1
ROOMA 12:2
Kitaabka Quduuska Ah
SOM08
Ha u ekaanina dadka ifkan, laakiinse ku beddelma cusboonaanta maankiinna inaad hubsataan waxa ay tahay doonista Ilaah oo wanaagsan oo isagu ku farxo oo kaamilka ah.
Compare
Explore ROOMA 12:2
2
ROOMA 12:1
Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiinna Ilaah u siisaan sida allabari nool oo quduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiinna caqliga leh.
Explore ROOMA 12:1
3
ROOMA 12:12
Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta
Explore ROOMA 12:12
4
ROOMA 12:21
Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.
Explore ROOMA 12:21
5
ROOMA 12:10
Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo.
Explore ROOMA 12:10
6
ROOMA 12:9
Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada.
Explore ROOMA 12:9
7
ROOMA 12:18
Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.
Explore ROOMA 12:18
8
ROOMA 12:19
Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay.
Explore ROOMA 12:19
9
ROOMA 12:11
Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega.
Explore ROOMA 12:11
10
ROOMA 12:3
Waayo, nimcadii lay siiyey ayaan ku hadlayaa, waxaan ku leeyahay, Mid kasta oo idinka mid ah, yuusan isderejayn intuu isderejayn lahaa in ka badan, laakiinse miyirqab ha ku fikiro, sida Ilaah mid kasta u siiyey qayb rumaysad ah.
Explore ROOMA 12:3
11
ROOMA 12:17
Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa.
Explore ROOMA 12:17
12
ROOMA 12:16
Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina.
Explore ROOMA 12:16
13
ROOMA 12:20
Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah.
Explore ROOMA 12:20
14
ROOMA 12:14-15
U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina. La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya.
Explore ROOMA 12:14-15
15
ROOMA 12:13
oo ku caawiya waxa quduusiintu u baahan yihiin, oo shisheeyaha martiggeliya.
Explore ROOMA 12:13
16
ROOMA 12:4-5
Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn, sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.
Explore ROOMA 12:4-5
Home
Bible
Plans
Videos