1
MUUJINTII 11:15
Kitaabka Quduuska Ah
Markaasaa waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii toddobaad, oo waxaa samada ka yeedhay codad waaweyn, oo waxay yidhaahdeen, Boqortooyadii dunidu waxay noqotay boqortooyadii Rabbigeenna iyo Masiixiisa, oo isna boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiis.
Compare
Explore MUUJINTII 11:15
2
MUUJINTII 11:18
Oo quruumihiina way cadhoodeen, oo waxaa yimid cadhadaadii iyo wakhtigii kuwii dhintay la xukumi lahaa iyo wakhtigii abaalgudkooda la siin lahaa nebiyada addoommadaada ah iyo quduusiinta iyo kuwa magacaaga ka cabsada, yaryar iyo waaweynba, oo la baabbi'in lahaa kuwa dhulka baabbi'iya.
Explore MUUJINTII 11:18
3
MUUJINTII 11:3
Oo labadayda markhaati waxaan siin doonaa xoog ay wax ku sii sheegaan kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood, iyagoo jawaanno qaba.
Explore MUUJINTII 11:3
4
MUUJINTII 11:11
Oo saddex maalmood iyo badh dabadeed waxaa iyaga soo gashay neeftii nolosha oo xagga Ilaah ka timid, markaasay cagahoodii ku istaageen; oo kuwii iyaga daawadayna waxaa ku soo degtay cabsi weyn.
Explore MUUJINTII 11:11
5
MUUJINTII 11:6
Kuwanu waxay leeyihiin amar ay samada ku xidhaan, si aan roob u di'in inta ay wax sii sheegayaan, oo waxay kaloo leeyihiin amar ay biyaha dhiig kaga dhigaan oo ay dhulkana ugu soo dejiyaan belaayo kasta mar alla markii ay doonayaan.
Explore MUUJINTII 11:6
6
MUUJINTII 11:4-5
Oo kuwanu waa labada geed oo saytuunka ah iyo labada laambadood oo hor taagan Rabbiga dhulka. Oo haddii nin damco inuu wax yeelo, dab baa afkooda ka soo bixi doona oo gubi doona cadaawayaashooda; oo haddii nin damco inuu wax yeelo, waa in saas loo dilo.
Explore MUUJINTII 11:4-5
YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy
Home
Bible
Plans
Videos