanayaa. 32Waxaan jeclaan lahaa inaad welwel la'aataan. Kii aan guursanin wuxuu u welwelaa waxyaalaha Rabbiga, siduu Rabbiga uga farxin lahaa. 33Laakiin kii guursaday wuxuu u welwelaa waxyaalaha dunida siduu afadiisa uga farxin lahaa. 34Afada iyo bikraddu waa kala duwan yihiin. Tii aan la qabinu waxay u welweshaa waxyaalaha Rabbiga si ay quduus uga ahaato xagga jidhka iyo xagga ruuxa. Tii guursatay waxay u welweshaa waxyaalaha dunida si ay ninkeeda uga farxiso. 35Tan waxaan idinku leeyahay waxtarkiinna aawadii ee ma aha inaan qool idin geliyo, laakiin in waxa roon la arko iyo inaad Rabbiga u adeegtaan kalajeedsadla'aan. 36Nin uun hadduu u maleeyo inuu wax aan toosnayn ku falayo xagga bikraddiisa, hadday wakhtigii dhallinyaronimadeedii dhaafto oo sidaas loo baahnaado, ha sameeyo wuxuu dooni lahaa. Dembaabi maayo ee ha guursadeen. 37Kii qalbigiisa ka adkaysta, isagoo aan la qasbin, laakiin nafsaddiisa u taliya, uuna qalbigiisa ka goostay inuu bikraddiisa iska sii hayo, si wanaagsan buu falaa. 38Sidaasna kii bikraddiisa u guuriyaa si wanaagsan ayuu falaa, iyo kii bikraddiisa aan u guurinin si ka wanaagsan ayuu falaa. 39Naag waxay ku xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiin haddii ninku dhinto, waa xor inay guursato kay doonto laakiin xagga Rabbiga oo keliya. 40Laakiin way ka sii faraxsanaan lahayd hadday iska joogto, siday aniga ila tahay, oo anigu waxaan u malaynayaa inaan Ruuxa Ilaah leeyahay.

Currently Selected:

1 KORINTOS 7: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy